Jan 18 2010

XEERARKA UDUB

XEERARKA UDUB

Qodobka 1

Magaca Ururka

 Magaca Ururku waa Ururka Dimuqraadiga ee Ummada Bahawday (UDUB).

Qododbka 2 

Astaanta iyo Calanka Ururka

Astaanta Ururku waa gogol doog ah oo dhexda uu ka qotomo udub midabkiisu cad yahay, dhudiisana xarfaha UDUB si qoton ah ay ugu qoran tahay oo leh midab dooge ah.

Qodobka 3

Xarunta Ururka.

Xarunta Ururka UDUB waa magaalo madaxda Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa.

Qodobka 4   

Mabaadiida Guud

1.1   Waa Urur mabadiidisa guud ku salaysantahay diinta islaamka iyo dhaqanka hufan iyo bulsho xor ah oo sinaan iyo cadaalad ku wada nool.

1.2   Waxaa saldhig u ah Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

1.3   Wuxuu aaminsanyahay, ilaalinayaana gooni isutaaga iyo jiritaanka J. S/land.

1.4   Wuxuu ilaalinayaa midnimada, cadaalada iyo sinaanta Ummadda S/land.

1.5   Wuxuu ilaalinayaa, joogtaynayaana guulaha ummaddu ka gaadhay dhinaca dimuquraadiyada ee ogolaanaya inay bulshadu ku doorato oggaankeeda qaab ku dhisan mabda’a codbixinta xorta ah ee muwaadinka ah.

1.6   Wuxuu kobcinayaa dhaqaalaha dalka si’ay ummaddu u wada gaadho horumar iyo nolol tayo heer sare ah leh.

1.7   Wuxuu badbaadinayaa degaan-nololeedka dalka S/land iyo nabada guud ee gobolada JSL iyo deriskeeda

1.8   Ururku wuxuu ogolyahay xorriyada ra’yiga, wada tashiga iyo wada doodidda.

1.9   Ururku wuxuu taageerayaa xuquuqda haweenka dhinaca siyaasada, bulshada iyo Maamulkaba.

                   Qodobka 5                           

Xubinimada Ururka

5.1   Waxaa xubin ka noqon kara Ururka qof kasta oo muwaadin S/land ah, oo da’diisu gaadhay 15 sanadood oo aaminsan mabadidiisa, kuna dhaqma shuruucdiisa.

5.2  Waxaa golaha dhexe siin karaa xubin sharafeed cid aan Ururka ahayn hase yeeshee waxtar muuqda ka gaysatay hawlaha Ururka.

5.3  Aqbalaada codsiga xubinimada waxaa leh guddiga Laanta.

5.4  Xubinta la ogolaaday waxay yeelanaysaa kaadh leh Astaanta Ururka.

5.5  Xubinta Ururku wuxuu ku dhaaranayaa “WAXAN MAGACA ILLAAHAY UGU DHAARANAYAA IN AAN DALKAYGA DAACAD U AHA MABDA’A URURKA UDUBNA AAMINSANAHAY”                                       

5.6  Xubin kasta waxay bixinaysaa Ishtiraak joogto ah bishiiba oo uu qadarkiisa goyn doono golaha dhexe ee Ururku.

5.7  Qofkii aan awoodi Karin waxaa ka dhaafi kara guddiga laanta ururka asaga oo raacaya habka xeer-hoosaadku qeexayo.

Qodobka 6   

Xuquuqda iyo waajibaadka Xubinta

6.1   Xuquuqda.

        a.  wuxuu ka qayb qaadan karaa doodda, soo jeedinta iyo fulinta siyaasadda Ururka.

        c.  wuxuu xaq u leeyahay in lagu wargeliyo hawlaha siyaasadda iyo waxqabadka Ururka.

        d.  wuxuu ka qayb qaadanayaa doorashooyinka, isna waa la dooran karaa, loona magacaabi karaa jago, ama gudiyada Ururka.

        e.  wuxuu u soo gudbin karaa talooyin laanta, Degmada, Gobolka, Golaha dhexe iyo shirwaynaha Ururka.

