Madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaaladda Boorama + video
Borama (UDUB) Madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaaladda Boorama.
Md. Daahir Rayaale Kaahin oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Hargeysa ka dib markii uu dalka dib ugu soo laabtay ayaa uga mahad celiyay Guud ahaanba dadka reer Boorama sidii fiicanayd ee ay ugu soo dhaweeyeen Magaaladda Boorama.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa sida fiican ee ay dhalinyarada, haweenka iyo waayeelka reer boorama igu soo dhaweeyeen Magaaladda, waxaanan leeyahay waa mid aanan midnaba ilaabaynin ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Md. Daahir Rayaale kaahi ayaan ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu intii muddo ahayd degel fadhi ku ahaa qaar ka mid ah wadama dibadda.
Soo guryo noqoshadii madaxweynihii hore ayaa muran xoogan ka dhex abuurtay xukuumadda iyo Xisbiga UDUB, taas oo ka danbaysay ka dib markii ay maamulka wasaaradda Duulistu ka hor joogsadeen sida ay xubno xisbiga ahi sheegeen in uu ku nasto qolka VIP-da ee madaarka.
Inta uu ku sugan yahay magaaladda Boorama ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho madax dhaqameedka iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada
