Jan 18 2010

DASTUURKA JAMHUURIYADA SOMALILAND

D A S T U U R K A

 JAMHUURIYADA  SOMALILAND

QAYBTA KOWAAD

 
TILMAANTA QARANKA, MABAADI’DA GUUD IYO
XORRIYAADKA ASAASIGA AH
XUBINTA 1AAD

                                                          TILMAANTA GUUD

QODOBKA 1AAD

QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1.       Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii Julaay l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaan “Jamhuuriyadda Somaliland”.

2.       Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

QODOBKA 2AAD

DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1.       Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45′ ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).

2.       Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.

3.       Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

QODOBKA 3AAD

MAGALO-MADAXDA

Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa.

QODOBKA 4AAD

JINSIYADDA

1.       Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin

2.       Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somaliland.

QODOBKA 5AAD

DIINTA

1.       Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.

2.       Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

3.       Dawladdu waxay oogaysaa shacaa’irta diimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada.

4.      Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah.

QODOBKA 6AAD

AFKA

1.       Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka labaadna waa Af- Carabiga.

2.       Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo. 

QODOBKA 7AAD

CALANKA, ASTAANTA & HEESTA QARANKA

1.       Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle’eg oo ballaadh u goglan.  Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.

2.       Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan.  Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.

3.       Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.

4.       Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go’aan Golaha Wakiilada.

XUB1NTA 2AAD

MABAADI’DA GUUD

QODOBKA 8AAD

SINNAANTA MUWAADINIINTA

1.       Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqadda, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

2.       Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.

3.       Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad Ia siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.

QODOBKA 9AAD

NIDAAMKA SIYAASADEED

1.       Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag,  dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan. 

2.       Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.

3.       lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.

QODOBKA 10AAD

XIDHIIDHKA DIBEDDA

1.       Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore la odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand.

2.       Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.

3.       Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi’ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.

4.       Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka kale.

5.       Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho.

6.       Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah Ummadda Carbeed, Shucuubta Afrika iyo Caalamka lslaamka; sidaas daraadeed, waxay ku dadaalaysaa siday ugu   biiri lahayd Jimciyadda Qaramada Midoobay, Ururka Midnimadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dawladaha lslaamka.

7.       Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxis-nimada iwm,  ujeeddo kasta ha lahaadeene. 

QODOBKA 11AAD

DHAQAALAHA DALKA 

1.       Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.

2.       lyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.

3.       Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu  nidaaminayaa. 

QODOBK 12AAD

HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH

1.       Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas’uuliyadiisana Dawladdaa leh.

2.       Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo  muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.

3.       Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti­guurto ama      ma-guurto ah, inay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku beddelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

4.       Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo xeer ayaa qeexaya.

5.       Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa’iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.

6.       Dawladdu waxay dhiiri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah.

7.       Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah. 

QODOBKA 13AAD

BAANANKA  

        Dawladdu waxay yeelanaysaa Baan dhexe oo hoggaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta Dalka. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan­ ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed.

QODOBKA 14AAD

CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA

1.       Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo.

2.       Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya.

3.       Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.

QODOBKA 15AAD

WAXBARASHADA, DHALLINYARADA IYO ISBOORTIGA

1.       Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyad oo u aragta inay waxbarashadu tahay maal­gelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

2.       Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.

3.       Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur’aanku waa waajib saaran Dawladda.

4.       Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka warbarashada.

5.       Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah; waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada asaasiga ah.

6.       Cidhibtirka akhris-qoris la’aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood Ia isugu geeyo fulinta waajibkaas.

7.       Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la’aan.

8.       Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa horumarinta iyo dhiirigellinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.

QODOBKA 16AAD

HORUMARINTA CILMIGA, SUUGAANTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA

1.       Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiiri­gelinaysaa hal-abuurka iyo cilmibaadhista.

2.       Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya.

3.       Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada iyada oo isla markaa laga faa’iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo Ia dhawrayo aadaabta Islaamka.

4.      Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada, waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka bulshada. Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin.

QODOBKA 17AAD

CAFIMAADKA

1.       Dawladdu iyad oo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag la’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud.

2.       Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.

QODOBKA 18AAD

DEEGAANKA IYO WAX-KA­-QABASHADA MFOOYINKA

1.       Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka deegaanka oo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka. Sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa qeexaya.

2.       Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal.

QODOBKA 19AAD

DARYEELKA QAYBAHA BULSHADA BAYLAHSAN

Dawladdu waxay xil iska saaraysaa caafimaadka, daryeelka, xannaanada iyo waxbarashada hooyada, dhallaanka, naafada cid xannaanaysa aan lahayn iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaalaqaadda.

QODOBKA 20AAD

SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA IYO BADBADINTA SHAQAALAHA

1.      Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.

2.       Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada.

3.       Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan la geli karaan loo shaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo la isku khasbo.

4.       Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa.

5.       Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u Ieeyihiin gunnada hawlgabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

6.       Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay’adaha ku shaqada leh.

XUBINTA 3AAD

XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA

AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA

QODOBKA 21AAD

HIRGELINTA IYO FASIRAADDA  

1.       Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.

2.       Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka  aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.

QODOBKA 22AAD

XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO IYO XAQA DOORASHADA

1.       Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.

2.       Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto. 

QODOBKA 23AAD

XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA IYO IS-ABAABULKA

1.       Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

2.       Arrimaha ku xusan faqradda 1-aad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.

3.       Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.

4.       Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.

QODOBKA 24AAD

XAQA NOLOSHA, NABAD-GELINTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA

1.       Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2.       Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad-geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

3.       Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

4.       Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.

QODOBKA 25AAD

XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA

1.       Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2.       Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

4.       Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.

QODOBKA 2 6AAD

CIQAAB IYO DEMBI

1.       Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta   loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

2.      Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.

3.      Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.

QODOBKA 27AAD

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

1.      Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale ee uu codsado.

2.       Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.

3.      Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka­soo qaad ma laha.

4.       Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.

5.      Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.

6.      Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in go’aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato       maxkamadda ka sarraysa.

7.      Marka qof  la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u  leeyahay in la  ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.

8.      Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad  baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.

9.      Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1-aad ilaa 7-aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya. 

QODOBKA 28AAD

XAQA DACWADDA & ISDIFAACA

1.       Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda          awoodda u leh.

2.       Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.

3.       Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa in uu bixiyo difaac lacag la’aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda.

QODOBKA 29AAD

XURMAYNTA HOYGA

Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

QODOBKA 3OAAD

XORRIYADDA ISGAADHSIINTA

Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku banneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amargarsoore oo sababaysan.

QODOBKA 31AAD

XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AHAANEED  

1.      Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in  uu ku helo waddo xalaal ah.

2.       Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud       awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah. 

3.       Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.  

QODOBKA 32AAD

XORRIYADDA BANNAANBAXA, RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE

1.       Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal,       suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

2.       Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaanbax   nabadeed oo xeerka waafaqsan.

3.       Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi-          dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta     oo lagu cabudhinayo; hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.

QODOBKA 33AAD

XORRIYADDA CAQIIDADA  

1.       Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo in uu qaato tu kale. Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.

2.       Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda dun iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah.

QODOBKA 34AAD

WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA

1.       Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka             Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.

2.       Qof kasta waxa ku waajib ah in uu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

3.       Qof kasta waxa ku waajib ah in uu si hagarla’aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.

4.       Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.

5.       Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan faqradda l-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

QODOBKA 35AAD

ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA DEMBIILAYAASHA IYO MAGANGELINTA SIYAASADEED

1.       Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa la siin karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magangelinta.

2.       Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.

3.       Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa.

QODOBKA 36AAD

XUQUUQDA HAWEENKA

1.       Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku ragga way ula siman   yihiin, wixii Shareecadda Islaamka midkood u gaar yeeshay mooyaane.

2.       Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeerna ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda   iyo damiirkooda.

3.       Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kor­meeraan, adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecadda waafaqsan.

