Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo si Rasmi ah Ugu dhawaaqay Magacyada Golaha Wasiirada xukuumadiisa.

(UDUB) Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay golihii Wasiirada ee xukuumadiisa cusub ee uu soo dhisay Madaxweynaha cusubi.

Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacyada golaha wasiirada cusub kaga dhaawaqay shir-jaraa’id oo ku qabtay xaruunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu bulshada ka codsaday inay si fiican ula shaqeeyaan xukuumada cusub.

Md Siilaanyo waxa uu sheegay in golaha wasiirada xukuumadiisu yihiin 20 Wasiir iyo lix ku xigeen, kuwaas oo dhammaantood is hoos imanaya.

Magacyadda Wasaaradaha iyo Wasiirada loo magacaabay.

1.        Wasaarada arimaha dibada iyo xidhiidhak caalamiga ah….Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.

2.        Wasaarada arimaha gudaha……Dr Maxamed Cabdi Gaboose.

3.        Wasaarada Maaliyadda…Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

4.        Wasaarada qorshaynta qaranka iyo horumarinta…..                                  Dr Sacad Cali shire.

5.        Wasaarada hawlaha guud iyo gaadiid……..Xuseen Axmed Caydiid.

6.        Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare…..Samsam Cabdi Aaden.

7.        Wasaarada Caafimaadka……Dr Xuseen Muxumed Maxamed  (Aw-xoog).

8.        Wasaarada Gaashaandhiga……….Axmed Xaaji Cali Cadami.

9.        wasaarada Ganacsiga, warshaha iyo dalxiiska…….Cabdirisaaq khaliif Axmed.

10.      Wasaarada Xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumainta reer miyiga……Axmed Xaashi oday.

11.      Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta………..Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.

12.      Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada……….Prof Ismaaciil Muumin Aare.

13.      Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta……Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed.

14.      wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada…..Ilhaan Maxamed Jaamac.

15.      Wasaarada Kaluumaysiga, khayraadka iyo maamulka dakedaha…Dr Maxamed Yaasiin Xasan.

16.      Wasaarada Macdanta, biyaha iyo Tamarta……..Dr Xuseen Cabdi Duceele.

17.      Wasaarada Cayaaraha, dhalinyarada iyo dhaqanka…….Maxamed Xaashi Madar.

18.      Wasaaraha Beeraha……..Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

19.      19. Wasaarada Duulista iyo Hawada……..Maxamuud Xaashi Cabdi

20.      Wasaarada Warfaarinta………Cabdilaahi Jaamac Cusmaan [Geel-jire]

21.      Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo tacliinta sare…..Cali Xaamud Jibriil

22.      Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada……….Maxamuud Yoonis Cawaale.

23.      Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha ………Cismaan Garaad Soofe.

24.      Wasiir ku xigeenka Wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta…….Cali Cabdi Saa’iq.

25.      Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyadda……..Warsame Siciid Cabdi.

26.      Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka……..Nimco Xuseen Qwdhan.

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]

Leave a Reply