Aug 25 2010

Taliyayaasha cusub ee qaybaha 12-aad iyo 31-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo xilka la wareegay

Laascaanood-(UDUB)-Taliye cusub oo markii ugu horreysay tan iyo 1-dii bishii 11-aad ee 2009 dhawaan loo magacaabay qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee jiidda hore, ayaa shalay si rasmiya xilka ugala wareegay Abbaan-duulaha qaybta 12-aad ee Ciidanka oo xilkaa si ku-meel-gaadh ah loogu dhiibay, ka dib markii 1-dii November 2009 qarax Miino lagu dilay Taliyihii qaybtaas Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur. 
Taliyaha cusub ee qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland Col. Cali Barre Xuseen oo hore u ahaa hoggaanka wacyigalinta iyo abaabulka Ciidanka Qaranka, ayaa shalay xilka kala wareegay Abbaan-duule Sardheeye, oo xilkaas sii hayey tan iyo wixii ka dambeeyey geerida Taliyihii hore ee qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka. Xil-wareejinta uu Taliyaha cusubi xilka kula wareegay oo ay ku ladhnayd xilwareejin kale oo Taliyihii hore ee qaybta 31-aad ee Ciidanka Qaranka Col. Indhabalac uu xilka kaga tirsaday Taliyaha cusub ee loo magacaabay qaybta 31-aad ee Ciidamada Qaranka Ismaaciil Faarax Cawaale (Doolaal). Isla markaana, xil-wareejinahaas oo lagu qabtay Taliska qaybta ee jiidda hore (Bariga Sool) ee Ciidanka Qaranka, waxa ka soo qaybgalay Taliyaha Agga Bari, Saraakiil ka tirsan hoggaanka Taliska guud ee Ciidanka, Waxaana taliyaha cusub ee qaybta 31aad jiida hore ee ciidanka qaranka loo magacaabay Ismaaciil Faarax Cawaale(Doolaal), waxaanay halkaa kala hadleen Taliyayaasha xilka la wareegay qaybaha Ciidanka ee Taliska Jiidda hore ee Bariga Gobolka Sool.
Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha Booska Taliyaha qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka, ayaa Taliyahan shalay xilka la wareegay ka hor aan loo magacaabin Taliye buuxa, ka dib markii 1-dii November sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2009, lagu khaarajiyey weerar Miino ah oo waddo uu marayey loo dhigay Taliyihii qaybtaas 12-aad Allah ha u naxariistee Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur, kaasoo dhawr Askari oo Taliyaha geeriyooday la socdayna ku dhaawacmeen.

Leave a Reply