6.2   Waajibaadka

        a.  xubintu waa inay kaalin firfircoon ka qaadataa, kagana jirtaa hawlaha laanta uu ka tirsanyahay iyo guud ahaan Ururkaba.

        b.  Inuu xog-ogaal u yahay ujeedooyinka, himilooyinka iyo siyaasada ururka una hawlgalaa fulintooda.

        c.  Inuu xog-ogaal u ahaadaa xeerarka bulsho, iyo  siyaasada dhaqaale ee dalkiisa.

        d.  Inuu ka hortago wixii dacaayad ah ee waxyeelaaya Ururka, isla markaana difaacaa ujeedooyinka Ururka.

        e.  Inuu la dagaalamo iska hor imaadka beelaha, qabyaalada, gobolaysiga iyo dhaqanxumida.  

        f.  Inuu ilaaliyo kala-dambaynta, daacadnimada, iyo u hogaansanaanta aqlabiyada.

        g.  Inuu wargeliyaa laantiisa haduu ka wareegayo goob oo uu u wareegayo goob kale.

Qodobka 7   

Qaab-dhismeedka Ururka

1.1   Ururka udub waxuu ka koobanyahay:-

        a.  Shirwaynaha Ururka ee heer qaran oo dooranaya golaha dhexe (oo leh guddi fulin).

        b.  Shirka Ururka ee Heer Gobol oo doranaya Guddiga  gobolka.

        c.  Shirka Ururka ee heer Degmo oo doranaya Guddiga Degmada.

        d.  Kulanka laanta oo dooranaya guddida laanta.

1.2   Laamaha waxa laysugu xidhi karaa aagag ama waxaa loo sii qaybin karaa unugyo yar-yar meelaha qaab-dhismeedku u muuqdo.

1.3   Garabka Haweenka ee UDUB oo leh dhamaan qaabdhismeedka qaran, Gobol, Degmo ilaa laan.

1.4   Garabka dhalinyarada ee UDUB waxay xubnihiisu noqonayaa dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 35 jir, wuxuuna yeelanayaa qaab-dhismeedka Ururka UDUB ilaa heer qaran, Gobol, Degmo iyo laan.

Qodobka 8   

Gobolada

8.1  Gobolada Ururku waxay la mid yihiin Gobolada Qaranka ee J. S/land.

8.2  Magaalo madaxyada ururka ee heer gobol waxay ahaanaysaa magaala madaxda Gobolka.

                          Qodobka 9                              

Shirweynaha Heer Qaran ee Ururka

9.1  Shirweynaha heer qaran ee Ururku waa hay’adda ugu saraysa waxaanu awood buuxda u leeyahay go’aaminta iyo ka tallinta hawlaha Ururka.

9.2  Muddada Shirweynaha waa shan (5) sano, waxaana isugu yeedha, qabanqaabiyana Xoghayaha guud oo ka wakiil ah golaha dhexe iyo guddiga fulinta  fulinta.

9.3  Shirweynuhu waxa uu samaysanayaa qaab socodkiisa, isagoo adeegsanaya mabadiida Dimuqraadiga ah.

Qodobka 10               

Waajibaadka iyo awooda shirwaynaha qaran

10.1   Wuxuu dejiyaa siyaasada, qorshayaasha iyo xeerka Ururka.

10.2   Wuxuu shirweynuhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha shirguddoonka iyo afar xubnood oo kale maalinta ugu horaysa ee shirweynaha heer qaran ee Ururka.

10.3   Wuxuu dhagaystaa kana doodaa, warbixinada golaha dhexe oo ay ugu mihiimsantahay khudbada, Guddoomiyaha Ururka, warbixinta xoghayaha guud, warbixinada hawleed ee garabka haweenka, garabka dhalinyarada iyo warbixinta khasnajiga guud.

10.4   Waxay awood u leeyihiin inay waxka bedalaan, wax ku daraan, waxna ka dhimaan ama baabiyaanba go’aamada ay qaateen xubin-dhismeedyada kala duwan ee uruka labada shirwayne dhexdooda.

10.5   Wuxuu dooranayaa Guddoomiyaha Ururka, Guddoomiye-ku-xigeenka, iyo xubnaha ee ururka oo xeerku awaad u siinayo.

10.6   Waxa uu awood u leehayay inuu doorto ama magacaabo guddi ama ergo uu u xil-saaro shaqo ama hawl mucayina muddada shirwenuhu socdo.

