Jul 31 2011

War-saxafadeed Xisbiga UDUB

 
Ref: UDUB/XGK/F-2-1147                                    Date: 30 July 2011

WAR SAXAAFADEED
 
Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda Sare ee Xisbiga UDUB markii ay wax badan isla falanqeeyeen waxay isla qaateen:
 
In shirkii Xuska 10 guurada Xisbiga UDUB iyo Fadhigii Golaha Dhexe loo mudeeyey inuu furmo 19-ka September 2011, si cibaadada bisha Ramadan loo guto.
Waxa Xisbigu aad u falanqeeyey wacyiga maanta jira ee Ururo furista iyo Xeerka horyaala Golaha ee Xeer No. 14, arrintaas oo hore Xisbigu mawqifkiisa uga dhiibtay kuna tilmaamay Guddigii ka talo bixinta ee Madaxweynuhu u saaray inay ahayd guddi aan sharci ahayn waxa xisbigu hore u duray soo jeedintoodii taas oo aan 1700 qof ka tarjumi karin rabitaanka shacbiga Somaliland oo lagu qiyaaso tiro ka  badan 3.5 milyan waxaanay noqonaysaa tiradaa guddigu wax ku saleeyeen nisbad ah 0.05% tirada guud ee shacbiga reer Somaliland.  Waxaanu haddaba farriin u diraynaa Golayaasha Sharci dejinta inay si lexejeclo ku jirto uga fiirsadaan arrintaas maanta hortaala ee dabada laga wado, wakhti ku filan oo lagaga baaraandegona siiyaan, si aan ummaddan loogu afduubin meel aan hadhaw wax laga qaban karin.
 
Allaa Mahad Leh
 
Axmed Yussuf Yassin
K/S Guddoomiyaha UDUB

Comments are closed.