Jan 20 2010

AAGAGGA

WARGALIN DHISMAHA XISBIGA UDUB EE AAGGA DEBADA

Shacab weynaha reer Somaliland ee bahweynta UDUB ee ku nool caalamka debada waa inay isu habeeyaan qaab dhismeed, waxaan ku talinayaa in laysu habeeyo qaab ah AAGAG oo u sii qaybsamidoona WAAXYO oo u sii qaybsamidoona LAAMO, sidan ayeeynu u qaybinay hadaydaan talo kale nagu soo biirin.

Canada Aag

USA Aag

Ingiriiska Aag

Sweden Aag

Denmark Aag

Norway Aag

Finland Aag

Khaliijka Aag

Goobo kale Waaxyo/Laamo

Aagga dhismihiisu wuxuu noqonayaa sida dhismaha gobolka ee xisbiga UDUB. Waaxduna waxay noqonaysaa sida dhismaha Degmada ee Xeerku xisbiga UDUB ku xusan.

Noloshu waa Nabad.

Jaamac Yaasiin Faarax

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB.

Leave a Reply