Qodobka 11

Ergada codbixiya-yaasha.

11.1   Tirada ergooyinka oo ka kooban:-

        a.  Xubno laga soo doorto Gobolada iyo Degmooyinka, kana  mid aha laanta muddo aan ka yarayn 3 bilood.

        b.  Tirada ergooyinka shirwaynaha qaran ka imanaya , gobol walba waxaa xadidaaya golaha dhexe, iyada oo tirada ergooyinka laamaha uga soo qaybgalaaya lagu salayn doono tiradooda xubinimo (membership).

        c.  Xubno  ay soo xushaan garabka  haweenka UDUB iyo garabka dhalinyarta UDUB.

        d.  Dhamaan xubnaha Golaha dhexe ee ururka UDUB.

        e.  Dhamaan xubnaha golayaasha Qaranka J.SL ugu jira Urur ka ee aan ku jirin Ergooyinka kor lagu                    magacaabay.

11.2   Ergeda aan cod bixinayn. Golaha dhexe wuxuu caasuumi karaa ergo goob-joogayaala oo aan lahayn cod. Loona arkay inay shirwaynaha wax ugu filanyihiin, Ururkana hore wax uga taray.

11.3  Qaabka doorashada shirwaynuhu waa gacan-taag.

 Qodobka 12

Golaha Dhexe ee Ururka

12.1  Golaha dhexe waa hay’ada ugu saraysa ee Ururka UDUB mudada labada shirwayne dhexdooda, waxayna leedahay awooda hogaaminta ee Ururka iyadoo adeegsanaysa xeerka. Golaha dhexe tiradiisu wadar ahaan waa 90 xubnood 15 ka mid ahi yihiin guddiga fulinta. Guddoomiyaha Ururka ayaa magacaabaya 10 xubnood oo lagu soo xulay xilkasnimadooda, shacbiyadooda iyo waxtarkoodaba Ururku guud ahaan. Tirada kale ee Golaha dhexe waxay ku imanayaan sida xeerku dhigayo.

12.2   Awooda Golaha  dhexe:

        a.  Waa inuu fuliyaa go’aamada iyo awaamiirta ka soo baxda shirwaynaha qaran.

        b.  Waa inuu u gudbiyaa tilmaamooyinka iyo awaamiirta, kana helaa warbixin dhamaan gobolada Ururka.

        c.  Wuxuu kormeeraa, jiheeyaana shaqooyinka Ururka UDUB iyo qaybihiisa guud ahaanba.

        d.  Wuxuu hubiyaa hawl-galada dhismayaasha heer gobol iyo dagmo ee Ururka in uu si  dumuqraadiya ah oo waxa-ku-oola u fulay.

        e.  Wuxuu dusha kala soconayaan hawlaha garabka haweenka iyo garabka dhalinyarada.

        f.  Wuxuu Dhisida  waaxyo iyo gudiyo kolba sidii loo arko  inay ku haboon yihiin.

        g.  Maamulka iyo ilaalinta hantida Ururka.

        h.  hawl udirida iyo xil u dhiibida  guddida fulinta iyo daba galkooda.

        i.  Golaha Dhexe ee Ururka wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo xeer hoosaadyo iyo shuruuc si loo fuliyo hawlaha Ururka UDUB .

        j.  Golaha dhexe ee Ururka wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo nidaam asluubeed oo ku waajahan dhamaan haykalada guud,  saraakiisha, wakiilada, xafiisyada, iyo xubnaha Ururka.

