XISBIGA-UDUB

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabtay
Hargeysa (UDUB)- Madaxweynihii horre ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabay ka dib markii uu in muddo ah safar ugu maqnaa waddanka Faransiiska.

Md. Daahir Rayaale oo ka soo degay garoonka diyaaraha ee Egal International airport ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah golihiisii horre ee wasiiradda, xildhibaanadda labadda aqal baarlamaan, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UDUB.

Guddoomiye Daahir rayaalle kaahin oo markii uu soo degay saxaaffada ku hadlay nasashadda ee madaarka, ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen shirka London, dagaalkii Buuhoodle, xidhiidhka Somaliland ka dhaxeeya dawladda jaarka ah khaastan Itoobiya iyo Jabuuti.

“Kumaan taliyeen in laga qayb gallo shirka london Kamana qayb galayno, laakiin maanta cidda ka qayb gasha ayaa khayr iyo sharba waxay ka keenaan lagala xisaabtami doonaa.” Ayuu yidhi Madaxweynihii horre ee Somaliland Md. Rayaalle.

Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yihdi “Shrikaa london lagu qabanayaa maaha mid danta Somailand mana taageersani kaqaybgalka uu ka qabgalay Gudomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmad Yuusuf Yaasin .”

Waxaana sidoo kale wax laga waydiiyay shaqaa qooyinka bariga sidii u uxalin jiray mar kuu madax waynaha ahaa waxaana uu yidhi sidan.”

Waxaana sidoo kale wax laga waydiiyay hadii looga baado khilaafka hada kataagan dalka inuu hadli doono; ”Haddii wax la iga waydiiyo talada qaranka waan ka hadlayaa.” Ayuu yidhi M. Daahir Rayaale.

Waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii ka dhacay buuhoodlle, isaga oo ku taliyey in la joojiyo dagaalka; “Dagaalku marnaba ma fiicnaa waxana aan ku talin lahaa in la joojiyo. Waana aan ka xumahay waxa dhacay.” Ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale, oo intaa raaciyey “Madax-wayne kastaa wuxuu leeyahay qaab uu wax uxliyo ana waxaan wax ku xalin jiray hab aniga iigara.”

Md. Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in meel ka dhac ay tahay in ay Somaliland ka qayb gasho shirka London
Hargeysa (UDUB)- Wasiirkii hore ee wasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland Ahna musharaxa xisbiga udub Md. Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in meel ka dhac ay tahay talaabadii ay dhawaan labadda Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland ku ansixiyeen in ay Somaliland ka qayb gasho shirka London isla markaana ay ku laaleen qodobo in badan dabar uga ahaa Somaliland ka qayb galka shirarka lagaga arinsanayo arimaha somaliya.

Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay, waxana nuqul ka mid ah warsaxaafadeedkan u dhignaa siddan.

“Laalidii qodobadii sharciyeed ee dabarka u ahaa bulshada iyo Dowladda somaliland waxaa ka dhalanaya arrimo arrimo xasaasi ah oo wax yeelo weyn u geysanaya gooni isu taaga somaliland .

Arrimaahaasi oo ay ka mid yihiin :-

- waxaa bilaabantay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta , Madax dhaqameedyada iyo bulshada inteeda kale oo ka soo jeeda Goboladda iyo degmooyinka somalliland qaarkood ay cabashooyinkooda la tagayaan SOMALIYA , ayagoo ku doodaya in ay u tageen sidii dhibaatooyinka Somalia oo Somaliland ka mid tahay loo xalin lahaa.

- In ay meesha ka baxeen sharcigii laga baqanayey ee dabarka u ahaa qofkii ka qayb gala arrimo khuseeya Somaliya.

-In bulshaweynta caalamka ee aynu ka rajeyneynay Ictiraafka somaliland ay u fahmaan in doonista shacabku ay meesha ka baxday maadaama uu baarlamkii laalay qodobadii sharciga ahaa.

- In ay abuuri karto kala shaki ka dhex dhasha Shacabka reer somaliland iyo xukuumadooda. oo keeni kara isku dhac iyo nabad galyo darro.

- In ay magdhow ina weydiiyaan dadkii lagu waxyeeleeyey sharcigan hadda la laalay iyadoo aanay meesha ka bixin baahidii keentay in lagu fuliyo shacabka reer somaliland ee eega dhinaca somaliya.

- In kuwa hadda u hanqal taagaya ka mid noqoshada arrima somalia aanay meesha ka muuqan sabab loo dhibaateeyo mar haddii meesha laga saaray sharcigii qaban lahaa.

Arimahan sida dhibka yar loo laalay iyada oo aan waxba laga weydiin bulshada reer somaliland ee boqolkiiba 97% u codeysay XAMAR MAYA. Waxaa hubaal ah haddii aanu Baarlamanku dib-u-eegis ku sameyn qodobadan uu laalay,

in dhamaantood ay raad xun ku reebi kara bulashada reer somaliland ,

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa labada Gole ee wakiilada iyo guurtida in si xikmad iyo caqli ku jiro ay dib u eegis ku sameeyaan qodobada la laayey iygoo kala tashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sidoo kale waxaan Xukuumada u soo jeedinayaa in ay deg deg wax uga qabato dhalinyaradda Reer Somaliland ee dhagarta ay ka gashay dowlad ku sheegta Xamar oo dib uga boobtay kaalmadii waxbarasho ee ay ka heleen dalka Turkiga, iyadoo aan Nasiib darro ku tilmaami karo cidii markii horeba dayacday caruurteena ee inagoo toos u weydiisan karna Dowladda Turkiga in Ardaydiina ay toos uga qaadaan Airporka Hargeisa, Xamar geysay.

waxaana ku boorinayaa in dowladda ardaydaasi ay ka soo qaado Xamar , isla markaana ay ka bixiso kharashkii ay ku tagi lahaayeen dalkii ay ka heleen deeqda wax barasho” ayuu ku yidhi cali Maxamed Warancade Warsaxaafadeedkaas.”

Madaxweynihii hore ee JSL oo iman doono Magaalada Hargeysa Maalinta Khamiista
Warsaxaafadeed xisbiga mucaaridka ah ee Udub oo ka hadlaya imaatinta madaxweynihii hore ee JSL ayaa   warsaxaafadeedkan u dhignaa sidan:–

Waxaan ku wargelinayaa dhammaan taageerayaasha iyo bahweynta Xisbiga UDUB iyo dhammaan shacabka reer Somalilandba in Guddoomiyihii Xisbiga UDUB, Madaxweyneheenii hore ee JSL , Mudane Dahir Rayaale Kahin uu iman doono Magaalada Hargeysa Subaxa Khamiista 9AM kana soo degi doono madaarka Egal International Airport.

Waxaa soo dhawayntiisa loo samayn doonaa Protocol ku habboon iyadoo aan kala tashan doono Xukuumadda JSL.

Bushaaro Wacan,

Cabdi Xalim Maxamed Muuse

K/S Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB

Xogahayah Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Oo Si balaadhan Uga hadlaya shIRKA LONDON ka dhici doona
Lyon (UDUB)- Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa magaalada Lyon ee dalka France ka soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo shirka London, waana kan qaoraalkaasi ee ka bogasho wanaagsan:

“3-ka bishan February 2012-ka, waxa ka furmaaya LONDON shir laga hadlaayo xaaladka murugsan ee Somalia. Boqortooyada Ingiriiska ayaa u muuqata mid lawareegtay xilkii wareerka badnaa ee hogaminta shirarka madhalaysnimadu ragaadisay ee ku caan baxay: Daaweynta Somalia Italiana-da bugta.

Waxuu shirkani noqonayaa midkii 20-aad. Italia way ku ilka beeshay. Bal aynu eegno artist-ka cusub ee Great Britain waxay ka kordiyaan Conference-ka London, midan oo ku soo beegantay waqti guluf xoogan oo iskaashatay dagal hubaysan kula jirto islaamin ku-sheega xag jirka ah ee Al-Shabaab.Waxaa dood badani ka taagantahay agenda iyo ugeedada dhabta ah ee shirkani leeyahay, iyadoo lagu soo martiqaaday Somaliland oo aan ka ahaan xubin Shirarkii hore loo qabtay, kuna jirin ROAD MAP-kii cusba. Waxa loo baahanyahay xoogaa in dib loogu noqdo taarikhdii dhawayd ee 1991/2012, si madmadowga meesha ku jira loo yar iftiimiyo.

1=SOMALILAND

Waxay ahayd 1991kii, markii qori caaradii lagaga takhalusa Dhigyacabkii Ina Siyaad Barre.Waqtigaas, waxa Somaliland xoreeyey hal urur oo hubaysnaa, ahana SNM. Hogaankii xilka wadanka lawareegay waxay ku qabteen magaalada Burco Shir guud oo qaran. Nadaam wadaagoo ah, oo beeluhu u dhan yihiin waxa lagu gaadhay go’aan 18/05/1991 in reer Somaliland, si buuxda, ula soo noqdaan madaxbanaanidoodii luntay 01/07/1960-kii. Xitaa Cali Khalif Galaydh-ka maanta Taleex, “Abow Na Jihaadida”loogu heesaayo, ayaa wax ka saxeexay go’aankaas, kuna tartamay 1993-kii., jagada Madaxweyne ku/Xigeenka JSL.

Waxaynu ka dheregsan nahay in Somaliland xukuumad samaysatay, waxayna dismahoodii ku xoojiyeen Shirkii Boorame ee 1993kii. Waxa halkaas hogamintii wadanka, si dimoqaraadi ah, ula kala wareegay Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Moxamed Xaji Ibrahim Cigal.

Dastuur qaran ayaa loo codeeyey (97%), golayaal deegaan iyo kuwo qaran ayaa la doortay, iyagoo lagu saleeyey habka axsaabta badan. Ciidamadii qaranka ( Military Army & Police ) ayaa ladhisay, oo si buuxda u dhaqan galay.

Illa hadda afar (4) Madaxweyne ayaa, si nabad & dimoqaraadiyadi ku dheehantahay xilka ula kala wareegay. Reer Somaliland nadaam dimoqaraadiyadeed oo waddani ah (Home made democracy) ayay horumarkooda ku gaadeen. Aduun weynaha oo dhan ayaa markhati ka ah, kuna hambalyeeyey.

Waxa weli lasugaya aqoonsiga caalamka, middaas oo lagu fadhiisiyo; Iraadatul-Shacab, Iraadatul – Allah. Waxaan ognahay in Midowga Afrika (African Union) u diray Somaliland guddi Ad-Hog ah, oo xaqiiqa raadis ah 2005-tii. Guddidaasi report ayay u gudbisay African Union., middaas oo ay si cad ugu qayaxeen in Jamhuuriyadda Somaliland u qalanto aqoonsi buuxa.

Charterka Afrika iyo midka caalamku waxay qorayaan in xuduudada wadamada Afrika yihiin kuwii laga dhaxlay Gumaystayaasha. Ummada Somaliland oo ah bulsho islaam ah, sidaas ayey ku hawl galeen, Eebena ku sugayaan. 860 km ee xeebtooda, ciidanka badda ee Jamhuriyadda Somaliland guulo wax kuool ah, oo la taaban karo ayay kasoo hooyeen la dagaalanka budhcad- badeeeda, caalam kuna ka markhaati kacay.

Waxa looga bahan yahay hogaanka qaranka firfirconi iyo feejigaad, middaas oo ay ka reeban yihiin fudayd iyo ka fiirsi la’aani (Mind the Gap), haddii larabo in laga midhodhaliyo himiladii ummadda ee qaliga ahayd.

Waxa iyana lamahuraan ah in lasugo xuduudada dalka, amaanka bulshada nabada iyo xuriyadda jecel ee Somaliland, iyadoo cadaalad lagu fadhiisiyo, qiima kasta oo ay ku kacayso gudashadoodu.

2=SOMALIA

Magacani waxa uu ku hadhay dalkii la odhan jiray “Somalia Italiana”.

Waxa wadankaas xoreeyey labadii urur ee USC iyo SPM, kuwaas oo ay kala hogaaminayeen General Caydiid iyo Korneyl Cumar Jeex.

Nasiib daro, waxa Mogadiscio laga abuuray kacdoon ay hogaaminayso “Manifesto Group”, dabadana ka soo rixayaan Italia iyo Masar oo ay lasafteen quwadaha reer Galbeedka iyo Arab League.

Waxay taasi keentay in labadii urur (USC & SPM) ee dalka xoreeeyey ahana quwado nidaam leh, laga boobo libintii ay dhaliyeen,lana abuuro fawdad faraha ka baxday. Waatii 1992kii Duulaankii Restore Hope lagu qaaday quwadihii hubaysnaa ee USC iyo SPM, iyadoo loo hiilinaayo Xukumaddii Cali Mahdi iyo Cumar Carte Qaalib.

Halkaas ayey sartu ka qudhuntay, waxaana bilaabmay dagal ahliya oo ummaddii reer Koonfureed qabyaalad iskaga horkeenay, middaas oo is-aaminaadii shacbiga laashay, illaa hadda.

Markaas-ba Somaliland oo qaranimadeedii lasoo noqotay, wax ciidan ah looma dirin. Iyadoo markaaba laqiray inay laba wadan kala yihiin. Sidaas ayaanay wax faragelin ahna nooga iman adduunka kale, Carab iyo Cajab toona.

Labaatan iyo hal sannadood (21 years) ayey reer koonfureed tashan kari waayeen. Waxay diidan yihiin inay isu-tanaasulaan. Waxay noqdeen ummad aan isu tudhaynin. Faragelin shisheeye ayaa sabab u ah in aanay wada tashan, kalana adkaanin. Bulshodoodu way jaahwareertay.

Afkaar xagjirnimo iyo qabyaalad ku salaysan boob-dhul iyo mid power ayaa kala jiidanaaya. Kolba waxa xukun loogu dhiibayaa kooxo loo macmalay oo aan cidna matalin, mushaharna looga qoro dibeda, iyadoo shacbigoodii silic iyo darxumo u baabasan yihiin.Maantana, maamul-goboleedyo ayay miciin moodeen oo lagu mashquulinayay.

Xukuumado maqarsaar ah, oo lagu magacaabo Ku-Meel-Gaadh ( KFG ), Baarlamaan ku-sheeg dibeda laga soo cumaamaday, oo marba cimrigiisa iyo tiradiis-ba lakordhiyo, cidna aan matalin, dhexdoodana feedhtama iyo ciidan aan shucuur wadaniba loo aqoon, ayaa caalam dan gaar ah kala wataa, ku maaweelinayaa.

Markii ummaddoodii maamul qaran iyo daryeel wayday, waxa kasoo dhex toosay budh-cad badeed hubaysan oo nabadii caalamka tahdiid xoogleh ku keentay, Geeska Afrikana ka dhigay goob colaadeed. Boqolaal maraakiib ah, ayay afdoobeen, oo madax-furasho ku qafaalan, iyada oo dadka hawgaladaas samaynayaana yihiin ka hadheenkii ciidankii badda ee taliskii Siyaad Barre.

