Jan 19 2010

MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL

Taariikhnololeedka Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

EEBBE NAXARIISTII JANNO HA SIIYO, QOYSKII IYO SHACBGII UU KA GEERIYOODAYNA SAMIR IYO IIMAAN ALLA HA KA SIIYO

Marxuunka, Madaxweyne Maxamed wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne 1929, wuxuuna ahaa curadkii Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xaajiyo Khadiija Muxumad Kuluc.

Maxamed wuxuu guursaday Caasha Siciid Caabi 1946, waxayna u dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Marxuunku dhowr dumar ah buu guursaday, haddase wuxuu qabay Kaltuun Xaaji Daahir. Dugsiga hoose iyo ka dhexe wuxuu ku dhigtay magaalada Sheekh. Dugsiga sarana wuxuu ku qaatay dalka Sudaan, magaalada Kharduum. Tacliinta sare wuxuu ku qaatay dalka Ingiriiska.

Kadib markii uu ka soo laabtay Ingiriiska wuxuu toos ugu biiray xarakadii siyaasiga ahayd ee gobonimodoonka ahayd ee ka socotay Maxmiyada Somaliland. 1956 ayuu xoghaye ka noqday xisbigii SNL laanta Berbera. Kadibna waxa loo doortay xoghayaha guud ee xisbiga SNL, jagadaasna wuxuu hayey 1958 -1960.

Kolkii xurriyadda ay qaadatay Somaliland 26-kii Juun ayuu Maxamed ka noqday Ra’iisalwasaarihii u horreeyey dalka Somaliland, afar cisho kadibna shacbiga reer Somlailand waxay u hureen xurriyadaa ku joogtay naf iyo maalba isutagga shanta somaliyeed, Md. Maxamedna sidaas buu ku wareejiyey mansabkii ku qaaliga ahaa isaga oo maamuusaya go’aanka dadkiisa, sidaas bayna ku unkantay dawladii la odhan jiray Somaliya. Reer Somaliland iyo Maxamedba may helin abaalkoodii, waxana laga dhigay wasiirka difaaca, jagadaas oo uu hayey 1960-1962. Kadibna waxa laga dhigay wasiirka tacliinta 1962-1963. Marxuunku kolkii uu ka aayawaayey ayuu iska dhiibay jagadii wasiirnimada, isuna diyaariyey in uu mucaarid noqdo.

1963 ayaa niman uu ka mid ahaa aasaaseen xisbigii mucaaridka ahaa ee SNC. 1964 ayaa mar labaad loo soo doortay baarlamanka, wuxuu noqday hoggaamiyaha garabka mucaaradka tan iyo 1963-1965. Kadibna wuu iska casilay jagadii mucaaradnimada ahayd oo wuxuu ku biiray xisbigii dalka xukumayey ee SYL 1966. Kol su’aal laga weydiiyey marxuunka wuxuu ugu biiray xisbiga mucaaridka ah wuxuu ku ku jawaabay, “Abeeso haddii aad dili kari weydo godkeedaa loogu galaa.” Muddo aad u kooban gudaheed buu ku guuleystay marxuunku in uu maamulka sare ee xisbiga ka qaybqaato, 1967 madaxweyne Cabdirashiid ayaa u doortay ra’iisalwasaare. Jagadaas oo uu hayey ilaa intii doorashadii 1969-kii laga gaadhayey. Md. Cigaal si weyn buu ugu guuleystay in uu soo saaro baarlaman hal diidan lahayn laga soo bilaabo Saylac ilaa Kismaayo. Mar labaad baa loo dhaariyey jagada ra’iisalwasaaranimada 1969, taas oo uu hayey muddo aad u gaaban, kolkii afgambi milatari uu ku qabsaday dalka dikta’atoorkii Maxamed Siyaad, 21 Oktoobar 1969.

Siyaad Barre markiiba xabsiga ayuu ku riday Marxuun Maxamed oo uu ciil qabiil iyo mid qudheedba u qabay. Wuxuuna xabsiga ku jiray tan iyo Oktoobar 1975-kii. Juulay 1976 ayuu Siyaad Barre u magacaabay Danjire Soomaalida u fadhiya dalka Hindiya, kumase raagin ee Oktoobar isla sannaadkaasba Siyaad Barre uu ka qaaday jagadii. Inkasta oo loo degay Maxamed oo lagu yidhi uu ku xidhiyaa haddii aad soo noqoto, dheg uma jalaqsiin wuxuuna yidhi, “Dalka uga tagi maayo, wax kasta oo dhacaya.” Sidaas buu ku laabtay geesigu isag oo u badheedhaya xabsi iyo dhibba. Sidaas baan lagu xidhay Md. Maxamed oo uu qul keligii ku jiray lix sannadood. Waa arrin aad u adag in qof Aadan ku abtirsadaa ka soo doogi karo jidhdilkaas oo kale. Wuxuuna ku jiray halkaas tan iyo Feeberwari 1982-dii. Kadib markii la sii daayey waxa loo dhiibay Rugta Ganacsiga oo uu hayey muddo aad u gaaban.

Bishii May 1993 ayaa magaalada Boorama loogu doortay madaxweynaha Jamhuuriyada Somalailand. Wuxuuna hayey jagadaa tan iyo maalintii uu geeriyooday, 3 May 2002. Marxalado badan oo adag buu ka soo gudbiyey Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuun soo gaadhsiiyey in uu afti qaado ay ku taageerayaan gooni isutaagooda kuna ansixnyaan dastuurkooda.

Maxamed wuxuu ahaa nin han weyn oo u hawlgala wuxuu damco, kolka uu gaadhana hanan kara. Marxuunku wuxuu ahaa nin deeq badan uu maalkiisa u hora danta qaranka. Wuxuu ahaa geesi aan cabsida aqoon una dirara wuxuu rumeysan yahay. Alla ha u naxariistii wuxuu ahaa nin sabir leh uu dhibka dulqaad u leh. Shacbiga reer Somalilandna waxa geeriyooday halyey ay ku hiran jireen kolka ay arrintu ribbato.

abdisamad tarabi

Leave a Reply