12.3   Golaha Dhexe wuxuu xilka haynayaa muddo shan sanadood ah, waxaana lagu dooranayaa cod gacan-taag ah oo haldheeriya.

        a.  Golaha Dhexe wuxuu awood u leeyahay inuu magacaabo hanti-dhawr madax bannaan markii loo baahdo.

        b.  Golaha Dhexe wuxuu iska dhex-dooranaya kalfadhigiisa kowaad Xoghayaha guud, Ku xigeenka Xoghayaha Guud, Madaxa Wacyi-gelinta iyo sagaal xubnood oo ka  mida ah guddiga fulinta oo ay ka dhex dooranayaan golaha dhexe, waxaana lagu dooranayaa codbixin gacantaag ah oo hal dheeri ah.

        c.  Gudoomiyaha, xog-hayaha, khasnajiga iyo wacyigelinta Guddida dhexe ee gobolada si toosa ayey uga mid yihiin golaha dhexe ee heer Qaran ee ururka

        d.  Gudoomiyaha iyo xog-hayaha garabka haweenka ee UDUB si toosa ayay uga mid yihiin golaha dhexe ee heer Qaran.

        e.  Gudoomiyaha iyo xog-hayaha garabka dhalinyarada ee Ururka UDUB iyaguna si toosa ayaya ugu mid yihiin golaha dhexe ee Ururka.

        f.  Hadii jago Golaha dhexe ay banaanaato sababkasta awgeed, golaha dhexe wuxuu awood  u leeyahay in uu buuxiyo jagadaas.

        g.  Golaha Dhexe wuxuu isugu imanayaa kalfadhiga saddex biloodla ah waxaanuu dejeinayaa qaab siyaasadeed iyo nidaamka ay ku hawlgelayaan guddida fulintu.

        h.  labada Kalfadhi ee ugu dambeeya mid ka mid ah ee ku beegan soo dhowaanshaha xilliga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa golaha dhexe ku dooranayaan musharixiinta ururka ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka u tartaramaya oo isku mataansan ee JSL.

12.4   Qaabka doorashada shirweynaha ee Golaha dhexe. 

        a.  Xubinta Ururka ee doonaysa inay isku soo sharaxdo jagada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Ururka waxay u gudbinayaan codsiga musharaxnimada shirguddoonka shirweynaha.

        b.  musharaxiinta jagooyinka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka  Ururka waa inay ahaadaan kuwo isku mataanaysan.

        c.  Waxaa ku guulaysanayaa jagooyinka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Ururka mataanaha wareega hore hela coda ka badan kala badh tirada ergada shirweynaha ee codeeyay.

        d.  Hadii cidina ku guulaysan weydo wareega koowaad sida xubinta (J) ku cad, labada lammaane ee ugu tirada badna ayaa wareeg labaad oo doorasho ah laysku celianyaa, waxay  ku kala baxayaan cod hal dheeri ah.

        e.  xubnaha kale ee Golaha dhexe ka mid noqonaya ee shirweynuhu dooranayo waa inuu marka hore ee uu isa sharaxayo uu ka helaa afar (4) ergay oo taaageera. Ergayga musharax taageero siiyey ma siin karo musharax kale taageero labaad.

        f.  Dhamaan musharaxiinta golaha dhexe ee kor ku xusan wuxuu shirweynuhu ugu codaynayaa mid, mid, waxayna golaha u kala galayaan sida ay tirada cod bixinta shirweynaha ugu kala bataan ama ay ugu kala horeeyaan.

Qodobka 13 

Guddiga fulinta Ururka

13.1   Guddida Fulinta waxay ka kooban tahay 15 xubnood oo kala ah:-

        v     Guddoomiyaha Uruka

        v     Guddoomiye ku-xigeenka Ururka.

        v     Xoghayaha Guud Ururka.

        v     Xoghayaha ku-xigeenka Ururka.

        v     Kasnajiga Guud ee Ururka.

        v     Madaxa Abaabulka iyo Wacyi Galinta.

        v     Sagaal xubnood oo laga dhex dooranayo Golaha dhexe.

13.2   Awoodaha Guddida Fulinta:-

        v     Waxay fulinayaan go’aamadda iyo awaamiirta shirweynaha qaran iyo golaha dhexe ee ururka UDUB-labada kal fadhi dhexdooda.

        v     Waxay socodsiinayaan hawl maalmeedka Ururka UDUB.

        v     Waxay hubinyaan in gobolada iyo degmooyinku ay u fuliyeen go’aamadii Ururka sidii logu talo galay.

        v     Waxay siinayaan kal fadhiyada golaha dhexe war bixinnada la xidhiidha hawlaha Ururka

        Qodobka14               

Maaliyada Ururka

14.1   Golaha dhexe ayaa iska dhexdooranaya Guddiga Maaliyada ee Ururka oo tiradooda goluhu go’aamin doono

14.2   Golaha dhexe ayaa tilmaamaya, awoodaha gudida maaliyada .

14.3   Gudida maaliyada waa inay ugu yaraan sanadkiiba laba jeer warbixin siisaa Golaha dhexe taas oo ku saabsan miisaaniyada Ururka.

