“Axmed Yuusuf Yaasiin Wuxuu Iloobay In UDUB Ka Fog Yahay Club lagu tartansiiyo Mal-qabeeno khamaaraya, XISbIGA Umadu Maaha Sabeen Saylad Joogta” Xoghayaha UDUB.
Lyon (UDUB)– Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay xisbiga UDUB, waxaanu ku simaha Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin ku eedeeyay inuu xisbigii ka dhigay madal lagu tartansiiyo maalqabeenada.
Qoraal dheer oo Jaamac Yaasiin Faarax ka soo diray Magaaladda Lyon ee dalka Faransiiska oo uu degan yahay ayaa waxa uu eedaymo tiro beelay ugu jeediyay Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu sheegay inuu koofiyadiisa kala soo baxay go’aamo aan la isku ogeyn, waxaanu taageeray go’aanka Daahir Rayaale Kaahin ku joojiyey kala xulista Musharixiinta UDUB. Qoraalka Xoghayaha guud ee UDUB soo saaray ayaa u dhignaa sidan “Waxaan salaamayaa gar ahaan bahweynta xisbiga Udub, gud ahaanna ummada Somaliland. Waxaan Eebe inooga baryayaa in sannadkan 2012 inooga dhigo mid nabad iyo barwaaqo badan. , Aamin. 1/ XISBIGA UDUB Waxaan ka fa’iidaysanaya munaasibadan awal-sannaha 2012, si aan idiin siiyo mawqif kayga ku aadan qaska aan loo bahnayn ee laga dhex aloosayxisbiga UDUB iyo ra’iigayga maanta iyo Somaliland.. Waxa jirtay, waayahan dambe, mulaaq ka dhex socday xisbiga Udub gudihiisa. Kolba rukun jiidh-jiidh ayaa dhacayey. Waxaan caado u ahayn bahweynta xisbiga, oo lagu tilmaami karo kooxaysi, ayuu koofiyaddiisa kala soo baxayku simaha Guddoomiyaha xisbiga Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Xilkii sida kumeelgaadhka ah loogu dhiibay, sifooyin guracan ayuu u isticmaalaayey. Hawlihii urururinta xogta ee sida xigmadaysan dib loogu dhisaayey xisbigalagaga guulaystay doorashooyinkii 2010, jahwareer buu ku riday. Dib u dhiskii Udub ee u baahnaa in shir guud lagu dhamays tiro, kadib marka hab talo wadaagoo dimuqaraadiya gunta laga soo tolo ( degmo & gobolada dalka ) ayuu mijaro hababiyey. Doorashada mudnaanta (Priority-ga) leh waa mida golayaasha deegaanka ee April 2012, Waxa uu badka soo dhigay doorashada Madaxtooyada 2015 ee afarta (4) sannadood inaga xigto, Wuxuu jidaystay in shuruuda koowaad ee musharaxiinta tartamaysaa noqoto adduun lacagaysan oo account uu leeyahay lagu shubo, ayadda oo laiska garab marayo shuruuduhii aasaasiga ahaa ee xisbinimo: a/ ka mid ahaasho xisbi iyo muddo buxinteed b/ natiijo sax ah oo dhaqdhaqaaq xisbiyahan c/ makhraatifur waayo-aragnimo dheer oo siyaasadeed d/ sugid mas’uuliyad-qaadnimo laga saxo golaha fulinta, lagana ansaxiyo golaha dhexe. Waxu Axmed Yaasiin iloobay in xisbiga Udub yahay urur siyaasadeed bulshaweyntu leedahay, oo kafog Club lagu tartansiinayo ” Mal-qabeeno ” tunkood cadaaday, oo khamaaraaya. Ma aha xisbul ummaha Udub sabeen saylad joogta, oo inta maro hoosteed gacan laisugu dhiibo, sidaas lagu kala ibsanaayo. Runtii anigu, ka Xoghaye guud ahaan ma arag mana maqlin wax calaamad dhaqdhaqaaq xisbiyahan oo inanka Jamaal Cali Xusseen xisbiga Udub dhexdiisa uga sajilmayintii aan xilka hayey. Waxaan qabaa in inanka dhalinta yar ee qaaliga ah, hadddu u soo banbaxana siyaasada mustaqbalka fiican ku lahaa, Axmed Yuusuf Yaasiin khadaacad ku sameeyey,isagoo dan gaar ah ka fushanaaya. Taasina, waa ka xaraan shaqsi muslim dhab ah. Waxaan ku raacsanahay Gudoomiyaha xisbiga Udub, Md Daahir Riyaale Kaahin, go’aan kiisa ku aadan musharaxnimada doorashada madaxtooyo ee 2015. Waxa mudan in loo diyaar garoobo doorashada golayaasha deegaanka, iyadoo laysku duuban yahay, shuruucda xisbiga iyo kala dambayntana la dhawraayo.Wax garab/garab ahi, wuu inaga reeban yahay, haddii aan doonayno in xisbigeenu ka badbaado burbur iyo ceeb hor leh. Inaankana lacagta account-ka lagaga shubtay ha loo celiyo, kuwa kalena yaan laga qaadin wax lacag ah oo ku aadan musharaxnimo madaxtooyo, inta talo laysugu imanaayo, doorashada golayaasha deegaanka dabadeed. 