SWEDEN

HOGAANKA XISBIGA UDUB EE SWEDEN
Xoghayaha XISBIGA UDUB Mudane :
Gudoomiyaha Udub Mudane :
Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Mudane :
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Ku:- Jaaliyada SOOMALILAND
Bahweynta XISBIGA UDUD ee SWEDEN.
Og:- Mudane, Daahir Rayaale Kaahin
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOOMALILAND. Ahna Guddoomiyaha XISBIGA UDUB.
Waxaa mudan in aan halkan idinku soo diro bogaadin Jaaliyadiina Reer SOOMALILAND ee SWEDEN ee Bahweynta Xisbiga UDUB. Waxaanu garwsanahay inaydun tihiin tusaale fiican dhinaca xisbigeena Dadweynaha reer SOOMALILAND mid gudaha jooga iyo mid dibada joogaba, dareenkiina iyo dadaalkiina aad ka unugteen, kana dhisteen Xafiiska xisbiga UDUB ee aaga aad dagantihiin.
Aniga oo ku hadlaaya Magaca Xisbiga ka Guddoomiyaha iyo kaygaba waxaan marlabaad idinku hambalyaynayaa hawshaas qiimaha badan ee aad isu xilsaarteen kana midho-dhaliseen ee ku saab-san arrimaha Xisbiga UDUB.
Walaalayaal, waxaan idinku boorinaynaa inaydun hawshaas adaga ee dhisida Xisbiga aad halkaas kor uga sii kicin-doontaan, wixii dhib ah ee idinkaga yimaadana xamil iyo adkaysi u yeelataan, goobaha kale ee aagiina ka baxsana hawsha xisbiga aad gaadhsiin doontaan. Waxaan diyaar u nahay wixii talo iyo tusaale ah ee aad na soo siisan, dhinacayaga waxaanu mar kaste aanu idiinla diyaarnahay wixii arrin, talo iyo war ah.
Ilaahay hawshaas culus ,dhamaanteen haynoo fududeeyo, idinna garabkiina ilaahay ha galo.AMIIN
Alla Mahad leh
Jaamac Yaasiin Faarax
Xoghayaha Guud ee XISBIGA UDUB.
————————————————————————————————————————
Fadlan waxaan ka codsanaynaa taageerayaasha xisbiga UDUB ee SWEDEN inaaad iska xil qaantiin ood noo soo dirtiin qaabka uu u dhisan yahay unugiina xafiiska udub iyo wixii warar ah ee aanu gaadhsiinayno baha weeynta UDUB waanad mahadsantihiin
COTACT US ::: Abdiland@gmail.com