14.4   Ilaha dhaqaalaha ee ururku waxay ka imanayaan:-

          a.  Ishtiraak joogto ah oo xubnaha ururku bil kasta bixiyaan

          b.  Taakulaynta rasmiga ah ee dawladu ugu deeqdo axsaabta rasmiga ah.

          c.  Tabarucaadka xubnaha iyo taageerayaasha ururka.

          d.  Faa’iidada ka soo baxda maalgelinta gaarka ah ee ururka

          e.  Dakhliga ka soo baxa iibka qoraalada iwm.

          d.  Guddoomiyaha Guddiga Maaliyaddu wuxuu xaq u leeyahay inuu maal-qabeenada xubnaha ka ah ururka waydiisan karo taakulayn markay xaaladi la soo deristo ururka.

Qodobka 15

Waajibaadka iyo Hawlaha Hogaanka Ururka

 15.1   Guddoomiyaha Ururka.

Guddoomiyaha Ururku waa madaxa iyo hogaanka guud ee Ururka UDUB waxaanu shirweynaha ku leeyahay mudnaanta koowaad. Waa in uu:-

           a.  Shirwaynaha qaran u soo jeediyaa khudbada ka waramaysa xaaladda dalka iyo guud ahaanba arimaha siyaasada.

           b.  Wuxuu gudoomiyaa kal-fadhiga Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta ah isagoo raacaya xeerka Ururka.

           c.  Wuxuu jiheeyaa dhamaan hawlaha ururka isagoo ka tilmaan qaadanaya go’aamada golaha dhexe iyo guddiga fulinta.

15.2   Guddoomiye ku-geenka:-

          v  Guddoomiye-ku-xigeenku wuxuu kaalmeeyaa Guddoomiyaha  Hawsha Uruka.

          v  Wuxuu fulinaya wixii hawl uu u igmado Guddomiyaha Uruka.

          v  Guddoomiyha Uruku   Markuu maqan yahay wuxuu buuxinayaa kaalintii Guddoomiyaha.

15.3   Haddii:

         a.  Guddoomiyaha Geeri ku timaado, ama hawshiisa gudan kari waayo, ama iscasilo, waxa xilkiisii qabanaya guddoomiye-ku-xigeenka ururka.

         b.  Guddoomiye-ku-xigeenka haday ku timaado xaalad la mid ah ta

“B” Guddoomiyaha ayaa  kaalintiisii ka magacaabaya Golaha dhexe.

         j.  Hadday labadaba ku timaado muddo saddex bilooda ayaa Shirweyne la isugu yeedhayaa, Xoghayaha guud ayaana xilka sii haynaya.

15.4      Xog-hayaha Guud.

Waa madaxa maamul iyo fuliyaha hawl maalmeedka ururka UDUB, waa in uu:-

        a.  kaydiyaa dhamaan qoraalada shirwaynaha qaran,  golaha dhexe, Gudida fulinta iyo wixi kale ee qoraalo ah ee uu Ururku leeyahay.

        b.  U gudbiyaa wararka u mihiimka ah ee Golaha dhexe iyo gudida fulinta ee Gobolada, waxaanu ku dhawaaqaa asaga oo guddiga fulinta iyo golaha dhexe kaga wakiila wakhtiga la qabanayo shirweynaha ururka iyo shirarka aan caadiga ahayn ee golaha dhexe iyo guddiga fulinta.

        c.  gudbiyaa go’aamada iyo awaamiirta shirwaynaha qaran, golaha dhexe iyo gudida fulinta dhamaan gudiyada gobolada, isagoo had iyo jeer hubinaya in sidii loogu talo galay loo dhaqan galiyey,

        d.  diyaariya warbixin xilliyeedka hawlaha golaha dhexe iyo gudida fulinta .

        e.  qabtaa shaqooyinka Guddoomiyaha, hadii ay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenku maqan yihiin.