Dawladaha waaweyn ee caalamka waxa dhibaaya nabadgelyada faraha ka baxday ee samaysay Badda-Cas iyo Indian Ocean-ka, middaas oo qastay Ganaacsigii adduunka (International Trade). Waxa kalo iyana larabaa in laga takhaluso ururka Al-Shabaab, oo ay caddaatay inay xidhidh dhab ah leeyihiin Al-Qayda, dhibaatana ku haya wadamada Bari Afrika, siiba kuwa ay Somalia xuduudka wadagaan.

Waxaa cad oo aan muran lahayn in Shirka LONDON yahay gole loo xaadhay in lagu daaweeyo bukaan- jiif caalamku cilinkiisa saari kari waayey ee la magac baxay Somalia (former Somalia Italiana). Cidda qabta in cudurka dameerka Xamar haya laga gubo faraska Hargeysa caafimaadka ku daaqaaya, way qaldan tahay.

Ma waxaynu malayn karnaaba in Boqortooyadii Great Britain, ee xuduudada maanta ee Somaliland la xariiqatay, Ethiopia, Italia iyo France, ayaa taarikhda Geeska Afrika been ka sheegi?UK miyaanay ahayn midddii saxeexday gobonimadii Somaliland qaadatay 26/06/1960-kii?

Queen Elisabeth miyey halmaami karta inay ahayd Great Britain dawladii ugu horaysay ee ictiraaftay Jamhuuriyaddii Somaliland? Miyaanay UK, ka mid ahayn 34 kii (34) wadan ee Jimciyaadda Quruumaha ka dhaxaysa, si buuxdana, inoo aqoonsaday intaynaan is-raacin Somalia, iyadoo Common Wealth membership keenina diyaarisay? Ceebtaas cidda gobtaas ka qaadi, way soo bixi doonta.

MAWQIFKA SOMALILAND

JSL kamay mid ahay ROAD MAP-kii hore. Kamayna qaybgelin shirarkii soo taxanaha ahaa ee loo qabtay daawaynta Somaliada bugta. Madaxbannaanideenu wahay ku qayaxantahay dastuur keena qaran, adduunkuna wuu ogyahay.

Tagista London Conference, ma aha mid waysada salaada ina jebinaysa.Muhiimku wuxuu yahay wajigee iyo meeqaankee baa lagaga qaygelayaa Shirkaas, maxaase lala goob tegeyaa? Xal ma aha, fagaarayaashan oo kale, dudmo kaga maqnow. Cidna lakhasbimaaye, Walaalow gartaada aqriso ayaa ka roon qaadicaada.

Waxaad karhayso oo khayr ku yeelan kara ayaa jira. Waar meesha waxaa imanaaya madaxdii wadamada aduunka u talinaayey.Waa fursaad qaaliya hadddii laga fa’idaysan karo. Waxa lala tegayo waa in qaranku raali ka yahay oo aan beri laysku rixrixin. Xukuumadda mandatka lasiiyey waa inu xadidnaadaa.

3=Hadday Great Britain ay lasoo noqonayso Power keedii Boqoradda Badaha Aduunka, iyadoon xaqeena duudsiyeynin, waa All Right. Qudbadeena waa inaynu ku qayaxna faraqa (Differencies) aynu kaga duwannahay Somalia Italiana iyo xasuuqii laynagu sameeyey.

Waa inaynu ku hadalnaa abaalka hiil ee aynu gashanay caalamka xorta ah (Somali Batallions), guud ahaan, iyo Great Britain, France iyo Ethiopia gaar ahaan , labadii dagaal ee ka dhacay adduunka (1 914/1918 & 1939/1945), waqtigaas oo ay reer Koonfureed la safnaayeen naazismkii Muselini iyo Hitler.

Ha la sheego inaynu mar walba la jirnay ummadaha xoriyadda iyo nabada jecel ee caalamka, xaqna aynu u leenahay in baadilka laynooga hiiliyo (Reciprocity) maanta. Hadday interests tahayna, hala qayaxo in Somaliland tahay dal dihin oo khayraad badan ku duugan yahay, una furan maalgeliyeyaasha aduunka oo dhan.

Hala sharaxo in is-raacii July 1960 uu ahaa annexion maldahan, oo lagu dagay shacbiga Somaliland, oo hada dib u saxaaya qaladaad kiisii hore. Waxa haboon in mudaharaadyo laga qaban qaabiyo London, kuwaas soo lagu taageeraayo goni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa inaynu Caalamka u cadayna inaynaan aqbalayn in dhiiga reer Somaliland laga dhigo sibidhka dib loogu dhisaayey daarta dulmigu dumiyey ee Mogadiscio. Lakiinse aynu diyaar u nahay garab joogsiga dawladaha aduunka, sidii loo daaweyn laha aafada baahday ee Somalia, marka la aqoonsado qadiyaddeena ku qotonta: Iraadatul-Shacab, Iraadatul- Allah.”

“Axmed Yuusuf Yaasiin Wuxuu Iloobay In UDUB Ka Fog Yahay Club lagu tartansiiyo Mal-qabeeno khamaaraya, XISbIGA Umadu Maaha Sabeen Saylad Joogta” Xoghayaha UDUB.
Lyon (UDUB)– Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay xisbiga UDUB, waxaanu ku simaha Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin ku eedeeyay inuu xisbigii ka dhigay madal lagu tartansiiyo maalqabeenada.

