Aug 19 2011

Madaxweynaha Somaliland Oo Goordhaweyd Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Hargeysa (udub) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayay oo muddo laba toddobaad ah booqasho  ugu maqnaa dalalka ETHIOPIA iyo Shiinaha ayaa abaaro 12-kii iyo badhkii duhurnimo ee saacada Geeska Afrikada Bari  ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.
Weftiga Madaxweynaha waxa  garoonka diyaaradaha ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu horkacayay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Saylici, shir-guddoonka Golaha Wakiilada, xubno wasiiro ah , xildhibaano ka tirsan labada Gole,  iyo madaxda xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Madaxweyhe Siilaanyo waxa uu warfidiyeenada u sheegay in ay dalka Shiinaha ay ka wadahadleen sidii uu maalgashi ugu samayn lahaa Somaliland, iyada oo mashaariicda horumarinta dhawaan la fulin doono. Waxaana Maxadwaynaha hadalkiisii kamid ahaa ““Waxaan kulamo qoto dheer la galnay maalgashadayaal Shiine ah oo mudddaba wadahadalno noo socdeen oo xaruntoodu tahay Honkong oo waayo aragnimo badan  u leh maalgelinta iyo fududaynta  mashaariicda waaweyn ee lagu horumariyo wadamada horumaraya, dawladoodana kalsooni ka haysta , wadahadalani waxa ay ahaayeen qaar ku salaysan  baahida Qaran ee Somaliland u qabto in ay kobciso dhaqaalaha dalka  oo maanta shacabku u baahan yahay”

Comments are closed.