Jun 27 2011

Qabiilka- Qabyaalada Iyo Qaranka Qaybtii 1′aad by Mingiste

(Haddii Qaranka laga cowdo,ama loo cawdo Qabiil looma caban,lagamana cabanin,haddii qabiil laga cawdana Qaranka looma caban,wixii Qaran laga doonayo Qabiil ma bixiyo,wixii Qabiil laga doonayana Qaran ma bixiyo)
In badan oo ka tirsan shacabka Afsoomaaliga ku hadla ayaa waxa moodaa in  aanay fahansanaeyn macnaha weyn ee ay leeyihiin erayada Qaran-Qabiil iyo Qabyaalad.Waxaa jira dad badan oo sheegta in ay leeyihiin aqoon iyo waayo aragnimo ku filan,balse ay iskaga qaldamaan macnaha erayada aan cinwaanka uga dhigay qoraalkan.
Waxaan jecelahay  aadna aan ugu dadaali doonaa , inta aan qoraaladan wado in aan si fiican kuu fahansiiyo,kuugu qeexo intii aqoontayda ah  macnaha dhabta ah ee ay leeyihiin erayada Qabiil–Qabyaalad iyo Qaran,qaybtan maantana waxaan ku dadaalayaa in aan idin fahansiiyo bal waxa Qabiilku yahay:-
“Qabiilku waa  isu taga xaymo amase kooxo  dad ah oo wadaaga isir, caado ,Af,,dhaqan  iyo dhul u gaar ah,”
“Aqoon yahanada  qaarna waxay ku qeexaan  Qabiilka  koox bulsheed ka kooban jilibo amase ardaayo ka soo jeeda jiilal isku abtirsiimo ah.” 
“Marna Qabiilku waa bulsho meel wada degan oo leh xeerar iyo  dhaqan u gaar ah .”
“ Sida Diinteenu  inoo cadeysayna  Qabiilku  waa  hab laysu aqoonsado “
Si kale haddii aan u idhaahdana Qabiilku waa nidaam soo jireen ah oo haddii sida saxa ah loo adeegsado faaiidooyin badan leh,wax ceeb ahna aan lahayn ,,haddii si khaldan loo adeegsadana waa nidaam dhaxalsiiya  bulshada  dhibaato badan oo naf iyo maalba leh , si fududna aan loo xalin Kari .
Qabiilka  ma aha  nidaam ninkii rabaa ka bixi karo,ninkii doonaana  soo geli karo ee waa loo dhashaa ,mana jiro shaqsi  marba qabiilkuu doono noqon karaa.
Qabiilka kama dhaxayso hantida gaar ah sida  Berkedaha – xoolaha la dhaqdo iyo dhamaan wixii kale ee lagu tilmaami karo hantida gaarka ah,balse waxaa ka dhaxeeya arimahan soo socda.

 Maxaa ka dhaxeeya Qabiilka:-

 Marka laga hadlay waxa ka dhaxeeya qabiilka waxaa ugu muhiimsan  4 arimood  oo kala ah:-
Deegaanka :- Qabiilka waxaa ka dhexeeya degaanka uu degan yahay,Ardaayada degaankaa wada degani waxay  wada leeyihiin  cawska – biyaha roobka  sida baliyada iyo harooyinka –wadooyinka –buuraha – macdanta -midhaha  dhirta iyo dhamaan waxyaabaha ku sameysmey si dabiici ah.
Abtirsiimada :- Qabiilka waxaa ka dhexeeya abtirsiimada taas oo ku tusaysa in Qabiilkaasi uu kuwada abtirsado “hal oday” Tusaale   Dhirta in qodaxda leh waa isku qabiil waxa ay   wadaagaanna waa  Qodaxda.
Madaxdhaqameedka:-  Dadka qaarkiisana waxay ku doodaan in Madaxdhaqameedka sida Suldaanka –Boqorka –Garaadka –Malaaqa  ay ka dhexeeyaan Qabiilka ,inkastoo xiligan aad moodoo in ay sii badanayaa Madaxdhaqameedyadu,layskuna  qilaafsan yahay xilka ay Qabiilka u hayaan .
Dhiiga:- qabiilku wuxuu wadaagaa “dhiigga” oo aan uga jeedo  MAGTA-“ Tusaalle haddii nin aad isku qabiil tihiin uu dilo nin qabiil kale ah,waxaa  dhici karta in laguu dilo adiga oo aan kii wax dilay iyo kan la dilay midna aqoon u lahayn”.haddii nin reerkiina ahi uu nin  reer kale ah dilo,waa in aad  Magta-Diyada  wax ka bixisaa . markaa mar kasta  qabiilka waa ka dhexeeyaa  magta qaadasho ahaan iyo bixin ahaanba,magta ma diidi kartid ,haddii aad diidana  adigana lagula bixin maayo .
Qadhaan wadaag:-  Qaadhanku waa hab dhaqaale loogu ururinayo shaqsiyaad qabiilka  ka tirsan oo ay la soo gudboonaatay dhibaato dhaqaale sida  deyn lagu lahaa oo  uu iska bixin kari waayey,si kale haddii aan  u idhaahdo qaadhaanku waa sadaqad loo ururinayo shaqsiyaad dhibaateysan.Inta badan qaadhaanku khasab ma aha ee waa haddii aad awoodo, in aad qaadhaanka bixin weydaa waa ceeb,laakiin waxaan  mar kasta ogsoonaataa in qaadhaanku yahay sadaqad
Hadal iyo dhamaan haddii aad Qaranka xil u hayso,waxaad xilka u haysaa Qabiilooyinka oo dhan,Qabyaaladna kuma dhaqmi kartid,haddii aad Qabiilkaaga xil u haysana Qaranka xil uma haysid ,Qabiilku Qaranka ma difaaci karo,ee Qaranka ayaa Qabiilka difaaci kara ee yaanay iskaga kiin qaldamin.Haddii ay dhacdo in ay iskaga kaa qaldamaan Qabiilka-Qaranka iyo Qabyaaladu,runtii waxaa ka dhasha dib aad u balaadhan oo si loo xaliyaana  adag tahay.
Abdi  M.Saleiman(Mingiste) Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com

Comments are closed.