Qoraal dheer oo Jaamac Yaasiin Faarax ka soo diray Magaaladda Lyon ee dalka Faransiiska oo uu degan yahay ayaa waxa uu eedaymo tiro beelay ugu jeediyay Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu sheegay inuu koofiyadiisa kala soo baxay go’aamo aan la isku ogeyn, waxaanu taageeray go’aanka Daahir Rayaale Kaahin ku joojiyey kala xulista Musharixiinta UDUB. Qoraalka Xoghayaha guud ee UDUB soo saaray ayaa u dhignaa sidan “Waxaan salaamayaa gar ahaan bahweynta xisbiga Udub, gud ahaanna ummada Somaliland. Waxaan Eebe inooga baryayaa in sannadkan 2012 inooga dhigo mid nabad iyo barwaaqo badan. , Aamin. 1/ XISBIGA UDUB Waxaan ka fa’iidaysanaya munaasibadan awal-sannaha 2012, si aan idiin siiyo mawqif kayga ku aadan qaska aan loo bahnayn ee laga dhex aloosayxisbiga UDUB iyo ra’iigayga maanta iyo Somaliland.. Waxa jirtay, waayahan dambe, mulaaq ka dhex socday xisbiga Udub gudihiisa. Kolba rukun jiidh-jiidh ayaa dhacayey. Waxaan caado u ahayn bahweynta xisbiga, oo lagu tilmaami karo kooxaysi, ayuu koofiyaddiisa kala soo baxayku simaha Guddoomiyaha xisbiga Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Xilkii sida kumeelgaadhka ah loogu dhiibay, sifooyin guracan ayuu u isticmaalaayey. Hawlihii urururinta xogta ee sida xigmadaysan dib loogu dhisaayey xisbigalagaga guulaystay doorashooyinkii 2010, jahwareer buu ku riday. Dib u dhiskii Udub ee u baahnaa in shir guud lagu dhamays tiro, kadib marka hab talo wadaagoo dimuqaraadiya gunta laga soo tolo ( degmo & gobolada dalka ) ayuu mijaro hababiyey. Doorashada mudnaanta (Priority-ga) leh waa mida golayaasha deegaanka ee April 2012, Waxa uu badka soo dhigay doorashada Madaxtooyada 2015 ee afarta (4) sannadood inaga xigto, Wuxuu jidaystay in shuruuda koowaad ee musharaxiinta tartamaysaa noqoto adduun lacagaysan oo account uu leeyahay lagu shubo, ayadda oo laiska garab marayo shuruuduhii aasaasiga ahaa ee xisbinimo: a/ ka mid ahaasho xisbi iyo muddo buxinteed b/ natiijo sax ah oo dhaqdhaqaaq xisbiyahan c/ makhraatifur waayo-aragnimo dheer oo siyaasadeed d/ sugid mas’uuliyad-qaadnimo laga saxo golaha fulinta, lagana ansaxiyo golaha dhexe. Waxu Axmed Yaasiin iloobay in xisbiga Udub yahay urur siyaasadeed bulshaweyntu leedahay, oo kafog Club lagu tartansiinayo ” Mal-qabeeno ” tunkood cadaaday, oo khamaaraaya. Ma aha xisbul ummaha Udub sabeen saylad joogta, oo inta maro hoosteed gacan laisugu dhiibo, sidaas lagu kala ibsanaayo. Runtii anigu, ka Xoghaye guud ahaan ma arag mana maqlin wax calaamad dhaqdhaqaaq xisbiyahan oo inanka Jamaal Cali Xusseen xisbiga Udub dhexdiisa uga sajilmayintii aan xilka hayey. Waxaan qabaa in inanka dhalinta yar ee qaaliga ah, hadddu u soo banbaxana siyaasada mustaqbalka fiican ku lahaa, Axmed Yuusuf Yaasiin khadaacad ku sameeyey,isagoo dan gaar ah ka fushanaaya. Taasina, waa ka xaraan shaqsi muslim dhab ah. Waxaan ku raacsanahay Gudoomiyaha xisbiga Udub, Md Daahir Riyaale Kaahin, go’aan kiisa ku aadan musharaxnimada doorashada madaxtooyo ee 2015. Waxa mudan in loo diyaar garoobo doorashada golayaasha deegaanka, iyadoo laysku duuban yahay, shuruucda xisbiga iyo kala dambayntana la dhawraayo.Wax garab/garab ahi, wuu inaga reeban yahay, haddii aan doonayno in xisbigeenu ka badbaado burbur iyo ceeb hor leh. Inaankana lacagta account-ka lagaga shubtay ha loo celiyo, kuwa kalena yaan laga qaadin wax lacag ah oo ku aadan musharaxnimo madaxtooyo, inta talo laysugu imanaayo, doorashada golayaasha deegaanka dabadeed. 2/ SOMALILANDTA MAANTA Labaatan iyo kaw (20) sannadood ayay Somaliland-ta maanta hor tahay. Xukuumaddii afraad ayaa talada dalka haysa 17 bilood, iyadoo farta laga saaray dal mid ah oo nabad ah, taxgelinna ka mutaystay wadamada jarka inala ah iyo calamko dhan. a/ Siyaasadda gudaha Nabad gelyada dalku qalqal bu ku jiraa labadiisa daafood-ba.Waxa ka dhacay dilal qorshaysan, oo aan cidna loo qabanayn. Waxa xataa dhacay in rag dhagar qabeeno ahaa oo la raacaynaayey, dharaarta u soo baxeen markii kulmiye guulayta, oo weliba wasiirkii arimaha gudaha ee xukumaddii Daahir Riyaale Madaxtooyada iyo golayasha xeer dejinta dhexdooda loogu hanjabay. Markii laga soo ashkadoodayna, waxba lagama qaban. Waxay taasi dhirin gelisay falalkii nocaas oo kale ahaa, bari iyo galbeed-ba. Meeday gogoshii Madaxweynuhu ku baaqay. Ma waxay noqotay masaleh cirka hehabaya, oo aan lagarayn gorta uu soo degaalo? Jiitaanka arrimahaasi, waatan bari ay ku dhiiradeen Somaliland-diidkii caamka ahaa, sida Cali Khalif Galaydh fan-yaraynaayey, inay shir Somaliland lagu minjaxabinaayo, loogu yeedho SSC.Waxaan waxba laga qaban afduub cad oo lagula kacay shaqaale sarsare, saraakiil iyo askar dawliya. Wax lala yaabay ahayn in wasiirka Difaaca qaranku ku andacoodo: Waa reer Talex, reer Taleex afduubeen. Arrinta noocaas oo kale ihina inad-jab ayay keenta aan laysku halayn cududda dalka. Jilicsanaanta sirdoon keena iyo go’aan la’aanta xukumaddu waxay abuurri karan xasilooni dari cadawgu ka fa’iidaysan karo, ee yaan loo daymo la’aan. Ururrada cusub ee faraha badani (15), qabyaaladdii bay daadihinayaan. Waase laga yaabaa in Kulmiye /Xukuumaddiisu u aragto hab qaybi oo xukun, ay ku dhaqmi jireeen Gumaystayaashii Afrika. Waxa xitaa suragal noqday inHargeysa hadhcad lagaga dhawaaqo ururu naqiidaaya Dastuurka qaran keena, oo xaaraan ka dhigaaya tartanka dimoqaraadiga ah ee aynu ku dhaqano. b/ Arrimaha Dibeda Xukuumadayadii Udub mabaadi lagama gudbaan ah ayey lahay. Anagaba shirar waa nalooga yeedhi jiray, Lakinse, agendayaashooda oo qoran ayaanu dalbi jirnay. Haddii ay mundaro u leedahay madaxbanaanida Somaliland, maanan tegi jirin, waxbana nagagamay lumin, haba yaraatee. Heer sareeya ayaanu gaadhsinay qaranimada qaranka. Puntland iyo Galmudug, faq lamaanu gelin. Dhagax buur kasoo labarogmaday, doog ma keeno. Ma qabno in diplomasiyaddan ku fadhida “Ayaa farta iitagay” inay faa’ido keenayso.Waxaaase laga yaaba, dheri Xukumaddii Udub bislaysay, in cad lagala soo baxo. Isbedelka aduunka carabta ka socdaa, wax badan ayey bedeli doonaan, haddiii iaynu ka fa’iidaysan karo, oo arrimada si miisaan iyo taxadur leh u waajahno. Waxay ila tahay in guddi aqoonyahanno ka soo qalin jeebiyey wadamada carabta, oo rag siyaasiin, journalist iyo culimo ka kooban, loo xil saaro in Xukumaddaha carbeed ka soo olooleeyaan. Si ay u fuduudaato hawshoodu, hala aasaaso jariidad afka carabiga ku soo baxda, lagulana garnaqsado ummadda carbeed. Si kale haddii ay ku dhaliwaydu aqoonsigeenu, maxkamada caalamiga ah ayaa ino furan, inagoo haysana garowshiyahii guddidii xaqiiqa raadiska ee African Union (2005), markaynu ka quusano wada hadal kafoo kafool ah oo aynu lagalo, xukuumad si dhab ah u matalaysa walaalaheeni koonfureed ee aynu kala odrogonay. c/ Arrimaha dhaqaalaha Sahan wanaasan oo kashifaaya qayraadka wadanka ku jira, ayay Xukumadddii Udub dhaxal ahaan ka tagtay.Waa in laga faa’idaystaa. Dadka waa in lagu baraarujiyaa mashaaric iskashato wax kala soo baxa dulka iyo badaba. Hala hirgeliyo siyaasad lagu soo jiito mal-gelinta dibada iyo gudahaba. Wax wada qabsiga Somaliland iyo Ethiopia hala balaadhiyo, siiba Corridor Projetkii inaga dhexeeye ee muhimka aha.”

