Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalka ka Dhacay Deegaanka Widhwidh

Widhwidh(UDUB)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa daboolka kaqaaday in Ciidanka Qaranka JSL ee deegaanka Widhwidh ay si xun u jebiyeen maleeshayadii xala ilaa saaka weerarka ku soo qaaday, isla markaana waxa uu tibaaxay inay qabteen qaar ka mid ah maleeshiyadaas weerarka ku soo qaaday.  
Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu sidan ku sheegay xog-waran kooban oo uu galabta siiyey idaaca bbc-da, isaga oo xusay in Ciidanka Qaranku si xun u jebiyeen maleeshiyadii weerarka ku soo qaaday.
Mar uu Wasiirku ka hadlayay sida uu dagaalkaasi u dhacay waxa uu yidhi “Xalayto kowdii ilaa labadii ayaa kooxdaas nabadiid ahi waxa ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda Widhwidh, hase ahaatee Ciidanku wuu ka warhelay oo wuu iska caabiyey.”
Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Isla saaka todobadii markii ay saacadu ahayd ayay haddana weerar kale soo qaadeen, halkaas dagaal ayaa ka dhacay oo Cidanka Qaranka halka Askarina wuu ka dhintay mid kalena wuu kaga dhaawacmay. Waxa weeye Ciidanku shacabkiisii ayuu la degan yahay, waxaa waajib ah inuu shacabkiisa u tudho.”
Wasiirku waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Waxa ay Saraakiisha Ciidanku na soo gaadhsiiyeen in qabteen tiro ka mid ah Maleeshiyadii soo duushay, oo ay si nabad gelyo ah u hayaan.”
Wasiirku waxa sheegay in khasaaraha dagaalka ay gadaal ka soo gudbin doonaa, isla markaana waxa uu tilmaamay inay dagaalkii istaagay oo hadda aanu wax dagaal ahi socon.

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]

Cabdiheersare01@hotmail.com

Leave a Reply