Jul 31 2010

Baaq ay soo saareen qurba joogta beesha Xirsi-Cismaan

Baaq ay soo saareen qurba joogta beesha Xirsi-Cismaan

Anagoo ku hadlayna magaca qurba jooga beel waynta Xirsi-Cismaan waxaanu hambalyo iyo bogaadin udiraynaa madaxweynaha cusub ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Waxa kale oo aanu hambalyo balaadhan udiraynaa komiishanka qaranka Somaliland oo runtii qabtay doorasho xor iyo xalaal ah, oo ahayd doorasho ay in badan sugayeen shacabka reer Somaliland, si ay umuujiyaan codkooda si ay ugu doortaan cidii ay rabaan.

Waxa kale oo aanu hambalyo iyo bogaadin udiraynaa Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Ciidamada Booliska oo runtii aan la ilaawi karin sidii wanaagsanayd ee ay xilkooda u guteen,

waxa kale oo aanu hambalyo udiraynaa madaxwaynihii hore iyo ku xigeenkiisii mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo siwanaagsan oo ay gobonamo ku jirto u aqbalay natiijadii doorashada, waxqabadkoodiina ay taariikhda u gali doonto.

hambalyada kadib waxaanu halkan ku cadaynaynaa hadaanu nahay qurba jooga beesha Xirsi-Cismaan in aanu si buuxda u tageersannahay xukuumada iyo golaheeda wasiirada,

Beesha Xirsi-Cismaan codkeeyda umayna siin xisbiyada in aanu wasiiro kaga helno inkastoo aanu xaq uleenahay wasiiro, balse waxaanu codkayaga usiinay horumarka somaliland iyo isbadal dhab ah,iisbadalkaas oo ah mid ay umada dani ugu jirto, macnana samayn mayso in reer waliba uu wasiir helo,

Waxaanu ka digaynaa in layska ilaaliyo warar aan wax qiimo ah sameeyneen oo colaad abuur ah oo sheegaya in beesha Xirsi-Cismaan ay ka xanaaqsantahay iyadoo aan wax wasiir ah laga siin xukuumada cusub,

warkaas oo ah mid aan caafimaad lahayn oo wax lagu yeelayo sumcada beesha,waxaananu leenahay beeshu umay codayn wasiirnimo ee waxay ucodaysay isbedel.

Waxaanu usoo jeedinaynaa beelaha kale ee reer Somaliland in loo midoobo sidii loo garab istaagi lahaa xukumada cusub, si loo gaadho himilooyinka aynu hiigsanayno oo ubaahan midnimo iyo wada jir.

waxaanu madaxweynaha lee nahay Allaah hakuu fududeeyo xilka aad umada uhayso oo hakaa dhigo kii ay umadani sugaysay , una horseedilahaa umada, sinaan, horumar iyo xukun wanaagsan oo ay cadaaladi kujirto.

Gudoomiyaha qurba jooga beesha Xirsi-Cismaan

Abdixakiim Axmad Tarabi

shaafici gaboobe maxile

xirsicisman@hotmail.com

Leave a Reply