15.5   Ku-xigeenka Xog’hayaha Guud.

Ku-xigeenka xog’hayaha guud wuxuu kaalmeeyaa Xog’hayaha guud, waxaanu qabtaa shaqadiisa marka uu maqan yahay, iyo wixii hawlo kale ah ee uu u igmado Xog’hayaha guud.

15.6   Khasnajiga Guud.

Khasnajiga guud waa madaxa kaydinta dhaqaalaha iyo hantida Ururka. waa  inuu:-

        a.  qabtaa kuna xareeyaa Baanka dhamaan lacagaha isagoo ka wakiila golaha dhexe, iyadoo ay hawshaa ku weheliyo xoghayaha Guud ee UDUB. Lana  saxeexayo  jeegaga dakhli iyo kharash.

        b.  kaydiyo buug xisaabeed, si loogu xafido dhamaan qaab-xisaabeedka Ururka.

        c.  shirwaynaha ururka soo hor dhigaa warbixin tusaysa dakhliga kharashka iyo hadhaaga mudadii labada shirwayne u dhexeeyay, sidoo kale waa inuu warbixin wakhtiyeed usoo gudbiyaa golaha dhexe iyo gudida fulinta..

        d.  wuxuu ka masuul yahay isagoo lakaashanaya Guddida maaliyada inuu dajiyo qorshayaal dhaqaale lagu soo hoynaayo.

Qodobka 16 

Dhismaha Ururka Heer Gobol

1.1   Shirka heer gobol waa hay’ada ugu saraysa ee ururka ee gobolka.

1.2   Shirku heer gobol waa in:-

        a.  la qabto labadii sanadoodba mar, haddaanay Saddex-meeloodkiiba Hal  (1/3) dalban laamaha gobolku shir aan caadi ahayn.

        b.  Ergooyinka shirka waxa si dimuqraadiya looga soo dooranayaa laamaha gobolka iyadoo tiradu ku xidhnaan doonto tirada guud ee ergooyinka ka imanaya degmo walba (total membership).

        c.  waxa kasoo qayb galayaa dhamaan xubnaha gudida dhexe ee gobolka.

        d.  Waxaa ka soo qayb-galaaya dhamaan xubnaha guddida golayaasha D/hoose ugu jira ururka.

        e.  waxa kasoo qayb galaya wakiilo aysoo dirsadaan garabyada  haweenka iyo  dhalinyarada oo leh xaqa doorshada.

        f.   wuxuu fuliyaa go’aamada kasoo baxa shirwaynaha qaran, golaha dhexe iyo kuwa guddida fulinta

        g.  wuxuu dhegeystaa, falanqeeyaan warbixinada Guddida dhexe ee gobolka.

        h.  wuxuu doortaa gudoomiyaha, gudoomiye ku-xigeenka, xog’hayaha, xog-haye ku-xigeenka, khasnajiga iyo xubnaha kale ee Guddida dhexe ee gobolka,  shaqadana waxay haynayaan mudo laba sanadooda.

        i.  wuxuu dejiyaa siyaasada iyo qorshaynta Ururka ee Gobolka taasoo waafaqsan siyaasadii iyo qorshaha guud ee ururka.

        j.  Waxay soo jeedinayaan murashaxiinta uga soo qayb galaya gobolka doorashada Baarlamaanka, iyadoo ay ansixinayaan Golaha Dhexe.

       k.  waxay magacaaban murashaxiinta ururka uga qayb galaaya doorashooyinka Dawladdaha Hoose.

Qodobka 17

Guddiga gobolka

17.1   Guddiga dhexe waa hayada ugu saraysa gobolka labada shir goboleed

dhexdooda. Tiradoodu waa ugu yaraan 30  ugu badnaana afartan. Doorashada guddida fulinta ee gobolku iyo guddida gobolkuba waxa la raacaya habka ku xusan nidaamka doorashada ee guddiyada Heer qaran ee ururka.

