Xubnaha Reer Sool ee Tartanka ka mid noqoshada Xukuunada Axmed Siilaanyo oo Hargeysa ka bilowday
Sool(UDUB)-Waxaa magaalada Hargeysa ka bilowday tartan loogu jiro ka mid noqoshada golaha xukuumada ee uu axmed siilaanyo soo dhisi doono marka uu xilka la wareego.
Tartanku wuxuu ka bilowday beelaha dhexdooda iyadoo beel walba ay ka sharaxanyihiin ama ay rabaan in ay liiska iska dhex arkaan dhowr xubnood oo beesha ka tirsan.
Tusaale ahaan waxaa lays barbardhigayaan dhowr oo isku beel kasoo wadajeedo sida:
Cali maxamuud Axmed (Cali Sandule)
Fuaad Aadan Cade
C/risaaq Khaliif Axmed Dawdar.
Hadaba Sadexdan oo hada hargeysa laga hadal hayo maxay kala yihiin:
Fuaad aadan cade waa nin hada da ah oo aan siyaasada kusii jiri karin, intabadan makala hadho oo dhinac ayuu isku raaca, shacbiyad ama taagero kuma hayso SSC marka loo eego ficiladiisii hore, awood uma laha inuu dad kala beelo ah isku wado, mana aha nin uu shacab maamulo u sameysan. Hadii la magacaabo Maamulka Siilaanyo Waxba usoo kordhinmaayo waxayna u dhowdahay in hadaladiisii ay shacabka ku dhaqan degaamada Somaliland haysato iyo somaliland sii kala fogeeyaan.
C/risaaq khaliif Axmed Dawdar malaha waayo aragnimo siyaasadeed iyo mid maamultoona, waxaa lagu xantaa inuu wadaada xagjira ku xiran yahay, wuxuu sheegtaa inuu qabankaro waxyaalo aanu qaban karin sida hadii lay magacaabo waxaan soo xeraynayaa Isimada SSC oo dhan, ayaamahan wuxuu ku mashquulsana oo uu xiriiro la sameynayey labo Garaad jaamac, wuxuu ku mashqulsanyahay sidii uu xisbaga kulmiye oo u badan xubnihii SNM uu isaga dhaadhicin lahaa isagoo si aan caadi ahayn loogu dareemayo isku dhedhejis saayida, isku kalsoonidiisa inuu gooni isu taago aadbay u hoosaysaa. Hadii uu Siilaanyo magacaabo waxaa laga yaabaa inuu fidmo horleh soo kordhiyo taasoo aan dani ugu jirin somaliland iyo SSC.
Cali maxamuud Axmed (Cali Sandule) wuxuu ka tirsanaan jiray Saraakiishii Xooga dalka Somaliyeed, waa nin aad u degan, wuxuu isku dayaa inuu qolo walba qanciyo, habkiisa maamul aad ayuu u sareeya, waxaa lagu garan karo waxaa ka mid ah markii Somaliland Laascaanood qabsatay wuxuu is hortaagay in degaanka ay fawdo iyo bililiqo ka bilaabanto, wuxuu dhisay maamulkii gobolka, wuxuu soo celiyey kala dambeyntii, wuxuu ciidamada Somaliland iska hor istaagay inay wax xadgudub ah sameeyaan, wuxuu xakameeyey in kala aargudasho bilaabanto, wuxuu dejiyey dadkii magaalada joogay, waxay si xoog ah isaga horyimaadeen xubnihii kale ee SSC ee Somaliland ku jiray oo iska dhigayey inay wax qabsadeen taasoo oo uu diiday, taageeradiisuna shacabkuna aad ayey u sareysaa, wuxuu xiriir la leeyahay siyaasiyiin iyo shaqsiyaad muhiima, labada nin ee la tartamaya waxqabadkiisii boqol jeer ayuu ka fiicanyahay, Cali sandule waxaa lagu sheegaa inuu yahay siyaasiga ugu macquulsan xubnaha SSC ee Somaliland ku jira.
Hadii la magacaabo waxaa laga yaabaa in deganaasha degaamada SSC ee Somaliland haysato ay sii jiraan nabadgelyada iyo maamulka ka jira uu sii shaqeeyo.
Hadaba Axmed Siilaanyo sidee ayuu yahay ama wax u dooran karaa?
Si kastaba ha ahaatee waxaa maalmaha soo socda muuqan doonta sida uu axmed Siilaanyo uu u xusho golihiisa wasiirada iyo wadada uu qaadi doono, taaso lagu dheehan doono waayo aragnimadiisa iyo koriimada maskaxeed ee lataliyeyaashiisa.
Cali Sandule oo ah siyaasi reer Sool ,kalsooni Badana ka haysta Bulshadiisa ayaa la filayaa inuu ku soo baxo Xubnaha Wasiirada ee ka soo jeeda Gobolka sool ee xukuumasa Madaxweyne Siilaanyo,waana nin kartiĀ iyo waxqabdan leh Arimaha Soolna Waxbadan ka tari kara,inbadana ka wax kasoo qabtay hawlha gobolkaasi.
