Jan 20 2010

DENMARK

HOGAANKA XISBIGA UDUB EE DENMARK

Xoghayaha XISBIGA UDUB Mudane :

 

Gudoomiyaha Udub Mudane :

 

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Mudane :

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Ku:- Jaaliyada  SOOMALILAND

 Bahweynta XISBIGA UDUD ee DENMARK.

Og:- Mudane, Daahir Rayaale Kaahin
        MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOOMALILAND. Ahna Guddoomiyaha XISBIGA UDUB.

Waxaa mudan in aan halkan idinku soo diro bogaadin Jaaliyadiina Reer SOOMALILAND ee Denmark ee Bahweynta Xisbiga UDUB. Waxaanu garwsanahay inaydun tihiin tusaale fiican dhinaca xisbigeena Dadweynaha reer SOOMALILAND mid gudaha jooga iyo mid dibada joogaba, dareenkiina iyo dadaalkiina aad ka unugteen, kana dhisteen Xafiiska xisbiga UDUB ee aaga aad dagantihiin.

Aniga oo ku hadlaaya Magaca Xisbiga ka Guddoomiyaha iyo kaygaba waxaan marlabaad idinku hambalyaynayaa hawshaas qiimaha badan  ee aad isu xilsaarteen kana midho-dhaliseen ee ku saab-san arrimaha  Xisbiga UDUB.

Walaalayaal, waxaan idinku boorinaynaa inaydun hawshaas adaga ee dhisida Xisbiga aad halkaas kor uga sii kicin-doontaan, wixii dhib ah ee idinkaga yimaadana xamil iyo adkaysi u yeelataan, goobaha kale  ee aagiina ka baxsana hawsha  xisbiga aad gaadhsiin doontaan. Waxaan diyaar u nahay wixii talo iyo tusaale ah ee aad na soo siisan, dhinacayaga waxaanu mar kaste  aanu idiinla diyaarnahay wixii arrin, talo iyo war ah.

 Ilaahay hawshaas culus ,dhamaanteen haynoo fududeeyo, idinna garabkiina ilaahay ha galo.AMIIN

Alla Mahad leh

Jaamac Yaasiin Faarax

Xoghayaha  Guud ee XISBIGA UDUB.

————————————————————————————————————————

 

Fadlan waxaan ka codsanaynaa taageerayaasha xisbiga UDUB ee denmark inaaad iska xil qaantiin ood noo soo dirtiin qaabka uu u dhisan yahay unugiina xafiiska udub iyo wixii warar ah ee aanu gaadhsiinayno baha weeynta UDUB waanad mahadsantihiin

COTACT US ::: Abdiland@gmail.com

www.udubparty.us

WWW.XISBIGAUDUB.COM

                                                       

Leave a Reply