Qasnadii shirkada Biyaha Borama (Shabba) oo la amaahiyey Saylici iyo dareenka reer Awdal ka bixiyeen
Qasnadii shirkada Biyaha Borama Shabba oo la amaahiyey Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Jamuuriyada Somaliland Cabdiraxman Saylici si guri qasri ah loogaga kireeyo Hargeysa iyo Dadweynaha Borama oo aad ula yaaban amaahdaas meesha laga bixin doono.
Borama (UDUB)Sida aanu la wada socono Madaxweyne ku xigeenka la doortey Cabdiraxman Saylici waxa uu hargeysa ka kiraystey gurigii ugu qaalisanaa ee abid madaxda Somaliland ay kiraysato. Kirada Gurigan oo lagu qiyaasay kumanaan doolarka maraykanka ah ayaa waxa loo farsameeyey cab casri ah isla markaana waxa uu leeyahay diwaano aad u waaweyn oo lagu raaxaysto iyo kudhawaad 14 qol oo siyaabo kala duwan loo kala isticmaali karo.
Lacagta lagu kireeyey gurigan ayaa la sheegay in afar casho ka dib markii xisbiga Kulmiye ku guuleystey doorashada Somaliland ay niman aad isugu dhawdhaw yihiin madaxweyne kuxigenka la doortey ay Cabdiraxman Saylici shirkada Biyaha Borama ee Shabba weydiiyeen amaahdeeda. isla markaana Cabdiraxman Saylici uu kusoo celin doono mudo laba sano ah.
Lacagtan shirkada biyaha Borama ayaa dhalisey muran ka dhex dhacay gudiga maamula shirkada Biyaha waxaana la isku afgaran waayey la bixida lacag qadarkeedu aadka ubadan yahay iyo waliba siday ay kusoo noqon doonto oo iyana muran adagi ka dhashay.
Wadaxaajood ka dhex socday nimankan dhinaca Cabdiraxman Saylici ka socday iyo gudiga shirkada Biyaha SHabba ayaa waxa uu qaatey dhawr maalmood waxaana gabagabadii shirkadu ogolaatey in qadarka lacageed ee uu Cabdiraxman Saylici dalbaday la siiyo si uu guriga ugu kireysto.
Dadweynaha Borama ayaa la yaabay lacagta qadarkeedu sidan u badan yahay ee uu Cabdiraxman Saylici ku kireystey guriga ku yaala hargeysa waxaanay dadweynaha badankoodu saxaafada gobolka Awdal u sheegeen in musuqmaasiqii xisbiga Kulmiye ku talay jirey uu durba soo fadalo cadcad yahay .
“Cabdiraxman saylici kaliya waxa uu dayntaa ka bixin karaa qasnada dawlada waana danbi qaran oo uu durba ka galay qaranka somaliland” Hadaladan iyo kuwo kale oo aad u cadho badan ayey qaar ka mid dadweynaha Borama isla dhex marayeen dhawrkii casho ee inaga tagay.
Cabdiraxman Saylici oo mudadii ololaha doorashada lagu gudo jiray dadweynaha Borama kala hadlay waxqabad la’aanta dawlada Rayale iyo waliba musuqmaasuqa cashuurta dadka lagu hayo ayey dadweynaha Borama ku tilmaameen inuu durba ku hungoobay balamihii madhnaaa ee uu tageerayaashiisa kula hadlay khayriyada Borama.
Ilaa hada wax warbixin ah oo ku saabsan gurigan qaaliga ah oo ka soo yeedhay dhinaca Cabdiraxman Saylici lama hayo waxana la filayaa in Madaxweyne kuxigeenka la doortey uu dhawaan u wareego magaalada hargeysa .
Xigasho: Saylac news