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Saxaafada Uga Waramay Xisbigiisa UDUB
London (udub) Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay inuu laalay go’aankii shalay garabka Axmed Yuusuf Yaasiin ay ugu doorteen murashaxa xisbigaasi.

Daahir Rayaale Kaahin ka hadlayay xaalada xisbigiisa kala qeybsan wuxuu yidhi “Runtii intii muddo ah dalka waan ka soo maqnaa inay shirkii Golaha Dhexe qabsadaanna waxaan awood u siiyay ku xigeenkaygii. Way qabsadeen kalfadhigii Golaha dhexena way doorteen. Waxa yimid fikir ah aan murashax madaxweyne samayno waxaan idhi sameeya haddii la isku raacayo, laakiin warka aan maqlay maalmihii la soo dhaafay waxa I soo gaadhay in la isku khilaafsan yahay markaan taas ogaaday waxaan email u diray Ku xigeenkayga aan ugu sheegayo in haddii xisbigu laba garab noqonaya suurto gal ma aha ee fikirkaasi waa la joojinayaa.doorashada Goleyaasha deegaanka ka dib baana aanu qaban doonaa murashaxnimada madaxweynaha.”

“Waxaan idhi ha la ila sugo, nasiib darro may dhicin waxaan maqlay in shalay qeyb uu Ku xigeenkaygii ugu qabtay shir oo uu leeyahay nin gacanta ha loo taago. Qeyb kalena ay fadhiisatay xaruntii xisbiga arrintaasi waxaan u arkaa inaanay ahayn wax xisbiga UDUB looga bartay. Wax lagu heshiiyay ayaana wax ku dhammaan karaan,”ayuu yidi Daahir Rayaale Kaahin oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Guddoomiyaha UDUB waxa uu sheegay inaanay suurto gal ahayn in xisbigooda la iibiyo, waxaanu yidhi “Qofku aha inuu xisbiga lacag siisto oo uu iibiyo, waxaan qabaa in wada hadal laga yeesho oo heshiis laga gaadho, ninka la magacaabay iyo ninka laga tagay midna macno iima samaynayo, waxa macno ii samaynaya go’aanka xisbiga UDUB ka soo baxay ma yahay mid heshiis lagu yahay.”

Daahir Rayaale waxa uu sheegay in Jamaal Cali Xuseen aanu hore uga tirsanayn xisbigiisa hase yeeshee uu yahay muwaadin xiligan ku soo biiray.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu dhawaan dalka iman doona isla markaana la dooran doono murashaxa xisbiga UDUB doorashada Goleyaasha deegaanka ka dib

dhageeyso riix halkan

War-saxaafadeed Ay Wada Jir U Soo Saareen Xisbiga UDUB IYO Xisbiga UCID
Date: September 19, 2011

Ujeedo: Qoraal Wadajir ah

Shir aanu isugu nimi labada Xisbi Qaran ee UCID iyo UDUB, kaas oo aanu ku falanqaynay doorashooyinka inagu soo fool-ka leh iyo Diiwaan-gelintii la khasaariyey oo loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka soo socda, Waxaanu isla isla qaadanay arrimahan soo socda:

Waxay labada Xisbi Qaran caddeynayaan in diiwaangelinta hadda taalaa oo aynu ku soo galnay doorashadii Madaxtooyada ee u dambeysay ay ahayd diiwaan-gelin caddaalada ka fog oo si weyn loo musuqay, balse aanu u aqbalnay murankii ka dhashay doorashooyinkii muddo dhaafay, oo ay sababta ugu wayn lahayd Diiwaangelintu, iyo annagoo u tanaasulay maslaxadda dadka iyo dalka Somaliland. Iyadoo ay shacab badan oo reer Somaliland ahina ay si wayn u filayeen Is-beddel maamul oo dhacaa inuu nololshooda wax weyn ka baddeli doono.

Waxay labada Xisbi Qaran Shacabka reer Somaliland Xusuusinayaan in ay jiraan goobo badan oo Bariga Somaliland ah oo aan laga qaban wax Diiwaan-gelin ah, qaarkoodna laba casho oo kaliya laga qabtay, Waxa kale oo dhacday in dad boqolaal kun gaadhaya aan laga hayn wax Suul ah iyo in aanu helnay dad badan oo si xad dhaaf ah ugu noqnoqday oo qaarkood afartooda magac uga yaraan shan jeer isku mid yihiin, waxa kaadhadka qaarkood lagu sameeyey sawiro dad dalka dibada kaga maqani soo dirteen. Waxa kaloo Kaadhkii codbixiyeyaasha qaatay dad badan oo aan u dhalan Somaliland.

Waxa ashkaas gaar ah ku urursan kaadhad codbixiye oo boqolaal kun gaadhaya kuwaas oo laga iibsaday dhalinyaradii qaadatay.

Waxa Hay’addii Diiwaangelinta gacanta ku haysay ee Interpeace caddaysay in liiska data-da ay gunaanadkii soo saareen uu qabyo ahaa, waxa kale oo si cad warbixin 7 Page ah ka soo saartay Hay’addii Eris ee loo xilsaaray inay dib u kala hufto Data-dan, warbixintaas oo ay ku caddeeyeen in qalabka Diiwaangelinta loo isticmaalay uu aad u liitay, in ay dhacday ku celcelin ka badan 30% , gunaanadkiina ay ku sheegeen inaan dib loo isticmaali karin Data-da Diiwaan-gelinta (war-bixintaa oo aanu halkan ku soo lifaaqi doono). Waxa Iyaguna ku raacay oo war bixin taa la mid ah ka bixiyey khubaradii Maraykanka ahaa ee ka tirsanaa Hay’adda madaxa bannaan ee Creative associate oo iyaguna si madax bannaan loogu diray inay u baadhan qaab loo sixi karo Data-daa.

Wakhtiga Diiwaan-gelintan la qabtay waxa ka soo wareegay muddo ku dhaw afar Sannadood, taasoo sharciyanna ay tahay in muddada diiwaangelinta iyo codbixinta u dhaxaysaa aanay ka badan lix bilood.

Waxa Muddadii Diiwaan-gelinta ka dambeysay Qaan-gaadhay oo xaqii codaynta luminaya ilaa Afar da’ood oo muwaadiniin ah.

Waxa labada Xisbi Qaran aaminsanyihiin in Diiwaan-gelintaa dhimatay oo doorasho lagu galaa nabadgelyada iyo xasiloonida wax weyn u dhimi karto, taasoo maanta la filayo oo gogosha loo dhigay inay Ururo cusubina Siyaasadda ku soo biiraan, kuwaasoo u baahan inay helaan doorasho si Xaq iyo Xalaal ah loogu kala calaf qaado, Urur iyo Xisbi walbana laga rabo inuu keensado 370 Musharax oo uga qayb-gala Doorashada G/Degaanka. Arrintan oo aad uga duwan tii Madaxtooyada oo 6 qof oo keliya ama 3 Xisbi ku tartamayeen taasoo sida la isugu tanaasulaana ay ka fududayd sidii doorashadeenii u dambaysayba dhacday.

Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo UDUB waxay aaminsan-yihiin in doorashada G/Degaanka oo wakhtiga loo asteeyey ka dib dhicin lagu qaban karo Diiwaan-gelin xalaal ah Muddo aan ka badneyn Lix bilood iyadoo loo marayo Dawladaha Hoose iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, qof walbana si fudud loo sugi karo muwaadinimadiisa, sidaasna ku heli karo kaadhka Jinsiyadda taasoo aasaas u ah Xaqiijinta iyo xaqa muwaadinka codeynaya. Arrintaso Data-deenana xafidi karta

Arrimahaas kor ku faahfaahsan darteed waxay labada Xisbi Qaran go’aan-sadeen inaanay marnaba doorasho ku geli doonin Diiwaan-gelin aan sax ahayn oo qof waliba sida xaqa ah wax hal kaadh ka badan aanu ku codayn karin (One Man One Vote).

Waxa kale oo Labada Xisbi Qaran caddeynayaan, cid walbana u muuqata in Xukuumaddani Muddadii ay xilka haysay ay meesha ka saartay wada tashigii Asxaabta Qaranka, wufuudii imanaysayna iska hortaagtay inay Xisbiyadu la kulmaan, taasoo mugdi weyn gelisay siyaasadii dalka iyo dadaalkii Ictriraaf raadinta oo meel la iska dhigay.

Waxay Labadan Xisbi Qaran uga digayaan Xukuumadda, Komishanka Doorashooyinka iyo deeq-bixiyayaasha Caalamka ee danaynaya Dimoqraadiyada ka hirgeyshay Somaliland in aan Diiwaan-gelintaa hore ee la xaqiijiyey inay khasaartay aan marnaba lagu geli karin doorasho, taasoo wax weyn u dhimi karta nabadgelyada iyo geeddi-socodka dimoqraadiyadda ka hirgashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu kaloo soo jeedinaynaa in talo qaran laga yeesho sidii loo heli lahaa doorasho xaq iyo xalaal inoogu qabsoonta waqtigeedana ka dib dhicin annagoo wax walba ka horreysiinayna danta iyo masiirka ummadda.

Allaa Mahad Leh

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UDUB

Ahmed Yusuf Yassin

Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Faysal Ali Hussein

Ambassador Dr. Sacad Sheekh Cismaan Oo Ka Hadlay Aragtida Meles Zenawi Ee Aqoonsiga Somaliland iyo Siyaasadda arimaha Dibadda Ee Somaliland Kuna Tilmaamay Mid La Badhxay
Hargeysa(UDUB) Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Somaliland Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay sida uu u arko aragtida uu Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi u bandhigay Maraykanka ee ah in Somaliland la siiyo aqoonsi hoosaad u dhigma midka maamulka Falastiiniyiinta.

Ambassador Sacad, oo muddo dheer degenaa dalka Maraykanka, wuxuu sheegay in aragtidaasi ka soo unkantay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo markii u horaysay dawladda Maraykanka u bandhigay, waxaanu sheegay in Madaxweynihii ka dambeeyay Md. Daahir Rayaale Kaahin, uu isna sii ambo qaaday oo uu dawlada Maraykanka kala hadlay, waxaanu Dr. Sacad xusay in dawladda Maraykanku u riyaaqday qorshahaas oo uu ku tilmaamay mid keeni kara aqoonsi rasmi ah oo ay Somaliland hesho. Ambassador Sacad oo isagoo Hargeysa jooga shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku waajahan siyaasadda dibadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay in siyaasadii dibadda la badhxay tan iyo intii ay xukuumadda xilligani talada qabatay, isagoo xusay in dad badani tilmaamayaan in dib looga joogsaday siyaasadii Somaliland ee salka ku haysay aqoonsi raadiska. Waraysigaas oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:

Dr. Sacad, dhawaan wuxuu warsidaha Wikileaks soo bandhigay aragti uu Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi u bandhigay Maraykanka oo ah in aqoonsi hoosaad la mid ah nooca maamulka Falastiin la siiyo Somaliland. Arrintaas oo uu mar soo hadal qaaday Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal adiguna aad xogogaal u tahay, maxaad kala socotaa sidee ayaadse u aragtaa?

Horta aad iyo aad ayaad u mahadsantahay  waanan ku farxsanahay in aan maanta halkan isugu nimid, arintan imika aad ii sheegtay ee aad i waydiisayna arin aan anigu aad iyo aad ugu war hayo weeye. Arintan maamul hoosaadka oo aan anagu ku sheegi jirnay una bixinay magaca la yidhaahdo [Interim Special Status (ISS)],  waa arin socotay ilaa iyo 1999kiii ilaa 1998-kii runtii, arin ka soo bilaabmatay fikir markaas dawladii marxuumkii madaxwayne Maxamed X. Ibrahim Cigaal uu ka ahaa madaxwaynaha ay rog rogtay  iyada oo marka laga soo bilaabo 1991-kii ilaa 1998-kii in badan  aynu dareensanayn aqoonsigii in uu inaga maqan yahay oo dunidiina ay ina fahmi wayday, ayaa waxa ay keentay arinta markii la rogrogay in la yidhaahdo waar bal wax horta ka waabsan aqoonsi dhan haddii aynu doono oo aynu nidhaahno bal ninkii ka yara shaacayoow saaka in aad aqoonsi dhan nasiiso mid ka waabsan laakiin noo ogalaada, in aan noolaano, oo aanu dunida xidhiidh dhaqaale la yeelano, oo aan tusaale ahaan hayadda Boosaha ee caalamka  xubin ka noqono, in aan ka noqono xubin guudka kala socota Baanka adduunka, in baankayagu uu samayn karo xidhiidh uu dunida la yeesho oo baananka adduunka iyo baankeena wada shaqayni dhex marto, In aynu soo saarno baasaboor ama Dhukumenti dadkeena aynu siino oo ay dawladaha saaxiibka inala ahi ay u ogalaadaan baasaboor ahaan inay u isticmaalaan.

Markaas arintii markii la rog rogay Md. Maxamed X. Ibraahin Cigaal markii uu noogu yimid Maraykan sannadkii 1999,  ayaa arintii loo soo bandhigay dawlada Maraykanka markaa ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadu waxa uu ahaa gabadh la odhan jiray Susan Rice, imikana ah safiirada Maraykanka Qaramada Midoobay u joogta, arintii markii la rogrogay doodii waxay noqotay, markii aanu nidhi dee meeshii xagii dhaqaalahana dhibaataa na haysata, waxay noo haysataana waa maqnaashiyaha aqoonsi-ga, xagii diblomaasiyada dhibaataa na haysata, xaggii safarka ee  ganacsigayaga iyo anaga dadkayagii ganacsiga gaarka ah lahaa ee ku najaxay inay diyaardo sameeyaan ee ku najaxay inay isgaadhsiin sameeyaan aan Afrikaba ku oolin, haddana maanta dadkii waxan waday safri kari maayaan oo basaboor laaan ayay u safri kari layihiin markaas tasilaadkaas oo dhan inaad noo fududaysaan ayaan doonaynaa oo aad aad nala eegtaan. Dabadeed labaan u qaybinay oo ah xaggii dhaqaalaha iyo xagii diblomaasiyada, arintii waanu soo hordhignay oo waxaan nidhi annagu waxaanu aragna nidaamka caynkaas ah,  maanta idin waydiisan kari mayno aqoonsi dhaba ee mid ka waabsan oo aanu anagu u bixinay  ISS inaan naga aqbashaan ayaanu doonaynaa, waxba kama qabno ayay na-yidhaahdeen, kala kaxeeya dhinacii sida wakhtigan xaadirkaa xaggii dhaqaalahana dhinaciinii u mara, xaggii diblomasiyada iyo aqoonsi doonkana dhinaceedii u mara labadu way isu iman doonaan akhirka oo waxay keeni doonaan aqoonsi, waayo haddii la idin siiyo kan ad noo sheegteen waxba  duwana aqoonsiye sare ayuun baa loo qaadi doonaa darajo qudha, wax kale oo hadhay ma jiraan arintu sidaas ayay ku timid.