 17.3    Wuxu kal fadhigiisa koowaad iska dhex dooranaya 11 (kow iuyo toban xubnood) oo ka kooban gudoomiyaha, gudoomiye ku-xigeenka xoghayaha, xog-haye ku-xigeenka, khasnaji, madaxa abaabulka iyo ku-xigeenkiisa.

 17.4    Garabka haweenka iyo Ururka dhalinyarada ee UDUB, guddoomiyahooda iyo xoghayahooda  waxay ka mid noqonayaan guddiga fulinta ee hee Gobol.

17.5    Waxay Guddiga dhexe ee gobolku yeelanayaan shirkooda laba biloodle ah.

17.6   Guddiga  gobolka:-

        a.  waa inuu fuliyaa go’aamada shirka gobolka, ka golaha dhexe iyo ka guddiga fulinta ee Ururka.

        b.  wuxuu u gudbinayaa warbixin golaha dhexe ee Ururka shirka gobolka, oo ku saabsan xaalada guud iyo ta dhaqaale ee ururka ee gobolka, iyo wixii kale ee looga baahdo.

        c.  waxay kormeeraan shaqooyinka Ururka ee Degmooyinka ee gobolkaas.

        d.  Guddiga gobolku waxay awood u leeyihiin inay dejiyaan xeer hoosaadyo iyo shuruuc ku wajahan gobolada ay kusayso ee Ururka UDUB .

        e.  Xeer hoosaadyada iyo shuruucdaasi waa inay waafaqasan yihiin xeerka Ururka . shuruucda ay dejiyaan guddiga gobolka waxa lagu dhaqmi karaa oo kaliya marakay ansixiyaan golaha dhexe ee Ururka.

        f.  waxay fuliyaan siyaasada iyo qorshaynta Ururka UDUB.

        g.  waxay fulisaa shaqooyinka iyo hawlaha guddiga gobolka, kaasoo ay si joogta ah warbixin u siiso.

        h.  waa inay kulantaa guddida fulinta gobolka todobaadkiiba hal mar.

Qodobka 18

Dhismaha Degmada

18.1   Degma waliba waa inay sanadkii shir-guud yeelato oo lagu doorto guddiga degmada oo tiradood tahay 15 ilaa 20 xubnood oo iska sii dhex dooranaya 9 xubnood oo guddiga fulinta ee Degmada ah oo kala aha:-guddoomiye, gudoomiye ku-xigeen, xog’haye, xog’haye ku-xigeen, khasnaji, madaxa abaabulka iyo wacyi-gelinta iyo seddex xubnoood oo ka mid ah  Guddga Fulinta Degmada.

18.2   Laan walba oo kamida degmada waxay xaq u leedahay inay soo dirato ergooyinkooda uga qayb galaya shirka iyadoo tiradooda ay ku xidhantahay tirada xubinimada ay laantaasi leedahay.

18.3   Waxaa ka soo qayb-galaya xubnaha Guddiga Degmada ee Ururka iyo xubnaha Golayaasha Degeenka ee Degmada ugu jira Ururka.

18.4   Shir-sanadeedka degmada waxaa ka soo qeyb gelaya wakiilo ay soo dirsadaan garabyada  haweenka iyo  dhalinyarada ee degmada oo leh xaqa cod-bixinta.

18.5   Gudidda degmadu waa inay siisaa warbixin joogta ah guddida gobolka.

 18.6   Shir-sanadeedka Degmada ee ku beegma wakhtiga doorashada guud waxaa lagu macaabayaa murashaxiinta doorashada golayaasha degaanka uga qayb gelaya ururka.

  Qodobka 19 

Laamaha

Xubin kasta oo kamida Ururka UDUB waa inuu kamid noqdaa laan oo ah unuga saldhiga u ah Ururka.

 19.1   Laantu waa inay:

        a.  diiwaan gashanaataa.

        b.  waa inay kulmaan kolba siday xeerarkooda iyo shuruucdoodu dhigayaan.

        c.  waa goobta ay xubnuhu kaga doodaan xuquuqdooda dimuqaraadiyaadeed si ay ugadoodaan siyaasada Ururka.

        d.  waa unuga saldhiga hawleed ee xubnaha Ururka.

        e.  waxay ku doortaan kulanka laanta, guddiga laanta oo ka kooban gudoomiye, gudoomiye ku-xigeen, xoghaye, khasnaji iyo gudida kalee xubnaha oo ka kooban ugu badnaan 7 xubnood ugu yaraana 3 xubnood.

        f.  waxay kulmaan todobaadkiiba hal mar.

