Dawlada Jamhuuriyada Jabuuti oo wafdi heer sare ah u soo Dirtay Xil Wareejinta Xukuumada Somaliland oo Galabta soo gaadhay Hargeisa.

Hargeisa (UDUB) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa galabta ka soo Degay Madaarka Caasimada hargeisa ee Cigaal International Airport,Waftigaasi oo ka koobnaa 16 xubnood oo isugu jiray laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka jabuuti iyo Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumada jabuuti.
Waftigaasi oo si Diiran loogu Soo dhaweeyay Madaarka hargeisa ayaa Waxaa soo Dhawayntooda ka Qayb Galay Masuuliyiinta Xukuumada Cusub oo uu hogaaminayo Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Talada ka sii Degaysa, Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland,Salaadiinta iyo Cuqaal tiro badan oo reer somaliland ah, iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan.
Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka hargeisa ayaa sheegay inuu Hambalyo ka sido Madaxwayne Ismaaciil Cumar geele iyo Shacabka Reer Jabuuti, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland u yimaadeen inay ka Qayb galaan Xafladda Xilwareejinta Xukuumadii hore iyo Ta Cusub ee Dadka reer somaliland soo doorteen.
Mudane Cali Cabdi Faarax Waxa uu Somaliland ku hambalyeeyay Qaabkii wanaagsanayd ee Doorashada Somaliland u dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee Masuuliyiinta Axsaabtu isugu hambalyeeyeen Guushii Doorashada madaxtinimada Somaliland.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay la soo jeedeen Shicibka reer somaliland wakhtigii doorashadu socotay, kana war hayeen ilaa intii lagu dhawaaqayay, waxaanu intaasi raaciyay in la farxeen kuna Faraxsanyihiin sida Walaaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Caasimada somaliland ee Hargeisa.
Wasiirka Arimaha Dibada somaliland C/laahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi oo ku kala hadlayay Afka Xukuumada Madaxwayne Rayale iyo Xukuumada Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa halkaasi ka jeediyay kalmado soo dhawayn ah, Waxaanay ka warameen Xidhiidhka labada Dawladood ee walaaltinimada ah.
Waftigan oo Casuumad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha la Doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu Gabiley News u Xaqiijiyay Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga KulmiyeDr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa Noqonaya Waftigii ugu Cuslaa ee Dawlada jabuuti usoo dirto somaliland, isla markaana waftigii ugu horeeyay ee ka yimaada wadamada jaarka ee ka qayb gal Xilwareejinta Xukuumadaha Somaliland.
 
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com

Leave a Reply