2/ SOMALILANDTA MAANTA Labaatan iyo kaw (20) sannadood ayay Somaliland-ta maanta hor tahay. Xukuumaddii afraad ayaa talada dalka haysa 17 bilood, iyadoo farta laga saaray dal mid ah oo nabad ah, taxgelinna ka mutaystay wadamada jarka inala ah iyo calamko dhan. a/ Siyaasadda gudaha Nabad gelyada dalku qalqal bu ku jiraa labadiisa daafood-ba.Waxa ka dhacay dilal qorshaysan, oo aan cidna loo qabanayn. Waxa xataa dhacay in rag dhagar qabeeno ahaa oo la raacaynaayey, dharaarta u soo baxeen markii kulmiye guulayta, oo weliba wasiirkii arimaha gudaha ee xukumaddii Daahir Riyaale Madaxtooyada iyo golayasha xeer dejinta dhexdooda loogu hanjabay. Markii laga soo ashkadoodayna, waxba lagama qaban. Waxay taasi dhirin gelisay falalkii nocaas oo kale ahaa, bari iyo galbeed-ba. Meeday gogoshii Madaxweynuhu ku baaqay. Ma waxay noqotay masaleh cirka hehabaya, oo aan lagarayn gorta uu soo degaalo? Jiitaanka arrimahaasi, waatan bari ay ku dhiiradeen Somaliland-diidkii caamka ahaa, sida Cali Khalif Galaydh fan-yaraynaayey, inay shir Somaliland lagu minjaxabinaayo, loogu yeedho SSC.Waxaan waxba laga qaban afduub cad oo lagula kacay shaqaale sarsare, saraakiil iyo askar dawliya. Wax lala yaabay ahayn in wasiirka Difaaca qaranku ku andacoodo: Waa reer Talex, reer Taleex afduubeen. Arrinta noocaas oo kale ihina inad-jab ayay keenta aan laysku halayn cududda dalka. Jilicsanaanta sirdoon keena iyo go’aan la’aanta xukumaddu waxay abuurri karan xasilooni dari cadawgu ka fa’iidaysan karo, ee yaan loo daymo la’aan. Ururrada cusub ee faraha badani (15), qabyaaladdii bay daadihinayaan. Waase laga yaabaa in Kulmiye /Xukuumaddiisu u aragto hab qaybi oo xukun, ay ku dhaqmi jireeen Gumaystayaashii Afrika. Waxa xitaa suragal noqday inHargeysa hadhcad lagaga dhawaaqo ururu naqiidaaya Dastuurka qaran keena, oo xaaraan ka dhigaaya tartanka dimoqaraadiga ah ee aynu ku dhaqano. b/ Arrimaha Dibeda Xukuumadayadii Udub mabaadi lagama gudbaan ah ayey lahay. Anagaba shirar waa nalooga yeedhi jiray, Lakinse, agendayaashooda oo qoran ayaanu dalbi jirnay. Haddii ay mundaro u leedahay madaxbanaanida Somaliland, maanan tegi jirin, waxbana nagagamay lumin, haba yaraatee. Heer sareeya ayaanu gaadhsinay qaranimada qaranka. Puntland iyo Galmudug, faq lamaanu gelin. Dhagax buur kasoo labarogmaday, doog ma keeno. Ma qabno in diplomasiyaddan ku fadhida “Ayaa farta iitagay” inay faa’ido keenayso.Waxaaase laga yaaba, dheri Xukumaddii Udub bislaysay, in cad lagala soo baxo. Isbedelka aduunka carabta ka socdaa, wax badan ayey bedeli doonaan, haddiii iaynu ka fa’iidaysan karo, oo arrimada si miisaan iyo taxadur leh u waajahno. Waxay ila tahay in guddi aqoonyahanno ka soo qalin jeebiyey wadamada carabta, oo rag siyaasiin, journalist iyo culimo ka kooban, loo xil saaro in Xukumaddaha carbeed ka soo olooleeyaan. Si ay u fuduudaato hawshoodu, hala aasaaso jariidad afka carabiga ku soo baxda, lagulana garnaqsado ummadda carbeed. Si kale haddii ay ku dhaliwaydu aqoonsigeenu, maxkamada caalamiga ah ayaa ino furan, inagoo haysana garowshiyahii guddidii xaqiiqa raadiska ee African Union (2005), markaynu ka quusano wada hadal kafoo kafool ah oo aynu lagalo, xukuumad si dhab ah u matalaysa walaalaheeni koonfureed ee aynu kala odrogonay. c/ Arrimaha dhaqaalaha Sahan wanaasan oo kashifaaya qayraadka wadanka ku jira, ayay Xukumadddii Udub dhaxal ahaan ka tagtay.Waa in laga faa’idaystaa. Dadka waa in lagu baraarujiyaa mashaaric iskashato wax kala soo baxa dulka iyo badaba. Hala hirgeliyo siyaasad lagu soo jiito mal-gelinta dibada iyo gudahaba. Wax wada qabsiga Somaliland iyo Ethiopia hala balaadhiyo, siiba Corridor Projetkii inaga dhexeeye ee muhimka aha.”
