Salaadiinta Somaliland oo Wada shirar ay ku diidsan yihiin Talaabooyinka uu Md.Siilaanyo fuliyay
Hargeysa (udub) Salaadiinta Somaliland ayaa wada shirar hoose oo ay ku qiimaynayaan khasaaraha iyo faa’iidada ka dhashay talaabooyinkii ay qaadeen mudadii ay xilka hayeen iyo dhibaatada ay ku yeelan karto mustaqbalka
Salaadiinta shirkan wada ayuu warku sheegay inay u badan yihiin Salaadiinta Beesha dhexe ee Somaliland
gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Isaaqa, waxaana la sheegay kulamadoodaas inay si weyn diirada ugu saareen dhawr qoddob oo durtaba Xukuumadda cusub ku kiciyay mucaaradad xoogan oo ay ilaa hada tahli kari la’dahay inay xal u hesho ama ay dadweynaha ka qanciso, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin talaabadii ay Heshiiska kula soo galeen qaar ka mid ah Slaadiinta Bariga Burco madax dhaqameedka Dhulbahante, qaabka saami qaybsiga xilalka ay magacaabay, khilaafka Ganacsatada iyo sidii la isku waafajin lahaa Siyaasadda
Salaadiinta ayaa la sheegay kulamadaasi inay kaga doodeen sidii ay xukuumadda ugu bandhigi lahaayeen go’aamada ay u arkaan in lagu sixi karo qaladaadka ay Xukuumaddu ku talaabsatay iyo sidii ay uga hortagi lahayd mustaqbalka dhibaatooyinka ay ku keeni karaan maamulkooda iyo guud ahaan dalkaba, si aan dalku u galin fawdo ka dhalata wax ka qabasho la’aanta arrimaha horyaala
Salaadiinta hawshan wada ayaa la sheegay inay gaadhayaan ilaa labaatan Suldaan oo ay ka mid yihiin Suldaan Xasan Suldaan C/laahi, Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, Suldaan Maxamed Xirsi Qani, Boqor Maxamud Macalin Carab, Boqor Cismaan Aw Maxamud “Buur-madaow”, Suladaan Axmed Nuur Samaale, Suldaan Shariif Batuun, Suldaan Maxamud Axmed Sheekh, Suldaan Ismaaciil Aadn Baxar, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Yuusuf Xiiray iyo Madax-dhaqameed kale oo uu ka mid yahay Suldaanka Beesha Madibaan Suldaan Nadiif
Slaadiintan ayaa dalbaday inay kulan la yeeshaan Madaxweyne Siilaanyo si ay ugu bandhigaan dhinacooda afkaarta ay aaminsaan yihiin ee ay doonayaan inay kula shaqeeyaan Xukuumadda iyo inay ka dhagaystaan qorshaha ay xukuumadu ku hagayso dalkaba, gaar ahaana siday labadoodu iskula jaanqaadi lahaayeen ee ay uga wada tashan lahaayeen kaalinta uu dhinac walba ka qaadan karo hawlaha culus ee Qaranka horyaala
Kulamadan ayaa maalmahanba ka socday Guriga ay leeyihiin madax dhaqameedka beesha Habar-awal oo lahayd marti galinta madax dhaqameedka kale hase yeeshee ilaa hada daboolka lagama qaadin kulamada Salaadiintaasi waxay daaran yihiin inkastoo ay qaar ka mid ah Salaadiintani dhawaan ka dalbadeen xukuumadda Siilaanyo inay cadayso mawqifka ay ka taagan tahay arrimaha bariga iyo heshiiskii ay soo galeen qaar ka mid ah salaadiinta bariga Burco oo sheegay in Madaxweynuhu ku taageersan yahay heshiiska ay soo galeen taasoo aanu madaxweynuhu ilaa hada ka hadal