4.       Si sare loogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka qoyska,     haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarshada dadka waaweyn. 

QAYBTA LABAAD

QAAB-DHISMEEDKA QARANKA

QODOBKA 37AAD

AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA

1.       Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo     Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku   cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

2.       Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer­dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu     Dastuurku dhigayo.  Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan     tahay.

XUBINTA 1AAD

WADA XEER-DEJINTA

QODOBKA 38AAD

BAARLAMAANKA IYO FADHIYADA WADA JIRKA AH

1.       Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Xilka xeer-dejintu uma       wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.

2.       Mashruuc-sharci Baarlamaanku oggolaadeen wuxuu xeer dhaqan gal ah noqonayaa marka uu  Madaxweynuhu u soo saaro hab waafaqsan Dastuurka.

3.       Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynaanaysaa Dastuurka iyo xeer­hoosaadyadiisa.

4.       Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo socda:­

b-   Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda.

t-    In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay U baahan tahay dawlad Islaam ah.

j-    Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabba­galka cadaaladda oo saldhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu­kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland.

5.       Labada Gole ee Baarlamanku waxay yeelanayaan fadhiyo ay wadaagaan iyo kuwo gaar          kala ah.        

6.       Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid      yihiin:­

b-   Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole,

t-    Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami.

j-    Go’aaminta iyo ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland la soo gudboonaado dagaal.

x-.   Doodaha ku saabsan aafooyinka dabiiciga ah;

kh- Doodaha la xidhiidha xeerarka degdegga ah;

d-   Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

r-     Arrimaha kale ee 2-da Gole la habboonaata in ay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan.

GOLAHA WAKIILADA

QODOBKA 39AAD

TILMAANTA GUUD EE GOLAHA

Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha; waana Qaybta l-aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka. 

QODOBKA 40AAD

TIRADA GOLAHA IYO DOORASHADIISA

Golaha Wakiilada waxa uu ka kooban yahay 82 xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah.

QODOBKA 41AAD

SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA DOORASHAD

         Qofka  isu-taagaya  xubinimadda Golaha Wakiilada waa in uu yeesho shuruudaha soo socda:­

1.       ln uu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.

2.      In uu Muwaadin yahay, da’diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}.

3.      ln uu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.

4.      ln uu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.

5.       ln aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamad horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay.

6.       In uu yahay xilkas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.

7.       Uma bannaana qof shaqaale Dawladdeed ah in uu isu taago doorasho haddaanu muddada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana ay waajib tahay.

QODOBKA 42AAD

MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA 

1.       Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda     Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.

2.       Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka         muddada Golaha hore.

3.       Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore     ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub.     Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhulgariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha  Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.

QODOBKA 43AAD

XARUNTA GOLAHA WAKIILADA

Xarunta Golaha Wakiiladu waa Magaalo-madaxda.

QODOBKA 44AAD

ISUGU YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB  

1.      Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo  ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda.

2.       Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45aad (Shan  iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorasho.

3.       Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa  waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.

QODOBKA 45AAD

FADHIYADA GOLAHA WAKIILADA

1.       Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhanna way noqon karaan; xeer hoosaad baana nidaaminaya.

2.       Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani,    marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda la baahiyay.

3.       Go’aamada Golaha waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha Dastuurku ama Xeer­hoosaadka Goluhu uu u jideeyo aqlabiyad kale.

4.       Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa hal dheeri (aqlabiyad fudud); waxaana dib loo dhigi     karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood.

5.       Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada waxa ku waajib ah in ay ka qayb galaan fadhiyada Golaha  Wakiilada iyo Guddiyadiisa haddii qoraal lagaga codsado sidaa; waxaanay xaq u leeyihiin in ay  ka qayb qaataan doodda; hase yeeshee xaq uma laha codayn. Sidoo kale Madaxweynaha     waxaa u bannaan in uu u wakiisho Ku-xigeenka Madaxweynaha ama Wasiir kasta ka qayb-galka fadhiyada Golaha Wakiilada

QODOBKA 46AAD

KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA

GOLAHA WAKIILADA

1.      Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (Saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya muddo 28 (siddeed iyo labaatan) toddobaad ah. Labadii kal-fadhi waxaa u dhaxaynaya ugu yaraan 4 (afar) toddobaad, ugu badnaana 8(siddeed) toddobaad.

2.     Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada waxa uu ku qabsoomi karaa: Kal-fadhigiisa

b) Codsi ka yimid Madaxweynaha;

t)  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha.

j)  1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo qoraal ku codsada.

3.       Kal-fadhigiisa ugu horreeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeer­hoosaadkiisa;             waxaanu ku dhisanayaa guddi-hoosaadyo inta uu u baahdo.

4.       Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horeeya sannad                 walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda, dhaqaalaha,           xaaladda  lacageed & xaaladda nabadgelyada.

QODOBKA 47AAD

MUSHAHARKA IYO GUNNADA

GOLAHA WAKIILADA

Xubnaha Golaha Wakiiladu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo. 

QODOBKA 48AAD

REEBBANAATA QABASHADA XIL KALE IYO UGA FAA’IIDEYSIGA XILKA DANO GAAR AH

Xubinta Golaha Wakiilada uma bannaana in ay qabato xil kale oo Dawladeed, iyada oo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana in ay uga faa’iideysato xilkaasi dano gaar ahaaned.

QODOBKA 49AAD

DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA WAKIILADA

1.       Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibtay.

2.       Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda l-aad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

3.       Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyada oo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.

4.       Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii lagu qabto isaga oo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si degdeg ah loo ogeysiiyo.

5.       Golaha waxa ku waajib ah in uu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

6.       Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.

7.       Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada iyada oo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn.

QODOBKA 50AAD

WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA

Xubinimada Golaha Wakiilda waxa la waayi karaa haddii:­

1.       Xubintu geeriyooto ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada xilkeeda;

2.       Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka oggolaado;

3.       Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo xilkiisa;

4.       Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday;

5.       Uu ka maqnaado Golaha 20 (labaatan) fadhi oo isku xiga idan la’aan.

QODOBKA 51AAD

BUUXINTA JAGADA GOLAHA WAKIILADA

Haddii ay bannaanaato jagada xubin ka mid ah Golaha Wakiilada ka hor lixda bilood ee ugu dambaysa muddada xilka Golaha, waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka, iyada oo xubinta cusubi ay dhammaystirayso muddada xilka Golaha ka hadhay.

QODOBKA 52AAD

SHAQAALAHA GOLAHA WAKIILADA

1.       Golaha Wakiiladu wuxuu yeelanayaa Xoghayn uu madax ka yahay Xoghaye Guud oo aan ka tirsanayn Golaha Wakiilada; kana kaalmaynaya Shir-guddoonka Golaha hawlaha xafiiska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, wuxuuna yeelanayaa Kuxigeen. 

2.       Golaha Wakiiladu wuxuu  yeelanayaa  lataliyeyaal  sida  Lataliye-sharci, dhaqaale, siyaasadeed iwm oo lagu xusho khibrad iyo aqoon ay u leeyihiin hawlohooda.

3.       Shaqaalaha kale ee Xoghaynta waxa shaqo gelinaya Xoghayaha Guud marka uu ka helo ogolaansho Shir-guddoonka. Xoghayaha Guud, Kuxigeenka, La­taliyayaasha iyo shaqaalaha kale magacaabistooda, xil ka qaadistooda, gunnadooda,iyo xuquuqdooda, waxa lagu caddaynayaa xeer-hoosaadka Golaha.

QODOBKA 53AAD

AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA

1.       Waxa waajib ah in uu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyada oo la raacayo Dastuurka.

2.       Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka­sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

3.       Golaha Wakiiladu wuxuu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo­saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

4.       Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin  iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hoggaaminta.

5.       Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun degdeg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakiillada & Golaha Guuritda) oggolaansho.

6.       Golaha Wakiiladu wuxuu awood u leeyahay in uu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.

7.       Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.

QODOBKA 54AAD

AWOODDA XEER-DEJINTA ARRIMAHA MAALIYADDA

Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda:­

1.       Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor loogu qaadayo dakhliga.

2.       Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu ururinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya.

3.       In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qiimo dammaanadeed.

4.       Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.

QODOBKA 55AAD
MIISAANIYADDA

1.       Golaha Wakiiladu wuxuu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go’aan Gole.

2.       Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi.

3.       Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.

4.       Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannad­maaliyadeedka.

5.       Xeer  ayaa  caddaynaya  miisaaniyadda  iyo  xisaab-xidhka  hay’adaha, wakaaladaha iyo shirkadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakiilada.

6.       Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad­maaliyadeedkii  dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.

7.       U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti­dhawraha Guud.

QODOBKA 56AAD

KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILADA

         Golaha Wakiilada waxa la kala diri karaa:­

1.       Marka uu fadhiisan waayo laba kal-fadhi oo caadiya oo isku xiga, iyada oo aanay keenin duruuf awoodooda ka baxsani.

2.       Marka ay soo jeediyaan in uu kala dirmo 1/3 {saddex meelood, hal} tirada xubnaha Goluhu; isukuna raacaan 2/3 {saddex meelood laba}tirada guud ee xubnihiisu.

3.       Xaaladaha ku xusan faqradaha {1-aad} iyo {2-aad} ee qodobkan waxa go’aan ka soo saaraysa Maxkamadda Dastuurka, iyada oo xaaladda ku xusan faqradda {l-aad} ay Maxkamaddu u soo gudbinayso Madaxweynaha xaaladda ku xusan faqradda 2-aadna Golaha Wakiilada.

4.       Golaha Wakiilada waxa kale oo kala diri kara Madaxweynaha, ka dib marka uu dadweynuhu sababaha uu ku dhisay kala diridooda ku oggolaado Afti-qaran oo ay qaban-qaabiso Maxkamadda Dastuuriga ahi.

5.       Madaxweynuhu marka uu arko go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ee ay ka soo saarto xaaladda ku xusan faqradda {1-aad} ama {2-aad} ee qodobkan, ama natiijada aftida dadweynaha ee ku xusan faqradda {4-aad} ee qodobkan, waxa uu ku soo saarayaa Xeer-Madaxweyne kala diridda Golaha Wakiilada, isaga oo isla markaa baahinaya taariikhda doorashada Golaha cusub oo ku qabsoomaya 60 {lixdan} maalmood gudahood.

6.       Haddii aftida Qaranku taageeri weydo kala diridda Golaha Wakiilada, ama doorashadu qabsoomi waydo, Golihii hore ayaa xilka haynaya.

7.       Ma bannaana kala diridda Golaha Wakiilada sannadka u horeeya ee Golaha iyo sannadka u dambeeya ee muddada xilka Madaxweynaha.

XUBINTA 2AAD

GOLAHA GUURTIDA

QODOBKA 57AAD

TILMAANTA GUUD EE GOLAHA

Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Golaha Odayaasha, waa Qaybta 2-aad ee Xeer-dejinta waxaanay dib u eegaan xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin; wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

QODOBKA 58AAD

DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA GUURTIDA IYO MUDDADA XILKA

1.      Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya xeer.

2.      Muddada xilka Golaha Guurtidu waa 6 {lix sano}, oo ka bilaabmaysa maalinta fadhiga l-aad qabsoomo.

QODOBKA 59AAD

SHURUUDAHA QOFKA LOO SOO DOORANAYO XUBINIMADA GOLAHA GUURTIDA

         Qofka loo dooranayo xubinimada Golaha Guurtida waa in uu yeesho shuruudaha qofka isu- taagaya xubinimada Golaha Wakiilada marka laga reebo da’da iyo heerka aqoonta oo noqonaya sidan hoos ku xusan:­

1.       ln aan da’diisu ka yaraan 45 sano {shan iyo afartan sano}.

2.       ln uu yahay qof Diinta aqoon fiican u leh, ama oday dhaqan-yaqaan ah.

QODOBKA 60AAD

TIRADA GOLAHA GUURTIDA

1.       Tirada xubnaha Golaha Guurtidu waa 82 (labba iyo siddeetan} oo iska dhex dooranaya Guddoomiye, laba Guddoomiye kuxigeen iyo guddi hoosaadyo inta uu u baahdo. Goluhu wuxuu yeelanayaa guddi joogto ah oo 25 {shan iyo labaatan} xubnood ah.

2.       Xilli kasta waxa ku soo kordhaya tiro xubno sharaf ah oo kala ah:­

b-      Shan xubnood oo Madaxweynuhu ku soo xulo tilmaamo gaar ah oo ay Qaranka u yeesheen; waxayna muddada xubinimadoodu la cimri tahay muddada xilka Golaha.

r-       Qof kasta oo horay Guddoomiye uga noqday Golaha Guurtida ama Golah Wakiilada.

j-        Qof kasta oo hore Jamhuuriyada Somaliland uga soo qabtay xilka Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen.

x-   Xubno sharafku Golaha cod kuma leh; mana geli karaan Guddida Joogtada ah

QODOBKA 61AAD

AWOODDA IYO WAAJIBMDKA GOLAHA GUURTIDA

1.       Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

2.       Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shir-guddoonka Golaha Guurtida, isaga oo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.

3.       Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha Wakiilada.

4.       Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha la xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyaga oo kaashanaya madax­dhaqmeedka beelaha.

5.     U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydjinta gudashada xilkooda.

6.       Waxa kale oo Golaha Guurtidu awood u leeyahay in uu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go’aana uga gaadho.

QODOBKA 62AAD

FADHIGA UGU HORREEYA EE GOLAHA GUURTIDA

Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 maalmood gudahood ka dib maalinta la soo dhamaystiro xulashadiisa; waxaana fadhiga furaya xubnahana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; waxana shirkaas guddoominaya xubinta ugu da’da weyn inta laga dooranayo Guddoomiye rasmi ah iyo labadiisa Kuxigeen.

QODOBKA 63AAD

XOGHAYAHA GOLAHA IYO LA-TALIYAYAAL

Golaha Guurtidu waxa uu yeelanayaa Xoghaye aan xubin ka ahayn Golaha. Waxa kale oo uu yeelan karaa la-taliyayaal uu ka mid yahay La-taliye Sharci. Dhismaha xoghaynta Golaha Guurtida waxay la mid tahay ta Golaha Wakiilada.

QODOBKA 64AAD

XEER-HOOSAADKA GOLAHA

Kal-fadhigiisa ugu horreeya Golaha Guurtida waxa uu ku ansixinayaa xeer hoosaadka Golaha.

QODOBKA 65AAD

MUSHAHARKA IYO GUNNADA GOLAHA GUURTIDA

Xubnaha Golaha Guurtida waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo.

QODOBKA 66AAD

DHAWR-SANAANTA XUBINTA GOLAHA GUURTIDA

Dhawrsanaanta xubinta Golaha Guurtidu waxay la mid tahay ta xubinta Golaha Wakiilada iyada oo dhawrsanaan-ka-qaadista uu leeyahay Golaha Guurtidu.

QODOBKA 67AAD

SHAQO-KA-TEGIDDA XUBINTA GOLAHA GUURTIDA

Xubinta Golaha Guurtidu waxa ay u gudbin kartaa shaqo-ka-tegideeda Golaha Guurtida, isagaana ka oggolaanaya.

QODOBKA 68AAD

WAAYIDDA XIBINIMADA GOLAHA GUURTIDA

1.       Xubinta Golaha Guurtidu waxay waayi kartaa xubinnimadeeda haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo xushay, ama ay gudan waydo xilka sida uu u caddaynayo xeer -hoosaadka Golaha Guurtidu.

2.       Haddii uu ku dhaco xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday.

3.       Haddii Golahu ka aqbalo istiqaalad.

QODOBKA 69AAD

KALA DIRIDDA GOLAHA

       Golaha Guurtida waxa loo kala diri karaa habka loo kala diri karo Golaha Wakiilada.

QODOKA 70AAD

REEBBANAANTA QABASHO XIL KALE IYO UGA FAA’IIDAYSIGA XILKA DANO GAAR AH

Xubinta Golaha Guurtida uma bannaana in ay qabato xil kale oo Qaran iyada oo xilkii loo xulay haysa; umana bannaana in ay xilka uga faa’iidaysato dano gaar ahaaneed.

QODOBKA 71AAD

FADHIYADA IYO KAL-FADHIYADA.

Fadhiyada Golaha Guurtida waa kuwa furan; waxaana ay noqon karaan kuwa xidhan sida ku cad Dastuurka. Tirada ay fadhiyadu ku furmi karaan, aqlabiyadda ay go’aamadiisu ku ansaxayaan iyo cidda isugu yeedhi karta kal­fadhiyada aan caadi ahayn, waxay la mid yihiin habka Golaha Wakiillada.

QODOBKA 72AAD

BANNAANSHAHA JAGADA GOLAHA GUURTIDA IYO SOO-BUUXINTEEDA

1.       Jagada Golaha Guurtidu waxay ku bannaanaysaa haddii ay timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad.

2.       Haddii ay bannaanto xubin ka mid ah Golaha Guurtidu ka hor lixda bilood ee ugu dambeeya muddada xilka Golaha Guurtida, waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka, iyada oo xubinta cusubi ay dhammays-tirayso muddada xilka Golaha.

QODOBKA 73AAD

XARUNTA GOLAHA GUURTIDA

         Xarunta Golaha Guurtidu waa Magaalo-madaxda.

QODOBKA 74AAD

SOO BANDHIGIDDA MASHRUUC-SHARCI                                                                 

                   Mashruuc-sharci waxa Golaha Wakiilada u soo bandhigi kara

1.       Golaha Xukuumadda

2.       Tirada Xubnaha Golaha Wakiilada ee xeer-hoosaadka Goluhu qeexo.

3.       Muwaadiniin leh xaqa cod-bixinta, tiradooduna aanay ka yarayn 5000 {shan kun } oo qof, waxaana ka reebban mashruuc qaanuun-maaliyadeed.

QODOBKA 75AAD

SOO-SAARIDDA, FAAFINTA IYO DHAQAN-GELINTA XEERKA

         Xeerarka wuxuu Madaxweynuhu ku soo saarayaa, kuna baahinayaa faafinta rasmiga ah saddex toddobaad {21 maalmood} gudahood, laga bilaabo maalinta Golayaashu u soo gudbiyaan; waxayna ku dhaqan-gelayaan 30 {soddon) maalmood gudahood oo laga bilaabo maalinta la baahiyay, iyada oo ay bannaan tahay in muddada dhaqan-galka lagu gaabiyo ama lagu dheereeyo xeerka gudihiisa.

QODOBKA 76AAD

Mashruuc-sharci wuxuu xeer ku noqonayaa ansixinta Golaha Wakiilada waxaanu dhaqan gelayaa ka dib marka uu Madaxweynuhu saxeexo sida ku cad Qod. 38-aad.

QODOBKA 77AAD

HABKA LOO RAACO XEER-DEJINTA

1.       Labada Gole ee Baarlamanka mid waliba mashruuc-sharci uu ansixiyo wuxuu u gudbinayaa Golaha kale; si uu ula eego talooyinna uga siiyo.

2.       Labada Gole mid waliba Golaha kale hal mar oo keliya ayuu mashruuc-sharci ku soo celin karaa.

3.       Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayaa qeexaya hab-socodka mashruuc-sharci, waana in uu muujiyaa mudnaanta gaar ah ee ay leeyihiin mashruuc-sharciyada la xidhiidha maaliyadda iyo kuwa Xukuumaddu u aragto degdeg, kuwaas oo mudan in iyaga la hormariyo.

4.       Mashruuc-sharci ay labada Gole ee Baarlamaanku ku wada ansixiyeen ama ku wada oggolaadeen aqlabiyadda 2/3 (Saddex meelood, laba) ama ka badan Madaxweynuhu dib uma celin karo ee wuu saxeexayaa.  Haddii uu arko in mashruuc-sharcigaasi ka hor imanayo qodob ama qodobo Dastuurka, waa in uu sidaa ku wargeliyaa Shir-guddoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbin doona Maxkamadda Dastuuriga ah.

5.       Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas-sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin.

6.       Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc~sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiyay

QODOBKA 78AAD

1.       Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa maaliyadda oo Golaha Wakiiladu aqlabiyad ku oggolaado waa in loo gudbiyo Golaha Guurtida, kaas oo markaas:­

b.   Oggolaan kara ama wax-ka-beddel soo jeedin kara.

t.           Haddi Golaha Guurtidu oggolaan waayo, ama wax-ka-beddelid uu soo jeediyay Golaha Wakiiladu ku qanci waayo, Golaha Wakiiladu wuxuu xaq u leeyahay in mashruuca-sharciga kalfadhiga xiga ee Golaha Guurtida dib ugu celiyo. Haddii uu Golaha Guurtidu oggolaan waayo ama ku soo jawaabi waayo bil gudaheed, mashruuc-sharcigu wuu ansaxaya, sidaas ayaana Madaxweynaha loogu gudbinayaa.

2.       Mashruuc-sharci kasta uu Golaha Guurtidu aqlabiyad ku ogolaaday waa in loo gudbiyo Golaha Wakiilada, kaas oo markaa:

b-   Oggolaan kara ama wax ka beddelid soo jeedin kara

t-    Haddii Golaha Wakiiladu mashruuc-sharcigaas oggolaan waayo, ku noqosho malaha.

3.       Mashruuc-sharci  labada  Gole  soo  oggolaadeen  ee  loo  gubdiyey Madaxweynaha, haddii uu sidaa ku oggolaado, wuxuu Madaxweynuhu ku soo saarayaa faafinta  rasmiga ah  (21)  maalmood  gudahood.  Haddii  uu Madaxweynuhu oggolaan waayo ama wax-ka-beddelid soo jeediyo waa in uu kow iyo laabatan  (21) maalmood gudahood ku soo war-geliyaa Shir­guddoonka Golaha Wakiilada sababta uu u cuskaday.

4.       Haddii uu sababaha uu Madaxweynuhu cuskaday Goluhu ku qanci waayo, oo mashruuc-sharcigaas uu mar-labaad ku ansixiyo aqlabiyad  2/3  (saddex­meelood,  laba)  xubnaha  Golaha,  mashruuc-sharicgaas  waa  in uu Madaxweynuhu aqbalaa.  Haddiise aqlabiyadu intaas ka yaraato, mashruuc sharcigaasi wuu burayaa.

5.       Mashruuc-sharci uu Golaha Wakiiladu oggolaado aan ahayn mashruuc-sharci maaliyadeed oo Golaha Guurtidu nuxurkiisa (Principle) ku diido aqlabiyad (2/3) (saddex meelood laba) xubnaha Golaha, haddii Golaha Wakiiladu ku qanci waayo diidmadaasi oo mar labaad ku ansixiyo aqlabiyad ka yar 2/3 (saddex-­meelood laba) xubnaha Golaha, mashruuca-sharcigaasi wuu burayaa.

QODOBKA 79AAD

EEDAYNTA XUBNAHA GOLAYAASHA

1.       Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto xubinta ama xubnaha iyaga oo faraha kula jira fal­dembiyeed (Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo xadhig ah.

         Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.

2.       Dacwadda dembiga ah ee lagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya Xeer- ilaaliyaha Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen ay maamuuska kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.

         Waxa dacwaddaas dhegeysigeeda awood u leh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice).

QAYBTA SADDEXAAD

WAAXDA FULINTA

XUBINTA IAAD

QODOBKA 80AAD

MADAXWEYNAHA lYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA

         Qaranku wuxuu yeelanayaa Waaxda Fulinta, oo ka gaar ah kana madax­bannaan waaxyaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka.

QODOBKA 81AAD

WAAXDA FULINTA

         Waaxda Fulinta (oo mararka qaarkood loogu yeedho (Xukuumadda) ) waxa madax ka ah Madaxweynaha, waxaanay ka kooban tahay:­

*      Madaxweyne;

*      Madaxweyne-ku-xigeen;

*      Iyo Golaha Wasiirada ee Madaxweynuhu magacaabo.

QODOBKA 82AAD

SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN

         Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda:­

1.       Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.

2.       Waa in uu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.

3.       Waa in aanay da’diisu ka yaraan afartan sano {40}.

4.       Waa in uu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa

5.       Waa in uu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo mid kaleba}.

6.       Waa in uusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.

7.       Waa in uu xaaskiisu yahay Muslim.

8.       Waa in uu xog-ogaal u ahaado xaqaa’iqaha dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay in ay qabsoonto.

9.              Waa in uu hantidiisa diiwaangeliyo.

QODOBKA 83AAD

HABKA DOORASHADA

1.       Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha lagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.

2.       Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa la qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.

3.       Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.

4       Waxa loo aqoonsanayaa in ay doorashada Madaxweyaha iyo Kuxigeenka Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.

5.       Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto

QODOBKA 84AAD

DHAARTA MADAXWEYNAHA IYO KUXIGEENKA MADAXWEYNAHA

         Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha waxa lagu dhaarinayaa ka hor inta aanay xilka la wareegin xaflad ay goob joog ka yihiin Madaxda Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

QODOBKA 85AAD

WAXYAABAHA KA REEBBAN MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE-KUXIGEENKA

1.       Uma  bannaana  Madaxweynaha  iyo  Madaxweyne-kuxigeenka  iyo Marwooyinkoodu in ay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.

2.       Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka badan sabab caafimaad mooyaane.

3.       Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha iyo Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee leh muuqaal Qaran iyada oo lagu maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran.

QODOBKA 86AAD

BANNAANAANTA JAGADA IYO HABKA UU MADAXWEYNUHU AMA MADAXWEYNE KUXIGEENKU XILKA UGA TEGI KARO

Waxay jagada Madaxweynaha ama kuxigeenka Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay   dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheegan:­

1.       Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyay.

2.       Hawsha oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo.

3.       Geeri ku timaadda.

4.       Is-casilaadda Madaxweynaha ama Madaxweyne Kuxigeenku wuxuu qoraal xil­ka-tegis ah u gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxayna labada Gole fadhi wada jir ah ku oggolaan karaan ama ku diidi karaan aqlabiyad tirada guud ee labada Gole.

5.       qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u yeelanayaa in uu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markii uu codsiga hore qortay; waxaana waajib ku ah labada Gole in ay xil-ka-tegidda ka oggolaadaan.

QODOBKA 87AAD

MUSHAHARKA & GUNNADA

Mushaharka, gunnada iyo hantida Dawladda ee ay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexaya xeer.

QODOBKA 88AAD

MUDDADA XILKA

1.       Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.

2.       Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

QODOBKA 89AAD

HABKA BUUXINTA JAGADA BANNAANAATA

1.       Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Kuxigeenku noqonayaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah.

2.       Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado labada sano ee u dambeeya muddada shanta sano ah ee loo doortay, waxa xilka Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne Ku­xigeenka muddada labada sano ah ee hadhay, wuxuuna Madaxweyne Ku­xigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, waxaana ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Kuxigeenka, waxa waajib ku ah in uu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badanayn soddon maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha.

         Waxa xubintu muddada dastuuriga ah hayn doontaa xilka loo magacaabay; isla markaana waayi doontaa xubinnimadii Golaha Wakiilada.

3.       Sidoo kale, marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweyne-kuxigeenka wuxuu Madaxweynuhu u magacaabayaa Madaxweyne-kuxigeen xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, oo 2-da Gole oggolaadeen. Wuxuu mudanaha xilka loo magacaabay hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka hadhay,  iyada oo ay bannaanaan doonto jagadi Wakiilnimadu. Haddii ay Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne-kuxigeenka, waxa waajib ku ah in uu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badnayn 30 maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha.

4.       Haddii ay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida.   Waxaana  doorashada  Madaxweynaha  iyo  Kuxigeenka Madaxweynaha lagu qaban doonaa muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu sugnaatay.

XUBINTA 2AAD

QODOBKA 90AAD

AWOODAHA MADAXWEYNAHA

         Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:­

1.       Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.

2.       Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasiirada.

3.       Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawladda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:­

b.   Hanti-dhowraha Guud;

t.    Guddoomiyaha Baanka-dhexe;

j.    Guddoomiyaha iyo Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

x.   Xisaabiyaha Guud;

kh.  Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha;

d.   Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;

r.    Danjirayaasha;

s.   Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo

dh.  Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-ka-wareejintooda.

4.       Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Tahyaha Guud (Commander-in-Chief).

5.       Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda Islaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay’adaha ku shaqada leh.

6.       Saxeexa heshiisyada caalamiga ah.

7.       Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isaga oo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland.

8.       Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials).

9.       Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland  dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka.

10.     Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.

11.     Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad deg­deg ah.

12.     Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;

13.     Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.

14.     Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.

QODOBKA 91AAD

AWOODAHA MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA

        Madaxweyne-kuxigeenka Qaranku wuxuu awood u leeyahay;­

1.       Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.

2       Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.

3.       Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:-

b.   Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha.

t.    Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;

j.    Marka uu hawshii loo doortay u gudan kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo

x.   Geeri ku timaada.

QODOBKA 92AAD

AWOODAHA KALE EE MADAXWEYNAHA EE LA XIDHIIDHA XEERARKA DEGDEGGA AH

1.       Marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa xeerar deg-deg ah oo lagu joojinayo khataraha kor ku sheegan. Haddii Golayaasha Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah soo saarayo Madaxweynuhu, waa in uu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah si ay go’aanno uga gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa Gudoomiyayaashoodu isugu yeedhayaan Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14 maalmood gudahood ah. Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay Golayaashu go’aan ka gaadhayaan.

2.       Xeerarka degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo Madaxweynuhu.

3.       Waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2-da Gole ku samayn doonaan saddexdii (3) biloodba hal mar iyaga oo go’aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah (Simple Majority)

QODOBKA 93AAD

HAB-MAAMUUSKA MADAXDA SARE EE QARANKA

1.       Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha ayaa leh hab maamuuska koowaad ee Qaranka.

2.       Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku-xiga.

3.       Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa leh hab-maamuuska 3aad ee Qaranka.

XUBINTA 3AAD

QODOBKA 94AAD

GOLAHA WASIIRADA

1.       Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go’aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda.

2.       Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-kuxigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah.

3.       Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-kuxigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-kuxigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.

4.       Wasiirada ama Wasiir-kuxigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan Qaranka.

5.       Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-kuxigeen haddii aanu buuxin shuruudaha ku xidhan qofka loo dooranayo Golaha Wakiilada.

6.       Wasiirka waxa loo xil-saari karaa hal Wasaarad ama in ka badan.

7.       Madaxweynaha ayaa guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirada ee caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.

8.       Lama xidhi karo Wasiir ama Wasiir-kuxigeen haddii aan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu ka qaadin dhawrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu u soo bandhigay Xeer­ilaaliyaha Guud.

QODOBKA 95AAD

SII-HAYNTA XILKA

1.       Wasiirka ama Wasiir-kuxigeenka istiqaalad dhiiba ama xilka laga fadhiisiiyo isaga ayaa xilka sii haynaya inta beddelkiisu ka tirsanayo.

2.       Waxaa ka reebban muddada uu Wasiirku ama Wasiir-kuxigeenku sugayo in xilka laga tiriyo in uu cid xil u magacaabo ama heshiis magaca Wasaaradda cid kale kula gab.

QODOBKA 96AAD

EEDEYNTA IYO MAAMUUS-KA-XAYUUBINTA MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA IYO WASIIRADA

1.       Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha lagu soo oogo dembiyada kala ah:­

b.   Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t.    Ku xad-gudub Dastuurka.

         Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-kuxigeenka dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna wuxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2.       Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-kuxigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax­bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3.       Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhageysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyada oo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca.  Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

4.       Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-kuxigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-kuxigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amryaa in uu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.

5.       Waxaa eedda la xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda  (High  Court of Justice),  Maxkamadaas  oo  ka  kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood. 

QAYBTA AFARAAD 

WAAXDA GARSOORKA

XUBINTA IAAD

QODOBKA 97AAD

Hawsha Garsoorka

1.       Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawladda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.

2.       Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan,  iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.

QODOBKA 98AAD

Awooda Garsoorka

1.            Garsoorku wuxuu awood gaar ah u leeyahay:

b.    In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.

t.    In uu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.

j.    In uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.

2.       Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.

3.       Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya

QODOBKA 99AAD

DHISMAHA GARSOORKA

1.       Hay’adaha Garsoorku waxay ka kooban yihiin maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta.

2.       Garsoorayaasha maxkamadaha iyo Xeer-ilaaliyaashoodu waxay u madax­bannaan yihiin hawshooda garsoor iyaga oo raacaya xeerka oo keliya.

QODOBKA 1OOAAD

MAXKAMADAHA

         Maxkamadaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka kooban yihiin:­

1.       Maxkamadda Sare;

2.       Maxkamadaha Racfaanka ee Gobolladda;

3.       Maxkamadaha Gobolada

4.       Maxkamadaha Degmooyinka; iyo

5.       Maxkamadaha Ciidamada Qaranka.

QODOBKA 101AAD

MAXKAMADDA SARE

         Maxkamadda Sare waa hay’adda ugu sarraysa Garsoorka; isla markaana waxay tahay Maxkamadda Dastuurka. Tirada garsoorayaashu waa in aanay ka yaraan Guddoomiyaha iyo afar garsoore; waxaana nidaaminaya xeer gaar ah.

QODOBKA 102AAD

MAXKAMADAHA HOOSE

         Magacaabidda garsoorayaasha iyo habka shaqada maxkamadaha hoose (maxkamadaha  racfaanka ee gobollada, maxkamadaha gobollada  iyo degmooyinka), waxa nidaaminaya xeer gaar ah.

QODOBKA 103AAD

XEER-ILAALINTA

         Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranku waxay ka kooban tahay Xeer-ilaaliyaha Guud iyo ku-xigeennadiisa.

QODOBKA 104AAD

MAXKAMADAHA CIIDAMADA IYO XEER-ILAALINTOODA

1.       Maxamadaha ciidamadu waxay gaar u yihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ee lagu oogo xubnaha ciidamada Qaranka xaaladaha nabadda iyo dagaalka.

2.       Maxamadaha ciidamada iyo Xeer-ilaalintooda waxa nidaaminaya xeer gaar ah.

QODOBKA 105AAD

MAGACAABIDDA GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

&

GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA SARE

1.       Madaxweynuhu isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu magacaabayaa  Guddoomiyaha  Maxamadda  Sare  iyo garsoorayaasha Maxamadda Sare,  iyada oo la tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo­’aragnimo xirfadeed iyo suubanaan akhlaaqdeed. Magacaabidda Guddomiyaha Maxamadda Sare waxa ansixinaya Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) oo fadhi wada jir ah yeesha muddo aan ka badnayn saddex {3} bilood marka laga bilaabo taariikhda magacawga.

         Waxa Kuxigeenka Guddoomiyaha noqon doonaa garsooraha dhinaca darajada ugu sarreeya garsoorayaasha ka tirsan Maxamadda Sare (Seniority).

2.       Ma bannaana in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxamadda Sare qof aan buuxin shuruudaha hoos ku sheegan:

b.   Waa in uu yahay muwaadin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.

t.    Waa in uu haystaa shahaado jaamicadeed oo barasho sharciga ah oo la aqoonsanyahay.

j.    Waa in uu leeyahay waayo’aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn toban sano; kuna soo shaqeeyey garsoore ama/iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo macallin jaamicad ka bara sharciga.

x.   Waa in uu siyaasadda ka madax bannaan yahay.

3.     Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida.

QODOBKA 106AAD

XIDHIIDHKA HAY’ADAHA GARSOORKA IYO WASAARADDA CADDAALADDA

1.       Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay fulinta go’aanada maamul ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda.

2.       Wada-shaqaynta Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka waxa qeexaya xeer.

QAYBTA SHANAAD

QODOBO KALA DUWAN

XUBINTA IAAD

QODOBKA 107AAD

GUDDIDA CADDAALADDA

1.       Gudidda Caddaaladdu waa hay’adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay:

         ·   Guddoomiyaha Maxamadda Sare                         Guddoomiye

         ·   Labada garsoore ee kuxiga dhinaca darajada

         ·   Guddoomiyaha Maxamadda Sare                          Xubno

    Xeer-ilaaliyaha Guud                                         Xubin
         ·   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda        Xubin

         ·   Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha                    Xubin

   ·  Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha    kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo

   ·   Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar;     kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.

2.       Waxa fadhiga Guddidu ku ansixi karaa marka ay joogaan toddoba (7) xubnood.

3.       Marka Guddoomiyaha Maxamadda Sare gudan kari waayo guddoominta Guddida, sababo caafimaad, fasax ama shaqo ka tegid darteed, waxa si ku-­meel-gaadh ah guddoomiyaha Guddida noqon doona garsooraha ka tirsan Maxakamadda Sare ee Guddida xubinta ka ah, dhinaca darajadana ku xiga Guddoomiyaha. Waxa xoghayn u ah Guddida Caddaaladda Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Sare.

QODOBKA 108AAD

HAWSHA GUDDIDA CADAALADDA

1.       Guddida Caddaaladdu waxay u xil-saaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha Dawladda.

2.       Lama xidhi karo garsoore ama ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud haddii aanay Guddida Caddaaladdu oggolaanin, hase yeeshee looma baahna oggolaanshaha Guddida haddii garsooraha ama Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud la qabto isaga oo faraha kula jira dembi ciqaabtiisa ugu yari ay tahay (3) saddex sannadood oo xadhig ah.

3.       Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa Guddida ka hor oogaya eedda ka xayuubinta dhawrsanaanta, anshax-marinta garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-­ilaaliyaha Guud.

XUBINTA 2AAD

QODOBKA 109AAD

QAAB-DHISMEEDKA DALKA

1.       Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay gobollo; gobol kastaana wuxuu u sii qaybsamaa degmooyin.

2.       Dhismaha gobollada iyo degmooyinka, xuduudahooda iyo darajooyinkooda xeer baa tilmaamaya.

3.       Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa  soo jeedinaya Golaha Xukuumadda,  waxana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.

QODOBKA 110AAD

MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA

1.       Maamulka gobollada iyo degmooyinku waa qayb ka mid ah Maamulka Xakuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

2.       Xidhiidhka Xukuumadda-dhexe ee gobollada iyo degmooyinka waxa caddaynaya xeer gaar ah.

QODOBKA 111AAD

GOLAYAASHA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA

1.       Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci­-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws}aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan iyo kuwa fulineed.

2.       Tirada gole kasta oo gobol ama degmo shuruudaha laga doonayo xubinta gole gobol/degmo iyo nidaamka doorashada xeer ayaa tilmaamaya.

