UK

HOGANKA XISBIGA UDUB EE LONDON UK
Gudoomiyaha XISBIGA UDUB UK Mudane :Axmed Naasir Xirsi Maxamed
Xoghayaha XISBIGA UDUB /UK Mudane :Dr. Maxamed Aw Daahir
Gudoomiyaha Xidhiidhka Udub UK Mudane :Cabdiraxmaan sh xuseen
Gudoomiyaha Udub LONDON UK Mudane :Mr Siciid Xasan Biixi
Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB ee UK Mudane : Faysal cilmi cali
MEMBERS
6. Yusuf Xirsi Axmed (Xariir)- Khasnajiga Guud ee UDUB-UK
7. Cabdillaahi Maxamed Saleebaan- Ku-xigeenka khasnajiga Guud
8. Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi- Hoggaanka Xidhiidhka Guud
9. Maxamed Cabdillaahi Ciise- siyaasadda iyo horumarinta xisbiga
10. Maxamed Xasan Mataan- Afhayeenka Xisbiga
11. Cabdi Daahir Xasan- Guddoomiyaha Waaxda Waqooyi ee London
12. Mahdi Jaamac Rooble-Hogaanka Abaabulka iyo Wacyigelinta
13. Yuusuf Maxamuud Cawaale- Guddoomiyaha Galbeedka London
14. Ibraahim Maxamed Nuur- Guddoomiyaha Waaxda Koonfurta London
15. Axmed Yuusuf Ducaale- Guddoomiyaha Waaxda Bariga London
16. Koosaar Caydii Cabdi- Hoggaanka Anshax-marinta iyo Shuruucaha
17. Cabdiraxmaan Xasan Xaaji-Hantidhawraha Guud
18. Siciid Xasan Biixi- Guddoomiyaha London
19. Maxamed Cabdi Sheekh (Xirsi)- Xubin
20. Maxamuud Caddaani- Xubin
21. Nuux Fidhin- Xubin
22. Cabdalla Cabdi Dubad (Alifdoon)- Xubin
23. Muuse Cabdillaaahi Gaagaale- Xubin
24. Cali Jaamac Diiriye- Xubin
25. Muuse Maxamed Ducaale- Xubin
26. Cabdi Maxamuud (Cabdi Weyne)- Xubin
27. Fu’aad Ibraahim Odowaa- Xubin
28. Maxamed Xasan Cabdi- Xubin
29. Qaasin Aadan Saleebaan- Xubin
30. Suleemaan Yaasin Barre- Xubin
31. Axmed Cabdi Ismaaciil “Gorse”Xubin
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
———————————————————————————————-
Shir balaadhan oo ka dhacay london
London (UDUB)Maalintii ay bishu ahayd 03/04/10 waxa lagu qabtay bariga magaalada London (East London) gaar ahaan guriga la yidhaahdo Oxford House shir aad u balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku kulmeen xubnaha iyo tageerayaasha xisbiga talada dalka haya ee Udub.
Shirkan oo in muddo ahba lagu soo jiray qanbanqaabadiisa aadna looga dareemay abaabulkiisa magalada London iyo guud ahaanba dalkan Ingiriiska, Ayaa ugu dambaystii galabta 03/04/10 ka furmay guriga Oxford House ee East London.


Dadka ka soo qayb galay oo ka koobnaa qaybaha bulshadu ka koobantahay sida Rag iyo Dumarba, madaxdhaqameedyo, aqoonyahano, culamaa’udiin, dhalinyaro iyo waxgarad kale oo aad u farabadan oo kala yimid dhamaan magaalooyinka xisbigu ka jiro. Haddaba, markii ay isu soo dhamaadeen ergooyin shirka loogu talo galay ayaa waxa shirkii ku furmay jawi farxad iyo degaanshiiyo aad u saraysa. 

Siciid xasan biixi oo ah gudoomiyaha xisbiga ee London, ah xubin guddiga fulinta UK oo ahaa ninka shirka daadihinayey ayaa ku furay shirka ayaado quraan oo uu akhriyey mid ka mid ah ergooyinka. Kadib waxaa mikrafoonka lagu wareejiyey gudoomiye ku xigeenka xisbiga ee UK Faysal cilmi cali oo ka waramay heerarkii uu soo maray xisbigu iyo waxqabadkii iyo halka uu maanta joogo xisbigu.Dabadeed waxa lagu soo lagu soo dhaweeyey xubno cusub oo ku soo biiray xisbiga kuwaas kasoo digo rogtay xisbiga Kulmiye.
Dr Mohamed Aw Daahir oo ah xoghayaha UK ayaa u mahadnaqay xubnaha cusub kuna soo dhaweeyey xisbiga. intaa ka dib waxaa mikrafoon loo dhiibay ibraahim Salebaan(talaabo) oo si faahfaahsan uga waramay wax qabadkii dawlada dhinacyada kala duwan ee horumarinta bulshada. Waxa iyaguna goobaabo iyo talooyin soo jeediyey Dr.Cabdiraxmaan Maxamed (Heliyo), Marwo Saado Cabdi iyo Wakiilka Soomaalilaand ee dalka Ireland.
Boqor Cismaan (Boqor Buurmadaw) ayaa soo jeejiyey qudbad dheer oo taabanaysay dhinacyo badan. Shirkii waxa xidhey guddoomiyaha oo u mahadnaqay dadkii shirka ka soo qayb galay.
Amaano Allah
Dr. Maxamed Aw Daahir
Xoghayaha UDUB /UK
Fadlan waxaan ka codsanaynaa taageerayaasha xisbiga UDUB ee UK inaaad iska xil qaantiin ood noo soo dirtiin qaabka uu u dhisan yahay unugiina xafiiska udub iyo wixii warar ah ee aanu gaadhsiinayno baha weeynta UDUB waanad mahadsantihiin
COTACT US ::: Abdiland@gmail.com
