Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Intii Aanu Dalka Ka Dhoofin Bixiyey Waraysi Uu Arrimo Badan Kaga Xog-waramay
Hargeysa(UDUB)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa waraysi khaas ah shalay siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha isbedelka ka dhacay dalka iyo kuwo kale.
Md. Rayaale, oo shalay ka ambo baxay magaalada Hargeysa, isagoo ku sii jeeda dalka Faransiiska oo ay carruurtiisu degenyihiin, waxa uu sheegay inuu muddo u bixi doono nasasho, balse uu dalka dib ugu soo noqon doono. Madaxweynihii hore, waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay isku duubnaadaan oo ay muujiyaan midnimo, islamarkaana ay ilaaliyan nabadgelyada guud. Rayaale, waxa uu sheegay in waxyaabaha mudan ee ay umaddu ku xasuusan doonto ay ka mid yihiin doorashooyinkii uu dalka ka hirgeliyay, maamulka oo uu fidiyay, waxbarashada iyo caafimaadka oo uu kor u qaaday iyo qodobo kale.
Waraysigaas uu Madaxweynihii hore Wargeyska Geeska Afrika shalay ku siiyay gegada diyaaradaha Hargeysa, isagoo dhammaystiran wuxuu u dhacay sidan:
Mudane, hadda waxaad u baxaysaa dalka dibadiisa, Umadda reer Somaliland waa maxay fariinta aad u diraysaa.?
Umadda duco iyo nabad baan uga tagayaa, waxaanan leeyahay dalkiina iyo nabadgalyadiinaa sidii aad u ilaalin lahaydeen ayaan idinkaga tagayaa haddii ILAAHAY yidhaahdana waan soo noqonayaa oo dalka kama guurayee waan soo yar nasanayaa oo waan soo noqonayaa.
Dad baa leh Daahir Rayaale Ergay ictiraaf raadin ah ha loo magacaabo, iyadoo laga duulayo nidaamkii wanaagsanaa ee aad xilka nabadgelyo ugu wareejisay oo aad dunida sumcad wanaagsan kaga heshay. Bal taas ka waran?
Iinsha Allaah wixii imanaya ILAAHAY baa og, laakiin Somaliland waxay goyso ayuun baan aniguna gooyaa.
Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, maxaad talo u jeedin lahayd.?
Sownigii khudbadii akhriyey ee jeediyay tallo, isdaba taaga ayaan idhi, raaca ayaan idhi, la shaqeeya ayaan idhi markaa meel aan kaga noqdo iima muuqato.
Dhismaha xukuumada cusub oo ah mid kooban sideed u aragtaa.?
Faalo ka bixin maayo oo Madaxwayne kastaaba isaga ayaa dawladiisa samasyta.
Xukuumadda cusub iyo nooca xidhiidh ee ay wadamada jaarka la yeelan doonto, maxaad ka odhanaysaa?
Miyaanan fariintaa u gudbin markii aan khudbadaynayay (Maalintii dhaarta Madaxwaynaha cusub), waxaanan idhi xidhiidhkaa aan sameeyay Somaliland baan u sameeyay halkaa ka wada, xukuumada cusubna waxaan kula taliyay inay xidhiidhkaasi haystaan, markaa waan rajaynayaa in qolo walba dhinaceeda ilaaliso.
Maadaama oo laga soo baxay doorashadii, xisbigaagii UDUB maxaad odhan lahayd.?
Xisbiga UDUB doorashadii ayuunbaa laga helay waanu jirayaa oo wuu dhisnaanayaa mar labaadna wuu soo noqon doonaa haddii ILAAHAY yidhaahdo.
Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxaad muddo 8 sannadood ku siman ahayd madaxweynaha Somaliland. Ilaa hadda icrtiraafkii wax bildhaantiisa ahi ma kuu muuqataa.?
Ictiraafku waa dadaalka oo la wado, waanu iska iman doonaa, laakiin maanta ayuu ugu dhowyahay oo maalinba maalinta ka dambaysa ayuu ka dhowyahay, laakiin in dadaalkii la wado ayaa loo baahan yahay.
Dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya colaadda ka aloosan, bal iyada ka waran?
Walaahi ILAAHAY haka qaboojiyo ayaan odhan lahaa duulduulkeeda ayaaba ina soo gaadhiye.
Waxa ugu muhiimsan ee aad isleedahay waa lagugu xasuusan doonaa oo umaddu ilaabi mayso waa maxay.?
Wax badan ayaa la igu xasuusanayaa oo wax kaliya maaha, waxa la igu xasuusanayaa wax kasta oo aan dalkan u qabtay haddii ay tahay maamulka dalka oo aan fidiyay, haddii ay tahay afar doorasho oo aan dalkan ka qabtay, haddii ay tahay amniga dalka oo aan wax badan ka qabtay iyo caafimaadka iyo waxbarshada oo gudbay (meel fiican gaadhay), markaa anigu markii aan imid meel kasta waxbaan ku daray, qolada saaxiibadayna waxaan u rajaynayaa in intii aan kaga tagay ay wax ku daraan.
Habeenkii doorashada lagaa helay inkasta oo aad go’aan adag qaadatay oo aad aqbashay natiijadii doorashada, haddana dareenkaagu siduu ahaa habeenkaas.?
Mar kastaba farxad ayuu ahaa, go’aankayguna mar walba waa mid aan ku kalsoonahay oo mid liicliicaya maaha oo waa mid meel taagan.
Go’aanka adag ee aad qaadatay markii doorashada lagaa helay ma isleedahay karaamada iyo qadarinta shacabka Somaliland kuu hayaan imika isaga ayaa sabab u ah.?
Go’aanka aan qatay mid adag uun maaha, go’aan taariikhi ah ayaan qaatay oo u noqonaya sune u yaala qolada aniga iga dambaysa oo maalinta la yidhaahdo waa lagaa helay inuu albaabka ka baxo ah, markaa kaas ayaan qaatay oo taariikh ayaan sameeyay oo go’aan uun iskama ahayn, go’aan adag iskama ahayn ee waa sune aan Somaliland u sameeyay, nina yaanu kursiga ku dhagin maalinta la yidhaahdo waa lagaa helay isaga oo faraxsan oo ku faraxsan in laga helay sidii uu ugu faraxsanaa markii uu helay uu maalintaana u tiriyo.
Dadka Gobolada Somaliland ku dhaqan waa maxay fariinta aad u diraysaa.?
Kuligood midnimadiina iyo wada jirkiina ilaashada ayaan leeyahay.