19.2   Guddiga laantu waa inay:

        a.  marka la doortaba  kulmaan si ay u doortaan guddi hoosaad ka farcanta oo fulisa shaqo maalmeedka laanta.

        b.  waa inay fulisaa hawlaha wacyi-galineed iyo ta shaqo ee goobtooda, iyo guud ahaanba siyaasada iyo qorshayaasha Ururka.

        c.  waa inay warbixin hawloodkooda siiyaan kulanka laanta  ugu yaraan Bishiiba hal mar iyo guddiga Degmada.

        d.  Todobaadkiiba waa inay mar kulmaan.

Qodobka 20

Anshax Marinta

20.1   Dacwadaha anshax marinta waxa ay ku koobantahay oo kaliya ku xad-gudubka mabadi’da, iyo nidaamka asaasiga ee Ururka, ee maaha in loo adeegsado cabudhinta doodaha iyo xuquuqda dimuqaraadiyadeed ee asaasiga ee xubinta.

 20.2   Dacawadaha sida caadiga ah waxaa lagu qaadayaa heerka ama goobta ay ka dhacday xadgudubka sida laan, Degmo, Gobol ama heer qaran waxaanay qaadayaan heerka qaab-dhismeed ee ay markaas saamayso.

 20.3   Qofkii la soo dacweeyo waa in la siiyo ogeysiis qoraal ah oo ku saabsan nuxurka dacwadda ee lagu soo oogay, waqti macquul ah oo uu isku difaacana la siiyo.

 20.4    Qofkii ku qanci waaya xukun ku dhacay waxay xaq  u leeyahay in uu jaranjarada ka saraysa ta xukuntay u dacwoodo si dib u eegis loogu sameeyo.

20.5     Gefafka ku saabsan xadgudub qoraal ah ee Xeerka ururka, mabadiida, Nidaamka iyo go’aamada Ururku wuxuu noqon karaa digniin, ganaax ama Ururka oo laga joojiyo ama laga eryo, hadii aanay ka hor imanayn xeerka Axsaabta  Qaranka

20.6   Waxaa kale oo anshax marin leh dhammaan arimaha ay ka mid yihin isticmaal-xumi xafiis, iyo muusuq-maasaq.

 Qodobka 21 

Soo jeedinta iyo wax ka badelida xeerka.

 22.1   Wax ka bedelida xeerka waxaa soo jeedin kara guddiga fulinta ee Ururka.

22.2   waxaa kale oo soo jeedin kara ¼ tirada xubnaha golaha dhexe.

22.3   wax ka beddelka xeerku wuxuu ku ansaxayaa marka ay oggolaadan 2/3 tirada ergada shirweynaha.

 Qodobka 22

Shirwaynaha aan caadiga ahayn

 22.1   Golaha Dhexe ee ururka wuxuu soo jeedin karaa wax ka bedelka xeerka marka ay isku raacaan ¼ xubnaha goluhu ka kooban yahay.

22.2   Shir aan caadi ahayn ee ururka UDUB waxaa isugu yeedhi kara xubnaha golaha dhexe ee Ururka ayagoo tixgelin siinaya soo jeedimaha waxa ka beddelka xeerka ee ka yimaada Gobolada.

22.3   Waa in xoghayaha guud ugu yaraan Bil ogaysiin ah la sii bixiyaa intaan laqaban shirweynaha aan caadiga ahayn.

22.4   Ka soo qayb-galayaasha shirweynaha aan caadiga ahayn waxay noqonayaan ergooyinkii ka soo qayb galay shirweynihii u dambeeyey ee caadiga ahaa. Haddii xubno ergooyinka ka mid ahaa ay maqan yihiin waxa beddelkiisa keenaya hay’addii soo igmatay.

                              Qodobka 23                                

Arimo Guud 

Ereyga Urur wuxuu isu bedelayaa Xisbi, marka la waafajiyo xeerka Axsaabta Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply