Aug 27 2010

Magacyada xubnaha iyo Beelaha ay ka soo jeedaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxabannaan ee uu magacaaabay madaxweeynahu

Hargeysa(UDUB)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay soo saaray dufcaddii labaad ee Xukuumaddiisa, kuwaasoo tiradoodu ahayd 44-xubnood oo isugu jira masuuliyiinta madaxda ka noqon doona qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxabannaan ee Dawladda.
Liiska xubnaha uu Madaxweynuhu uu shalay magacaabay, ayaa marka loo eego tirada ama saamiga ay Beeluhu ka kala heleen xubnahan cusub, waxa si weyn farta loogu godayaa Beesha uu Madaxweynuhu ka soo jeedo ee Habar-jeclo oo sida ku cad liiska ay xubnaha ugu badan ee masuuliyiinta la magacaabay yihiin kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha, kuwaasoo mansabyada uu Madaxweynuhu u magacaabayna ay yihiin kuwa ugu awoodda badan Hay’adahaas.
Tusaale ahaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Maareeyaha Madbacadda Qaranka, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka, Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada, Wakiilka Qorbe-joogga, Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta Tayada, Komishanka, Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Asluubta, xubnahaas oo dhammaantood ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha.
Sidoo kale, waxa Madaxweynuhu uu xilal maqaamkoodu aad u hooseeya Beeshii uu ka soo jeeday Madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Md. Daahir Rayaale Kaahin (Samaroon), taasoo sida ka muuqata liiska xubnaha cusub uu qayb u siiyey jagooyinka kala ah; Guddoomiyaha Diiwaangelinta Sekeda iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.
Dhinaca kale, Beelaha Habar-yoonis oo iyagu xoog u taageersanaa Madaxweynihii doorashada lagaga adkaaday, waxa iyaguna saami qeyb u heleen Guddoomiyaha Baanka, Ku-xigeenka Madbadcadda Qaranka, Agaasimaha Waaxda Dhismaha ee Aids-ka, Hanti-dhowrka Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo ICT Commission-ka
Sidoo kale, Beesha Beelaha Ciidagale ayaa iyaguna qayb u helay, Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha, Maareeyaha Hay’adda Korontada, Taliyaha Ciidanka Badda. Halka Beelaha Arab ay iyaguna ka heleen, Maareeyaha Hay’adda Abaabulka Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal-insaanka, La-taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Agaasimaha Guud ee Beeraha.
Inkastoo magacyada xubnaha iyo Beelaha ay ka soo jeedaan oo faah-faahsan aanu qoraalkan xaggiisa hoose idinku soo lifaaqi doono, haddana waxa xusid mudan in Madaxweynuhu uu Wakiillada Debedda Somaliland ka magaacabay masuul keliya, kaasoo ah Masuulka Wakiillada Somaliland u joogi doona dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya, dalka Itoobiya oo muddooyinkan dambe uu xidhiidhkooda Somaliland mad-madow badani ku jiro, ayaa arrintani waxay u muuqataa mid markhaati cad u ah khilaafkii muddooyinka la sheegay inuu ka dhexjiro Somaliland iyo Itoobiya, dalkaasoo ay sida wararku sheegayaan aan ku qancin hoggaaminta hoggaanka cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisay labadaba.
Hasayeeshee, magacaabista masuulkan dhallinyarada ah oo habayaraateeaan lahayn waayo-aragnimo iyo khibrad diblomaasiyadeed midna, ayaa waxa loo fasiran karaa tallaabadan xilliga xaasaasiga ah uu Madaxweynuhu ugu magaacabay jagadaa inay tahay mid uu ku sii kala fogeynayo Somaliland iyo Itoobiya.

