Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta Magacaabay laba xil
Hargeysa(UDUB)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud
Siilaanyo ayaa maanta soo saaray laba Xeer oo uu ku magacaabay laba
xil oo muhiim ah kuwaasoo kala ah Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada iyo
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland. Oo uu u kala magacaabay Xirsi
Cali X Xasan iyo C/laahi Maxamed Daahir Cukuse.
Labadan masuul ee labada Xil loo kala magacaabay ayuu midkood yahay
Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel horena u soo noqday
Guddoomiye ku xigeenka Komishanka, halka nin ka labaad ee loo
magacaabay uu yahay Gudoomiyaha Wargeyska Saxansaxo.
War-saxaafadeedka uu Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay labadan xil
waxa uu u qornaa sedan:-
Warsaxaafadeed Madaxtooyada Somaliland
29/07/2010
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud,
ayaa maanta soo saaray laba xeer oo uu ku kala magacaabay labadan
masuul ee hoos ku xusan, kuwaasi oo kala qaban doona Chief of
Cabinet-ka Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.
1. Mudane, Xirsi Cali X. Xassan oo uu u magacaabay inuu noqdo
Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.
2. Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu u magacaabay
inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada.
Allaa Mahad Leh
Maamulka Xafiiska Madaxweynaha JSL