3.       Guddoomiyaha degmadu, isaga oo la tashaday wax garadka tuulada, waxa uu soo jeedinayaa guddida maamul ee tuullo, waxana ansixinaya Golaha Sharci dejinta ee degmada.

4.       Golayaasha gobollada & degmooyinka waa in ay noqdaan kuwa awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulshada.

5.       Guddoomiyaha gobolka waxa soo magacaabaya Xukuumadda, waxaana uu uga wakiil yahay Xukuumadda-dhexe gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada.

6.       Guddoomiyaha gobolku waa xidhiidhiyaha Xukuumadda-dhexe iyo degmooyinka gobolka, isaga oo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

7.       Muddada xilka golayaasha gobollada iyo degmooyinka waa shan sano (5).

8.       b) Gole gobol ama degmo waa la kala diri karaa isaga oo aan muddadiisa dhammaysan.

         t) Xaaladda ay ku iman karto iyo qaabka loo kala dirayo xeer ayaa tilmaamaya.

9.       Xoghayaha gobolka ama degmada iyo madaxda waaxyaha ama laamaha Wasaaradaha ayaa xilka sii fulinaya iyaga oo raacaya shuruucdoodii hore inta laga soo dooranayo gole cusub.

10.     Golayaasha gobollada iyo degmooyinku waxay yeelanayaan xeer­hoosaadyadooda oo midaysan waxana gacan ka siinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

QODOBKA 112AAD

BAAHINTA AWOODDA MAAMULKA

1.       Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.

2.       KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya.

3.       Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1-aad ee qodobkan, waa in ay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho.

XUBINTA 3AAD

HAY’ADAHA DAWLADDA

QODOBKA 113AAD

HAY’ADAHA DAWLADDA EE GAARKA AH

         Hay’adaha Dawadda ee Qaranku waa:­

1.       Xeer-ilaalinta Guud

2.       Baanka Dhexe

3.       Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

4.       Hanti-dhawrka Guud.

         Haddii loo baahdo hay’ado kale waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan.

QODOBKA 114AAD

MAGACAABISTA IYO XIL-KA-QAADISTA MADAXDA HAY’ADAHA

1.       Magacaabista  Xeer-ilaaliyaha  Guud,  Guddoomiyaha  Baanka-dhexe, Guddoomiyaha & Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Hantidhawraha Guud, waxa soo jeedinaya Guddoomiyaha Golaha Xukuumadda; waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada ka hor intaan xilka loo dhaarin.

2.       Waxaa xilka ka qaadi kara madaxda qodobkan ku sheegan Madaxweynaha oo keliya.

3.       Mas’uuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood.

QODOBKA 115AAD

GUDDIDA CULIMADA WAAJIBAADKA GUDDIDA

         Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xilsaaran:­

1.       In ay si rasmi ah uga bixiyaan caddayn:­

b.   Khilaafka Diiniga ah ee abuurma.

t.    Wixii la isku qabto in uu Sharceedda khilaafsan yahay iyo in kale, ama iyaga ula muuqda in uu Sharceedda khilaafsan yahay.

     Guddidu waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga yimid ama Maxkamadda Dastuurka wixii iyaga uga muuqda.

2.       In ay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ha ahaadee iyaga oo ka eegaya dhinaca Diinta, gaar ahaan horumarka cilmiga sayniska iyo Diinta. In ay eegaan, hubiyaana, kutubta laga turjumo Shareecadda, gaar ahaan kuwa maxkamaduhu u cuskadaan xukunkooda {ka hor intaan sharci ahaan loo ansixin}, iyo kuwa gelaya manhajyada waxbarashada ee ku saabsan dhaqan­aqooneedka Diiniga ah.

QODOBKA 116AAD

TIRADA GUDDIDA IYO MUDDADA XILKA.

         Guddida Culimadu waxay ka kooban yihiin kow iyo toban (11) xubnood; muddada xilkuna waa shan sanno (5); xubintii mutaysatana dib baa loo soo magacaabi karaa.

QODOBKA 117AAD

SHURUUDAHA XUBNAHA

         Xubnaha Guddida Culimadu waa in ay yeeshaan shuruudaha hoos ku qoran:­

1.       In uu yahay muwaadin, maskax ahaan iyo jidh ahaanba u gudan kara xilkiisa.

2.       In aanay da’diisu ka yaraan afartan sano {40}.

3.       In uu yahay nin lagu yaqaan ALLAH-KA-CABSI iyo akhlaaq wanaag.

4.       In aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga caddaaday shantii sanno ee ugu dambaysay.

5.       In uu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah amaba wax u dhigma oo dhinaca Diinta ah.

6.       Markuu xilka Guddida qabto in uu ku sifoobo dhexdhexaadnimo dhinacyada  siyaasadda iyo aragtida Diineed.

QODOBKA 118AAD

WAXYAABAHA KA REEBBAN XUBNAHA.

         Xubnaha Guddida Culimada waxa ka reebban.

1.       In ay ku tilmaanaadaan xisbi siyaasadeed ama urur gaar ah oo Diineed.

2.       In ay qabtaan xil kale oo Qaran inta ay xilka Guddida hayaan.

QODOBKA 119AAD

MAGACAABIDDA XUBNAHA GUDDIDA CULIMADA

I        Xubnaha Guddida Culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo Golaha Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo is-tiro le’eg; waxaana oggolaanaya Golaha Guurtida.

2       Guddida Culimadu iyagaa iska dhex-dooranaya Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen

QODOBKA 120AAD

BANNAANAANSHAHA XUBINNIMADA GUDDIDA CULIMADA

         Xubinnimada Guddida Culimada waxay ku bannaanaan kartaa:

1.       Haddii uu istiqaalad dhiibo ama uu geeriyoodo.

2.       Haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii xubinnimada.

3.       Haddii uu xukun ciqaabeed oo kama damays ahi ku dhaco.

QODOBKA 121AAD

MUSHARKA IYO GUNNADA.

         Mushaharka iyo gunnada xubnaha Guddida Culimada xeer baa nidaaminaya.

QODOBKA 122AAD

XEERKA HAY’ADAHA

         Hay’ad kasta oo ka mid ah hay’adaha Dawladda ee gaarka ah waxay yeelanaysaa xeer u gaar ah oo qeexaya qaab-dhismeedkeeda, waajibaadkeeda iyo dhawrsanaanta madaxdooda.

XUBINTA 4AAD

QODOBKA 123AAD

MABAADI’DA CIIDANKA QARANKA

1.       Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madaxa­bannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka loo baahdo hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka.

2       Ciidanka Qaranku wuxuu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka.

3       Dhismaha Ciidanka Qaranku wuxuu ka koobnaanayaa dhammaan deegaannada Somaliland.

4       Qofka loo magacaabayo Wasiirka Gaashaandhigga waa in uu ahaadaa muwaadin madani ah (Civilian).

5       Qaab-dhismeedka ciidanka Qaranka xeer-baa nidaaminaya

QODOBKA 124AAD

CIIDAMADA BOOLIISKA IYO ASLUUBTA

1.       Ciidanka Booliisku wuxuu u xilsaaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqan-gelinta xeerarka; qaab-dhismeedkoooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa qeexaya.

2.       Ciidanka Asluubtu wuxuu u xilsaaran yahay haynta iyo toosinta akhlaaqda maxaabiista; qaab-dhismeedkooda  iyo  waajibaadkoodana  xeer  ayaa nidaaminaya.

QODBKA 125AAD

DIYAARINTA XEERKA AFTIDA IYO MAGACAABIDDA

GUDDIDA QABAN-QAABINTA AFTIDA

         Si ay u suurta gasho qaban-qaabinta Aftidu, waxa waajib ah in la soo saaro Xeerka Aftida iyada oo laga shiidaal-qaadanayo tilmaamaha Dastuurku asteeyey; waxaana la magacaabayaa guddida qaban-qaabinta Aftida si waafaqsan Dastuurka.