Magacyada xubnaha iyo Beelaha dhalasho ahaan ay ka soo jeedaan waxa kala yihiin sidan hoos ku qoran:
1 Guddoomiyaha Baanka Dhexe (Chairman of the Central Bank) Cabdi Dirir Cabdi (Habar-yoonis)
2 Xeer-ilaaliyaha guud (Attorney General) Xasan Axmed Adan (Tol-jeclo)
3 Hantidhawrka guud ee Qaranka (Auditor General) Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Habar-yoonis)
3 Xisaabiyaha Guud (Accounting General) Ibraahin Aadan Qaalib: Samaroon
4 Madaxa Hay’ada Sirdoonka Qaranka Xuseen Xasan Rooble (Kenyaate) (Habar-jeclo)
5 Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha (Civil service commission) Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil (Chairman) (Sacad-muuse)
Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Axmed Cali (Sulub)
DG: Agaasimaha guud ee Hay’ada shaqalaha Ibraahin X. Nuur Diiriye DG
Recruitment (Xubin ka tirsan hay;adda Cabdirashiid Ducaale Qambi (Dhulbahante)
Establishment (Xubin Ka tirsan Hay’adda Axmed Cabdillaahi Ibraahim
9 Maareeyaha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Maxamed Muuse Cawaale (Ciise Muuse)
10 Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) Jamaal Caydiid Ibraahin (Arab)
11 Maareeyaha Hay’adda Korontada Xasan Cusmaan Adan (Ciidagale)
12 Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka (Raod Authority) Cabdiwaaxid Cabdiqaadir
Cabdiraxmaan (Fiqishinni)
13 Guddoomiyaha Guddida Hay’ada Dibu habaynta shuruucda Xasan Aw Aadan Cabdi
Maareeye-ku-xigeenka Wakaalada Biyaha Cabdi Ibraahim Cabdillaahi (Ciidagale)
14 Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahin Siyaad Yoonis (Sacad-muuse)
15 Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir (Ciise Muuse)
16 Maareeye-Xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac (Habar-jeclo)
17 Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal (Habar-jeclo)
Ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise Shiine (Habar-yoonis)
18 Gudoomiyaha Gudiga Qandaraaska Qaranka (National Tender Board) Aadan Nugaal X. Xasan (Habar-jeclo)
19 Xoghayaha Fulinta ee Komishanka Aidska ee SOLNAC
(AIDS Commission) Maxed Dahir Khayre (Sacad-muuse)
Director of Admin & Finance Cabdikariin Axmed Xinif (Habar-jeclo)
Director of Capacity Building Yuusuf Nuur Guruje (Habar-yoonis)
Director of Clinic Service Sahra Adan Yaanyo (Ciise Muuse)
National M&E Officer Aadan Jaamac Hoori. ????
20 Gudoomiyaha Gudiga xuquuqal Insaanka (Human Rights Commission) Aamina Cabdilaahi Axmed (Arab)
21 Gudoomiyaha Gudiga Ilaalinta Tayada (Quality Control Commission) Siciid Saleebaan Mire (Habar Jeclo)
22 Gudoomiyaha Gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa iyo illaalinta dawlad wanaaga (National Integrity Commission) Axmed Muxumed Madar (Sacad-muuse)
23 Gudoomiyaha Gudiga Diwaanka Sakada (National Charity Commission) Sh. Cabdilaahi Cali Jawhar (Samaroon)
24 ICT Commission Cali Cabdilaahi Daahir (Habar Yoonis)
25 Diaspora Agency Saleebaan Maxamed Faarax (Habar-jeclo)
Taliyayaasha Ciidamadda
1 Talyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani (Sacad-muuse)
2 Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Ibraahin Caydiid Dhabdhable (Dhulbahante)
3 Taliyaha Ciidanka Police-ka Cilmi Rooble Furre (Kabaal) (Samaroon)
4 Ku-xigeenka Taliyaha Police Cabdiraxaam Liibaan Axmed laba masuul magac Axmed Muxumed Guutaale
5 Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) (Dhulbahante)
6 Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad (Habar/jeclo)
7 Taliyaha Ciidanka Bada Axmed Aw Cismaan (Ciidagale)
La Taliyayaasha Madaxweynaha
1 La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali (Habar-yoonis)
2 La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gobolada Bari Fuaad Aadam Cade (Dhulbahante)
3 La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur (Sacad-muuse)
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada Cabdi najax Siyaad Aw Cabdi (Arab)
4 La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Nabadgelyada Saleebaan Cumar Kujoog (Ciise Muuse)
DG-yada
1 Agaasimaha Guud Wasaarada Maaliyada Jaamac Axmed Maxamed (Habar-jeclo)
2 Agaasimaha Guud Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed. (Ayuub)
3 Agaasimaha Guud Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori (Warsengeli)
4 Agaasimaha Guud Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Bada iyo Maamulka Dekedaha Cabdiraxmaan Cawil Xasan (Ciise Muuse)
5 Agaasimaha Guud Wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Shiriif Libaax Muuse (Habar-yoonis)
6 Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada Siciid Cali Wayrax (Ciise Muuse)
7 Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax (Arab)
Wakiiladda JSL ee Dibaddaha
1 Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Maxamed Xasan Siciid (Ayuub)

Wargyska YOOL

Leave a Reply