Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland oo Loo Doortay Maanta Si Rasmi Ah Loogu Dhaariyey Madaxweynenimada JSL
(UDUB)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland loo soo doortay iyo ku xigeenkiisa Md Axmed Maxamed Silaanyo iyo Cabdiraxmaan Ismaciil [Saylici] ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilalka madaxweynaha iyo ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.
Xafladda dhaarinta oo lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb-galay Shirgudoonka Golahaaysah Baarlamanka Somaliland, Wufuud kala duwan oo kala socotay waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, Xildhibaano, Salaadiin, Komishanka doorashoyinka, Awbaano, Culimo aw diin, Aqoonyahano, siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo aad u tiro badnaa.
Markii ay xafladu bilaabantay, ayaa hagihii xafladu waxa ay ku dhawaaqay in Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Oomane uu dhaarinayo Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, halkaas oo uu ku dhaariyey dhaarta dastuuriga ah ee distoorku dhigayo in lagu dhaariyo Madaxda waddanka.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, oo dhaarta ka dib halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dhamaan ka soo qayb-galaasha xaflada dhaarinta, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyey Wufuud kala duwan ee kala socotay waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
Waxa kale oo uu mahad ballaadhan u jeediyey Madaxweynaha xilka wareejiyey ee Somaliland Md. Daahir Raayale iy o ku xigeenkiisa, Golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, Komishanka iyo saxaafada.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaaloyaal xilka maanta Ummadu ii igmatay waa xil weyn, Ilaahay-na waxaan ka baryaa inuu ii fududeeyo. Waxa aan idinka ballanqaadayaa in Ummada sidii ay igu doorteen ee aan hore-ba barnaamijkayaga ugu caddeeyey inaan u noqdo mid si man u maamula Ummada Somaliland oo caddaalad ku maamulo horumarkeeda.”
Waxa uu ballan qaaday inuu fulinayo dhamaan ballamihii uu qaaday intii ay doorashada ku guda-jireen, isla markaana waxa uu ka dalbaday guud ahaan Ummada reer Somaliland in lala shaqeeyo.
Madaxweynaha xilka wareejiyey ee Md. Daahir Rayaale Kaahin oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga hadlay waayihii maamulkiisa intii uu Madaxweynaha ahaa, isaga oo carrabaabay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejoyo madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo.
Waxaana uu tilmaamay inuu la shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee Somaliland, isla markaana uu diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa uga faa’idanayo Ummada reer Somaliland.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com

mansha allah NOOLOW RAYAALOW adeer meesha sharaf ayaad kaga baxdaye waxa isku soo hadhay macaaridkii waligiiba is cuni jiray oo madaxtinimo loo dhiibay …………
DAL BA’AYOW YAA KU LEH ?