QODOBKA 126AAD

WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABIDDA DASTUURKA

1.       Soo jeedinta wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa leh:­

b.   Madaxweynaha, ka dib marka uu la tashado Golaha Xukuumadda.

t.    1/3 (saddex-meelood meel) tirada guud ee Golaha Wakiilada.

j.    1/3 (Saddex meelood meel) tirada guud ee Golaha Guurtida.

2.       Waxa waajib ah in soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay sababaysan tahay, saxeexan tahayna.

3.       Wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxay Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ka doodayaan laba bilood ka dib marka uu Golaha Wakiiladu aqlabiyadda tiradiisa ku go’aansado in loo baahan yahay wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda.

4.       Wax-ka-beddelka qodob ama qodobo ka mid ah Dastuurka iyo/ama kaabiddiisu waxa ay ku ansaxayaan kadib marka uu 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtidu uu mid waliba goonidusa isugu raaco.

5.       Haddii Golaha Wakiiladu uu aqlabiyadda tiradiisa isugu raaci waayo in loo baahan yahay in wax laga beddelo ama wax lagu kordhiyo ama labadaba; ama haddii labada Gole midkood ku ansixin waayo wax-ka-beddelka jyo/ama kaabidda 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee xubnihiisa, soo jeedintaas dib looma soo  celinayo 12 (laba iyo toban) bilood oo dambe.

QODOBKA 127AAD

XUDUUDDA WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABIDDA DASTUURKA

Ma bannaana in soo jeedinta wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay xambaarsanaato nuxur ka soo horjeeda:­

b.       Mabaadi’da Shareecadda Islaamka.

t.       Midnimada dalka (Israacsanaanta dhul-ahaaneed).

j.       Mabaadi’da talo-wadaagga iyo hannaanka xisbiyada badan.

x.       Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyaadka qofka.

QODOBKA 128AAD

SALDHIGGA IYO SARRAYNTA DASTUURKA

1.       Dastuurka waxa saldhig u ah mabaadi’da Islaamka.

2.       Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, wuxuu noqonayaa waxba kama-jiraan.

QODOBKA 129AAD

DHAARTA DASTUURIGA AH

         Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaartan Dastuuriga ah, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin; sidoo kale waxaa isagana dhaarinaya Madaxweynaha.

         “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”.

QODOBKA 130AAD

DHAQAN GELINTA DASTUURKA IYO

QODDOBADA KALA GUURKA

1.       Dhaqan-gelinta Dastuurku waxay ka bilaabmaysaa marka afti loo qaado, natiijada aftiduna soo baxdo, waxana si ku meel gaadha loogu dhaqmi karaa muddo saddex sannadood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhdii uu oggolaaday shirweynihii 3aad ee Beelaha Somaliland.

2.       Haddii qabashada aftidu suuroobi waydo muddada loo xaddiday, waxa muddada ku meel gaadh ahaan loogu dhaqmayo Dastuurka kolba kordhin kara Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilda).

3.       Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida ama Golaha Wakiillada ay ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad waxaa soo buuxinaysa beeshii uu ka tirsanaa inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada.

4.       Haddii ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman qodobka 86aad Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood,  inta laga gaadhayo nidaamaka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiilada iyo Guurtida} ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya Madaxweyne iyo Madaxweyne-Ku-xigeen ama midkood, iyada oo xilka jagada bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.

5.       Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqamayaa xeerarkii hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn Shareecadda Islaamaka, xuquuqda qofka iyo xorriyaadka asaasiga ah, inta laga soo saarayo xeerar waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaa waa in la diyaariyaa xeerarka Dastuurka waafaqsan, waxaana lagu keenayaa xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido Golaha Wakiiladu.

6.       Haddii gobollada iyo degmooyinku ay muddo saddex bilood ah gudahood ku dhisan waayaan golayaal, Xukuumadda-dhexe waxay ku meel gaadh ahaan u magacaabaysaa maamulo gobolo iyo degmooyin iyada oo kala tashanaysa xubnaha Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ee metala gobolladaas iyo degmooyinka iyo weliba guurtida degaamadaas.

Magacyada Guddida Isku-duba-ridka Dastuurka:

     1.  Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar                       Guddoomiye

     2.  Maxamed Axmed Cabdulle                           Guddoomiye-ku-xigeen

     3.  C/qaadir X. Ismaaciil Jirde                            Xoghaye

     4.  Sh. Maxamuud Suufi Muxumed                     Xubin

     5.  Maxamed Siciid Maxamed (Gees)                   Xubin

     6.  Sh. Cali Sh. Cabdi Guuleed                           Xubin

     7.  Faysal Xaaji Jaamac (Qareen)                      Xubin

     8.  Cismaan Xusseen Khayre (Garsoore)              Xubin

     9.  Prof. Faarax Cabdilaahi Farud                       Xubin

     10. Prof. Maxamuud Nuur Caalin                        Xubin

     11. Xasan Cabdi Xabad                                   Xubin

     12.Axmed MacaIm Jaamac                               Xubin

     13. Yuusuf Aadan Xuseen                                Xubin

     14. Cismaan Call Bille                                      Xubin

     15. Maxamed Jaamac Faarax                            Xubin

GUDDIDA DIB U HABAYNTA IYO DIB U EEGIDDA DASTUURKA

GOLAHA GUURTIDA

  1)     Mud. Siciid Jaamac Cali                      Guddoomiye

  2)     Mud. Axmed Nuur Aw Cali                   Xoghaye

  3)     Mud. C/Laahi Sh. Xasan                     Xubin

  4)     Mud. Sicild ClLaahi Yaasir

  5)     Mud. Cali X. Cabdi Ducaale

  6)     Mud. C/raxmaan Axmed Areye

  7)     Mud. Maxamed Cilse Faarax

  8)     Mud. Yuusuf CILaahi Cawaale

9)           Mud. Muxumed Aw Axmed               

10)        Mud. Maxamed Gaaxnuug Jaamac        

11)        Mud. Maxamed Cismaan Guuleed

GOLAHA WAKIILADA

1)     Mud. Xasan Axmed Ducaale                         Guddoomiye

2)     Mud. Cali Maxamed Cumar                          Xoghaye

3)     Mud. C/raxmaan Xuseen Cabdi                      Xubin

4)     Mud. Maxamed Xuseen Dhamac

5)     Mud. Cabdi Daahir Camuud

6)     Mud. C/Laahi lbraahim Kaarshe

7)     Mud. Axmed CILaahl Call

8)     Mud. Faysal X. Jaamac

9)     Mud. Maxamed Aadan Gabaloos

10)     Mud. Cumar NuurAare

11)     Mud. Yaasiin Faarax Ismaaciil

12)     Mud. Yaasiin Maxamuud Xiir

13)     Mud. Cali Obsiiye Diiriye

GUDDIDA SIXIDDA, HUBINTA IYO SOO-SAARIDDA NUQULKAN DASTUURKA:

(Iyo Saxeexooda)                                          

1)      Mudane Axmed Maxamed Aadan                Guddoomiye (Wakiiladda)

2)      Mudane Axmed Nuur Aw Cali                     Xoghaye (Guurtida)

3)      Mudane C/Laahi Sh. Xasan                       Xubin

4)      Maxamed Xuseen Cismaan                        Xoghayaha (Golaha Wakiilada)

Sh. lbraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar                    Axmed Maxamed Aadan

Guddoomiyaha Golaha Guurtida                   Guddomiyaha Golaha Wakiilada

XOGHAYNTA GUDDIDA DASTUURKA

1)       Faisa Maxamed Axmed

2)       C/risaaq Siciid Ayaanle

30 APRIL 2000

Leave a Reply