Markaa arintan aad imika  leedahay Wikileaks ayaa ka hadlay aniga maaha arin igu cusub, laakiin waxa igu cusub oo aanan ogayn Meles Zenawi oo intaas oo dhan aanu kala hadlaynay arinta oo intaaba lahaa waanu idinku waafaqsanahay inuu isagii dawladii Maraykanka Ambassador Philip Carter u bandhigay. Diblomaasign Mr. Carter, wuxuu ahaa kaaliyaha wasiirka Afrika, markaas uu Meles Zenawi la kulmayna wuxuu ahaa ninka labaad ee siyaasadda Afrika mishiinka u ah, kaaliyaha wasiirku waa nin diblomaasi ah oo dunida ayuu maraa oo khudbado ayuu akhriyaa, laakiin ragga meesha fadhiya ee siyaasadda wadaa waa Mr. Carter iyo laba nin oo ka hooseeya iyo agaasime goboleedyada. Si fiican ayaan u aqaanaa, waana nin hal adag oo waxaan bartay isagoo agaasime ku-xigeen ka ah xafiiska arrimaha bariga Afrika ee Maraykanka, ilaa maantana saaxiibtinimo ayaa naga dhaxaysa, imikana wuxuu ahaa laf dhabarta raggii meesha ka saaray Madaxweynihii Ivor Coast Mr. Lauren Bagbo.

Markaa waa dhab ayaan arintaas u malaynayaa ee waxaan bogaadin cad ku siinayaa Raysalwasaare Meles Zenawi, maxaa yeelay aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan midhkaa arkay oo raggii ka shaqaynayay aan ka mid ahaa oo aan anigu ceelka guntiisa ugu jiray, haddii uu ku yidhi ninkaas oo Somaliland arinteeda aad u jeclaa in loo horumariyo horta waa mid wanaagsan. Arintu mid sidaas ku dhammaaty maaha ilaa maalintii ugu danbaysay ee maamulka xisbiga uu hayay ee Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin waftigii ugu danbeeyay ee tagay 2010 Maraykanka, doorashooyinka hortiisii ee sadexda goleba ka socday  Guurtida,Wakiilada iyo Xukumaadaba arintaas arrin aanu si gaara haddana uga hadalnay bay hayd.

Waxa kale oo an ka hadalnay waxaan la yidhaahdo hab maamuuska Jabuuti ee bulshada dunidu ay had iyo jeer ku xukunto wixii la odhan jiray Somaliya ee leh Somaliya mid nimadeeda hala ilaaliyo. ee una arka Somaliland inay wali Somaliyadaa kamid tahay oo ay xayndaabkaa ku jirto aad baan uga hadalnay oo waxaan nidhi, gar-soor maaha  ee waa in nala gar-sooraa bal horta hab maamuuskii markii ugu horaysay dib haloo furo oo waxii Somalilnd khuseeya halaga wada hadlo, si uu noogu saamaxo tan aan kuu sheegayo ee ISS-tan iyo wixii kale ee lamida.Markaas arintaas sidaas ayay ku timid waa warin in badan socotay haddii uu kala hadlayna ( Meles ) waa mid aanan anigu la yaabayn.

Sacad xukumaada cusub ee madaxwayne  Axmed Siilaanyo siyaasadeeda arimaha dibada way ka duwantahay tii xukumaadii hore, inkasta oo ay markii horaba sheegeen inay badalayaan, hadana  dad badan waxay filayeen in badalkaas uu noqonayo mid tii hore ka wanaagsan, lakiin dad baa arka in badalkii noqday in maamulo la hoos fadhiisto, ka diblamaasi ahaan sideebaad u aragtaa siyaasada dibada ee xukumaada madaxweyne  Axmed Siilanyo?

Horta waxaan kuu sheegayaa umad walba siyaasadeeda dibadu waxay ka turjuntaa danaheeda lagama maar-maar maanka ah, taas oo nabagalyadeeda, badbaadadeeda iyo horumarkeeda ku salaysan, teenuna kama duwana taas.

Markaa siyaasadaa dibada dee ninkii mindida daabka haya ayuun baa haga siduu doonaya ee fikirkiisu yahayna sawirkeeda u yeela ama midabkeeda u yeela, siyaasada dibada ee Somaliland si ay isu bedeli  kartaa ma jirto, waa siyaasad intaas aan kuu sheegay ku salaysan oo waliba uu u dul socdo aqoonsi doon, ninka  yidhaahda waan badalayaa suaal ayaa la waydiinayaa dhinacee baad ka bedalaysaa ma aqoonsi doonkii ayaad ka joogaysaa, haa ama maya, ma badbaadadii ayaad ka joogaysaa haa ama maya, sidaasad u raacaysaa.

Markaa waxa weeyaan uun eegmada la eegayo siyaasadu dibadu waa inay ku salaysnaataa waxyaabaha  xaqaaiqa ah ee miidaanka yaala. Waxaad moodaa nasiib daro ilaa maalintii maamulkani yimid in siyaasadii dibada la badhxay, oo siday ahayd, hadda waa siday u muuqato waa laga yaabaa ragga gacanta ku hayaa in aanay sidaas u arag, ma aanu qaladkoodu taa ahayn, lakiin dad weynahii xataa wuu arkoo waxay arkaan siyaasad markay aqoonsi doonkii timaado aad moodo in dib looga joogsaday, oo aad moodo tii aan iska ilaalin jirnay ee aan uga dhigi jirnay sumada gooni isu taageena oo ahayd in aynaan is dhex galin ama aynaan ku milmin Somalweyn, waxaad moodaa in aan tii la siinin ahmiyadii ay wadatay.

Shirkii London ee la tagay ee ay joogeen maamul gobaleedadu, shirar kale oo Kiiniya lagu tagay oo aad iyo aad hadal badani uga yimid, shirkan imika uu wasiirku ku tagay New York oo kaa qudhiisa dad hadal badan ka sheegaan,  anigu mana joogo warna uma hayo, lakiin dadku wixii u muuqda iyo hindaamka sare ayuu wax ku xukumaa iyo qofka socodkiisu siduu yahay. Yeelko;  xaqiiqda iyo beentu way kala baxi, tuhunka iyo run-tuna way kala bixi, laakiin waxaad moodaa guud ahaan anigoo aan doonayn in aan tafasiil galo, in uu isbedel ku dhacay oo fikir  kale oo ah dib u noqosho ama u eeg oo markaad eegto dib u noqosho uun kuula eekaanaya inay dawladani la timid.

Taasina waa mid aad iyo aad dadkii walaac u galisay, dadkuna maaha in walaac la galiyo waliba markay gooni isku taga timaado.

Xukumaadii Daahir Riyaale ee aad safiirka u ahayd inkastoo xukumadaadii ka xoraysayba aad u hayd, ma isleedahay haddii shan sano oo dambe xukunka aad sii hayn lahaydeen waxbaad keeni lahaydeen, markay timaado dhanka aqoonsiga?

