Jul 16 2010

warar aan la hubin oo sheegaya in Siilaanyo oo ku dhawaaqay qaar ka mid ah wasiiradiisa

Hargysa,(UDUB)- Axmed Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay magacaabista laba ka mid noqon doona golahiisa wasiirada, labadan wasiir oo ah labadii wasiir ee ugu horeeyay ee ka soo baxaya Siilaanyo xafiiskisa ayaa kala ah.
Wasiirka macdanta iyo biyaha iyo tamarta oo uu u magacaabay Ismaciil MUUMIN Aaare, xaga uu uu wasiirka arimaha dibadana u magacaabay Dr Maxamed C/laahi Cumar, oo xiligan ku sugan dalka Kiiniya.
Mudane Siilaanyo ayaa ay ku adkaatay in uu si dhamaystiran ugu dhawaaqo golahiisa wasiirada iyada oo ay xiligani jiraan buuq iyo sawaxan ka jira cidii noqon lahayd wasiir, taasi oo ay ragbadani ay hore u haysteen balan qaadyo rasmi ah oo uu Siilaanyo siiyay raga hada doonaaya in ay noqdaan wasiirada, taasi oo uu kala saarilaayahay ragaasi oo uu wareer badan kala kulmay, taasi oo laga yaabo in uu ayaamaha soo socda uu ugu dhawaaqo cidii uu calaf u qoray xaga la rajaynaayo in golahaasi uu magacaabi doono ay ka cadhoon doonaan xubno aad u tiro badan oo miisaan ku lahaa xisbiga gudihiisa.
Meelaha uu loolanka xoogani uu ka taaganyahay waxa ka mid ah wasaaradaha arimaha gudaha iyo maaliyada oo ay kala quud daraynayaan beelaha ka soo jeeda galbeedka Burco iyo Galbeedka Hargysa, kuwaasi oo ay ukala halgamayaan Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, taasi oo ay garab socoto oo ay jiraan xubno kale oo mihiim ah oo iyaguna hunguraynaaya xilkaasi.
Hadaba hadii uu Siilaanyo wasaaradaha arimaha gudaha iyo maaliyada uu kala siiyo beelaha Galbeedka Hargysa iyo Galbeedka Burco cid ka soo jeeda waxa ay talaabadaasi noqon doontaa mid aan wax isbadal ah ku samaynin xagaasi oo ma jiri doonto waxa ay aagaasi kaga duwanaan doonto golahii wasiirada ee Rayaale, oo ay wasaaradahaasi kala hayeen rag ka soo jeeda Galbeedka Burco iyo Galbeedka Hargysa.

Leave a Reply