Madaxwaynaha Somaliland Oo Maanta Digreeto Ugu Ogolaaday Shirkada SOMCABLE In Ay Dalka Keento Cable-ka Badda Hoos Mara
Hargeysa (UDUB)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta markii ugu horaysay si rasmi ah soo saaray digreeto uu ku dhaqan-gelinayo ogolaansho buuxa oo madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin uu ugu oggolaaday Shirkada SOMCABLE inay waddanka keeni karto Cable-ka Badda hoosteeda la soo marin doono.
Sidan waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku sexeexan yahay AF-hayeenka Madaxtooyada JSL Md C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse], kaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo uu ku dhaqan-geliyey oggolaanshihii hore Madaxweynihii hore ee Somaliland. Waxaana uu u qor-naa sida:-
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo saaray Digreeto uu ku ogolaanayo Dhaqangelinta Qoraalka uu madaxwaynihii hore Ruqsada keenista Kaybalka Bada Mara ku siiyey Shirkada Somcable Ka dib:
Markuu Arkay Codsiga uu soo qoray M,aamulaha Shirkada Somcable ee ku taariikhaysan 05-082010
Markuu arkay Warqada Ogolaanshiiyaha ee ka soo baxday xafiiska Madaxwaynha 15-08-2010 ee ku saabsanayd Ruqsada kaybalka bada mara ( Submarine Cable ) ee ay bixisay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo la bixiyey 07- November 2009.
Markuu arkay Jiwanka Cashuur qabashada (Voucher 066606) ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta.
Markuu arkay: Shahaadada (Certification ) ogolaansha dhigista iyo dhisida kaalinta laga isticmaalayo Submarine Cable.
Markuu arkay Muhiimada Dhaqaale iyo huru-marineed ee uu wadanka u leeyahay xadhiga badda mara ee Fiber Optic Cable-ku
Madaxwaynuhu waxa uu ogolaaday Dhaqangelinta qoraalka hore uga soo baxay xafiiska madaxwaynaha JSL ee lagu siiyey ogolaanshaha shirkada Somcable Ruqsada keenista Kaybalka Badda mara (Submarine Cable) taas oo ku salaysan Xeerarka Dalka iyadoo loo raacayo Dastuurka iyo Xeerarka ka Farcama.”