Waxaan ku leeyahay runtii anigoon faanaynin ciddi kuma dhaaran karto waxaanad gacanta ku haynin, sidii arintu u socotay waxaan isleeyahay imika sannadkii labaad soow maaha intii isbedelku dhacay,  waxaan is leeyahay ugu yaraan arintaas wax baad ka gaadhi lahaydeen oo aan guul ka keeni lahayn waliba taas ISS-ta.

Haddii aynu xisbiga UDUB u soo noqono, imika mudaad Hargeysa joogtay waxaana la aaminsanyahay inaad arrinta xisbiga uun u joogtay dalka, rag badana damac ayaa ka haya madaxtinimada xisbiga, adigana waxa la leeyahay hunguri siyaasadeed oo ilaa Madaxweyne gaadhsiisan ayaa ku haya. Bal arrintaas maxaa ka jira.?

Horta erayga hunguri la yidhaahdo ma jecli anigu oo damacbaa ku jira oo waxaad moodaa qof wax boobaya, arinta UDUB  iyo dib u yagleel kiisa mid muhiima weeyaan, taasina waxay muhiim u tahay runtii jiritaanka iyo siyaasada dalka ayay muhiim u tahay,  oo xisbigii ugu waynaa asxaabta oo miidankii maanta ka maqan isaga oo waliba mucaarad ah, runtii arimahan aan ka hadlayno iyo dhaliilka aynu sheegayno ee dadwaynuhu dhaliilay siyaasada dibadda, runtii asbaabaha keenay weeyaan waayo hadday joogaan dee dhaliilkan iyo waxan iyaguna door ayay ka ciyaari lahaayeen.

Markaas xisbigii waa la yagleelayaa xisbiguna waa xisbi ay bahwayn leedahay, waa xisbiga qudha ee aan anigu isleeyahay dadka dalka oo dhan ka Boorama  ilaa Badhan ayuu matalaa. Markaas waa la yagleelayaa waanan ka shaqaynaynaa waanan abaabuli doonaa. Maalinta yagleeshaasi dhammaato  ee uu soo fadhiisto golahiisii dhexe ee la yidhaahdo yaa doonaya inay u cararaan xafiis ama damac leh maalintaa ayaan eegi doonaa xaalku siduu yahay.

Madaxweynaha, aqoon fiican ayaad isu leedihiin, intan aad Hargeysa joogtay mala kulantay si aad ugu sheegto dhaliilahan ka soo baxay siyaasadii dibadda?

Maya, runtii lamaan kulmin, waxase jirtay fikrad ah in aanu kulano, laakiin wakhtigii ayaa isdhaafay dabadeeto  ilaa hadda maanaan kulmin.

Adigoo muddo ka maqan ayaad Hargeysa timid, sidee ayay kuula muuqataa, maxaase kaa yaaiyay oo aad ku aragtay?

Runtii magaaladu way waynaatay, magaaladu way waynaatay oo waa ay faaftay, lakiin faafidu anigu sidaan u arko magaalo ma dhisto kaligeed, waxa weeye fiilo laga dhisay meel uu doox hormarayo oo aad moodo dhudhubi inay ka hor dilaacday biyana aan lahayn, laydh la odhan karo si isdaba jooga ayuu u joogana aanu jirin dhibaato weeyaan, yeelkadeed, magaaladii magaalo wayn ayay noqotay dibadiina waa laynooga yimid, ajaanibna wa iska soo buuxiyay oo dadkii jaarkeena ahaa ayaa iska soo buuxiyay. Wax iga yaabiyay runtii ma jiraan, waxyaalo aad arkayso oo ah wadooyinkii oo aad iyo aad u sii xumaaday oo aan runtii cidi dayac tirin, waliba kuwii badhtanka ahaa ee magaalada ee la marayay oo tiradoodu yartahay, haddana burburay oo aan laga shaqaynayanin, baabuurtii oo ka badatay wadooyinkii oo xad dhaafay.

Waxyabaha aan layaabo anigoo kale oo dibada ka yimid wax weeye tarafikada iyo dadku siday baabuurada u wadaan, markaad aragto babuur halkaas maraaya sida uu u soconayo iyo siduu taraafigu ugu dhex jiro waxa uu tusaale u yahay qofka wada fikirkiisa iyo inta ay gaadhsiisantahay reer magaalnimadiisu, ma badna taasi, xataa Sanca gaadhi waan ku kaxeeyay oo Riyaad waan ku kaxeeyay  maan arag tan oo kale anigu.

Hargeysa

Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Oo Goordhaweyd Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Hargeysa (udub) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayay oo muddo laba toddobaad ah booqasho  ugu maqnaa dalalka ETHIOPIA iyo Shiinaha ayaa abaaro 12-kii iyo badhkii duhurnimo ee saacada Geeska Afrikada Bari  ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Weftiga Madaxweynaha waxa  garoonka diyaaradaha ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu horkacayay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Saylici, shir-guddoonka Golaha Wakiilada, xubno wasiiro ah , xildhibaano ka tirsan labada Gole,  iyo madaxda xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Madaxweyhe Siilaanyo waxa uu warfidiyeenada u sheegay in ay dalka Shiinaha ay ka wadahadleen sidii uu maalgashi ugu samayn lahaa Somaliland, iyada oo mashaariicda horumarinta dhawaan la fulin doono. Waxaana Maxadwaynaha hadalkiisii kamid ahaa ““Waxaan kulamo qoto dheer la galnay maalgashadayaal Shiine ah oo mudddaba wadahadalno noo socdeen oo xaruntoodu tahay Honkong oo waayo aragnimo badan  u leh maalgelinta iyo fududaynta  mashaariicda waaweyn ee lagu horumariyo wadamada horumaraya, dawladoodana kalsooni ka haysta , wadahadalani waxa ay ahaayeen qaar ku salaysan  baahida Qaran ee Somaliland u qabto in ay kobciso dhaqaalaha dalka  oo maanta shacabku u baahan yahay”

War-saxafadeed Xisbiga UDUB
Ref: UDUB/XGK/F-2-1147                                    Date: 30 July 2011

WAR SAXAAFADEED

Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda Sare ee Xisbiga UDUB markii ay wax badan isla falanqeeyeen waxay isla qaateen:

In shirkii Xuska 10 guurada Xisbiga UDUB iyo Fadhigii Golaha Dhexe loo mudeeyey inuu furmo 19-ka September 2011, si cibaadada bisha Ramadan loo guto.

Waxa Xisbigu aad u falanqeeyey wacyiga maanta jira ee Ururo furista iyo Xeerka horyaala Golaha ee Xeer No. 14, arrintaas oo hore Xisbigu mawqifkiisa uga dhiibtay kuna tilmaamay Guddigii ka talo bixinta ee Madaxweynuhu u saaray inay ahayd guddi aan sharci ahayn waxa xisbigu hore u duray soo jeedintoodii taas oo aan 1700 qof ka tarjumi karin rabitaanka shacbiga Somaliland oo lagu qiyaaso tiro ka  badan 3.5 milyan waxaanay noqonaysaa tiradaa guddigu wax ku saleeyeen nisbad ah 0.05% tirada guud ee shacbiga reer Somaliland.  Waxaanu haddaba farriin u diraynaa Golayaasha Sharci dejinta inay si lexejeclo ku jirto uga fiirsadaan arrintaas maanta hortaala ee dabada laga wado, wakhti ku filan oo lagaga baaraandegona siiyaan, si aan ummaddan loogu afduubin meel aan hadhaw wax laga qaban karin.

Allaa Mahad Leh

Axmed Yussuf Yassin

K/S Guddoomiyaha UDUB